July 1, 2008
“Waxan Mahanad Balaadhan u Dirayaa Dhammaan Dadkii Ka Soo Qayb Galay Xafladdii Wanqasha G/Hawd” Wasiiru-dawlaha Xanaanadda Xoolaha
Hargeysa, (Harowo) - Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Md. Aadan Daahir ayaa si wayn uga mahad celiyay dadweyne, madax iyo masuuliyiin dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka qayb galay xafladii balaadhnayd ee loogu wanqalayay Gobolka Hawd, ee maalintii axadii lagu qabtay Magaaladda Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd.
Wasiiru-dawlaha oo maanta Shir jaraa’id Xafiiskiisa ugu qabtay warbaahinta dalka ayaa sheegay inuu mahadnaq balaadhan oo uu ka sido dadka ku dhaqan Gobolka Hawd doonayo inuu gaadhsiiyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay munaasibadii iyo xafladii lagu maamuusayay gobolka Hawd, waxa kale oo uu sheegay inuu dadkaa ka wado fariin iyo halku dhegooda oo ahaa in fagaarihii lagu qabtay xafladda oo loo bixiyay fagaaraha Xoriya uu ahaa kii lagu doortay Madaxweynihii Somaliland xornimada Gaadhsiiyay Md. C/raxmaan Axmed Cali imikana ay balan qaadayaan inay ku doortaan Madaxweynihii Somaliland Ictiraafka Gaadhsiin lahaa oo ah Madaxweynaha Maanta taladda haya Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Wasiiru-dawlaha Md. Aadan Daahir waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Waxaan maanta jecelahay inaan halkan mahadnaq balaadhan uga jeediyo dhamaan dedwaynihii reer Somaliland ee ka qayb galay xafladii balaadhnayd ee xiisaha lahayd ee loogu wanqalayay Gobolka Hawd. Waxaan Mahadnaqaa Balaadhan si gaar ah ugu xusayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwaddiisa Hudda Barkhad Aadan. Waxa kale oo aan xusayaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo runtii xafladda isna goob joog ka ahaa. Waxaan jeclahay inaan gaadhsiiyo fariintii dadkii gobolka Hawd ee ku dabaal degay fagaaraha Xoriya, waa fagaarihii gobolka loogu dabaaldegayaye." Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu.
Mudane Aadan Daahir waxa uu sheegay inuu fariin ka sido dadka ku dhaqan gobolka Hawd taas oo ay u soo dirayaan Madaxdooda gaar ahaan Madaxweynaha isaga oo fariinta sheegayana waxa uu yidhi "Dadkii halkaa joogay ee reer Hawd fariintii ay Madaxdooda u soo dirayeen ayaan jeclahay inaan gaadhsiiyo Fariintaas oo ahayd, halku dhegna ay dadkaasi uga dhigayeen, goobtani waxa weeyaan goobtii lagu doortay Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka xoreeyay ahaana Madaxweynihii ugu horeeyay ee somaliland Md. C/raxmaan Axmed Cali, waxaana jecelahay ayay dadka reer Hawd yidhaahdeen, hadii Alla yidhaahdo inaan ku doorano, diyaarna u nahay Madaxweynihii dalka Ictiraafka gaadhsiin lahaa oo ah madaxweynaha maanta taladda dalka haya Md. Daahir Rayaale Kaahin." Ayuu yidhi Md. Aadan Daahir.
Intaa ka dib waxa uu Wasiirku mahadnaq kaa la mid ah u diray dhamaan Golayaasha qaranka iyo Xisbiyadda "Hadaan intaa dhaafo waxaan jecelahay oo kale inaan mahadnaqaa balaadhan gaadhsiiyo dhamaan golayaasha qaranka ee ka soo qayb galay xafladii balaadhnayd ee Gobolka Hawd, gaar ahaan golaha fulinta, Wakiiladda, Guurtidda, Garsoorka, Maxkamadda Sare, Xisbiyadda Qaranka, Xisbiga taladda haya ee UDUB, iyo labadda Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay uga soo qayb qaateen xafladii gobolka Hawd."
Geesta kale waxa uu Wasiiru-dawluhu iyagana Mahadnaq kaa la mid ah u saameelay Madax dhaqameedkii reer Somaliland ee xafladaa ka qayb galay waxaanu yidhi "Waxa kale oo aan jeclahay inaan halkan mahadnaq balaadhan ka gaadhsiiyo dhamaan Salaadiintii Somaliland ee ka soo kala boqolay dhamaan daafaha goboladda dalka Somaliland, waxaan leeyahay aad baad u mahadsan tihiin Gobolkuna xishmad, maamuus iyo mahadnaq balaadhan buu idiinku hayaa."
Hay’addaha warbaahinta dalka iyo fanaaniinta Qaranka ayuu Wasiirku iyagana mahadnaqa ku daray "Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dhamaan warbaahinta dalka sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee aad xilka iskaga saarteen habkii iyo hanaankii xafladu, waxaanan jeclahay maanta oo aan idinku adkaynayaa, fariinta aan idiin dirayaa waxay tahay inaad dhamaan ka daba geysaan mahadnaqaa ka soo qayb galayaashii xafladii Gobolka Hawd. Inaad ka daba geysaan meel kasta oo ay dalka ka joogaan iyo kuwii ka baxayba.
Waxa iyagan aan mahadnaq balaadhan u dirayaa oo aanan marnaba ilaawayn Fanaaniintii Qaranka ee dhiiga dhaqaajiyay dadkii ka soo qayb galay xafladda, aad iyo aad baanan ugu mahadnaqaynaa, waxaanan dib u xasuustay halgankii kaaliintii ay ka soo qaateen fanaaniinta qaranku." Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu.
Mahadnaqa balaadhan ee Wasiiru dawluhu u dirayay dhamaan dadkii ka qayb galay xafladaa balaadhnayd ee Gobolka Hawd markii uu dhameeyay waxa uu iyagana dhinacooda ugu mahadnaqay dadkii reer Hawd ee ka qayb qaatay agaasinka xafladaas gaar ahaan gudidda qaban qaabada iyo haweenka "Gudidii qaban qaabada ee soo agaasintay xafladan gobolka Hawd oo runtii aan la ilaawi karin hawl aad muhim u ahna qabtay iyo dhamaan dadweynihii ka shaqaynayay xafladii gobolka Hawd ayaan halkan uga mahad celinayaa. Haween weynaha Gobolka Hawd waxaan aad ugu mahadnaqayaa hawshii balaadhnayd ee farshaxanimada lahayd ee ay qabteen." Ayuu yidhi wasiiru-dawluhu.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland waxa uu mahadnaqiisaa balaadhan ku soo gabgabeeyay in guud ahaan dadka ku dhaqan Gobolka Hawd ay si wayn ugu mahadnaqyaan isla markaana aanay ilaawi doonin dhamaan dadkii ka soo qayb galay xafladdaasi sidii milgaha iyo quruxda badnayd ee ay gobolka u soo maamuuseen yar iyo wayn, muxaafid iyo mucaarid iyo dhamaan cidkasta oo ay ahaayeenba.
Gabagabadii waxa uu Wasiiru-dawluhu dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka qayb galay xafladaas ka raali galiyay wixii daal iyo safar ah ee ka soo gaadhay "Dadweynaha ka soo qayb galay waxan ognahay inay jid dheer soo mareen oo runtii raf ah waanan ka raali galinayaa wax alaale iyo wixii dhibaato ah ama tacab ah ee ka soo gaadhay dariiqaa dheer ee ay noo soo mareen, qodax haday ugu yar tahayna haday gobolka Hawd ka muday qofkii ay ka muday runtii raali galin balaadhan iyo mahadnaq baan u soo jeedinaynaa." Ayuu hadalkiisa ku soo gooyay Wasiiru-dawlaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Md. Aadan Daahir.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com, Somaliland
Email: daralla066@gmail.com








