July 1, 2008

Xil. Axmed/Yaasiin Sh. Cali oo ku baaqay Gurmad Xaga Biyaha Borama, Laydhka iyo Qiimo Jabin Lacagta Jaamacadaha.

Boorama, (Harowo) - Xildhibaan Axmed/Yaasiin Sh.Cali oo ka mida xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland, isla markaana ah xildhibaan laga soo doortay G/Awdal ayaa maanta shirjaraaid ku qabtay Hutelka RAYS ee Magaalada Borama.

Xildhibaanku wuxuu kaga hadlay biyo yaraanra soo foodsaaray Boorama, Qiimaha sare ee LAYDHka Borama iyo Dhanka waxbarashada Jaamacadaha Dalka in qiimaha wax lagu barto wax laga dhimo.

Xildhibaanku wuxuu marka hore hadalkiisa ku bilaabay, hadaan nahay xildhibaanadii laga doortay G/Awdal waa khasab in aan ka hadalo dhibaha kolba haysta shacabka na soo doortay, maalmahan biyo la’aan ayaa jirtay, Biyaha Borama waxay ahaayeen meelaha horumarka laga sameeyay, waxaa ka hadlay hortay madaxda SHABA, Aniguna waxaan baaq u jeedinayaa Dawlada dhexe waxaana leehay waajib ayaa idinka saaran dayactirka iyo raadinta Biyaha, waana adeegii umada ay maamusho, waa arin fiican in maamulka biyaha laga dhigo mid ay maamulaan shirkad gaar loo leeyahay, waxaanse soo jeedinayaa waa in shuruucda biyaha Borama lagu maamulo dib loogu noqdo, shirkada SHABANa ma awoodo in biyaha hada jiro mid ka badan samayso, waa maal gashi la sameeyo, waxaa jira cabashooyin hore oo laga soo jeedinayay sheerarka hore, waana in la kordhiyaa hada si loo qodo ceelal oo la soo saaraa biyaha hoose.

Xildhibaanku wuxuu intaas raaciyay oo yidhi mudooyinkan dambe waxaa kordhay adeegsigii laydhka, waayo dhulkii wuu kululaaday, Nasiibdarose Laydhka Boorama waa Qaali 1KW waa 1.25$, waxaan u soo jeedinayaa Xukuumada ina ay keento Mashiino ay dawladu leedahay oo dadka loo shido, si dadku u helaan qiimo jaban waxaanan leehay Boorama xaq ayay u leedahay in ay Dawlada dhexe u keento Mashiino NALKA shida sida ay Berbera ugu keentay, Shirkadaha hada ka jira Borama waxaan leehay umadiina dhiiga ha ka shubanina, waxay ku jiraan xaalad adag oo sixir barar, qolyaha gacanta ku hayaa LAYDHKA waa dadkii magaca lahaa oo waa ilma xaaji oo dhan, ha ku tijaarina dadkiina sixirbararku laayay, waan ognahay sixirka shiidaalka ee sare u kacay, waxaanse idin leenahay waar U naxariista Umadiina.

Xaga Jaamacadaha waxaan leehay dadkii waa ku qaali, hadii aanay lacagtaas helina ma soconayso Jaamacadu, balse jaamacada Camuud oo kale meelo badan ayaa lacag laga siiyaa sida Dawlada Dhexe, D/hoose iyo Biyahaba, markaas waa in ay ka qiimo jabnaataa Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, waxaanan dawlada u soo jeedinayaa in ay jaamacadaha ka bixiso miisaaniyadooda 50%, waayo dadka waalidiinta ah ma Awoodi karayaan in dhalinyartoodu Jaamacadaha galaan, waxa weeyi simistarkii waa laba boqol iyo in ka badan oo doolar, tahriibtii dhalinyarta waxaa ka mida waxbarasho la awoodi waayay, waxa kale oo aan leehay Jaamacada Camuud iyo kuwa kalaba waa in uu Hantidhawr baadhaa, oo Jaamacadaha laga helaa xisaab celin fiican.

hashim Goth

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: hashimgoth@yahoo.com