June 30, 2008
Gudoomiyaha Ururka SOLJA, oo Maanta 25-Suxufi u xidhay Aqoon-iswaydaarsi Warbaahinta ku Saabsan
Hargeysa,(Harowo) - Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Mustafe Cabdi Ciise [Mustafa Shiine] ayaa maanta u xidhay xubno ka tirsan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka Aqoon-iswaydaarsi lagaga hadlayay sidii loo abuuri lahaa gudi Saxaafadu leedahay.
Gudidaas la filayo oo inay ka hawl gasha anshaxa iyo hab dhaqanka Saxaafadda kaas oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Hotel Maan-soor ee magaaladda Hargeysa. Aqoon iswaydaarsigan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isla markaana ay maalgalisay Hay’adda UNDP waxa uu socday mudo sadex cisho ah, waxaana Aqoon iswaydaarsigaas ka qayb galay suxufiyiin tiradoodu gaadhayso 25-Suxufi oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, waxaa lagu lafa guray kaalinta Warbaahintu ku leedahay horumarka dumuqraadiyadda ka hana qaaday Somaliland iyo masuuliyadda ka saran sidii loo ilaalin lahaa habdhaqanka wanaagsan iyo Anshaxah wariye.
Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Md. Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-shiine) oo gabagabdii Aqoon isweydaarsigan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in tan iyo markii la aasaasay Ururka SOLJA gaar ahaan labadii sanno ee hore uu ka hawl gali jiray tabobarrada xirfadda saxaafadeed (Basic journalism Training) ee ay siiyaan Wariyayaasha ka tirsan hay’addaha Warbaahinta dalka, hasa yeeshee ay xiligan xooga saareen sidii Warbaahintu u heli lahaayeen Gudi matasha iyaga una hawl gasha ilaalinta xuquuqdooda iyo wixii ay waajib u leeyihiin, Sidoo kale ayuu xusay in Gudidaasi ka shaqayn doonto ilaalinta Anshaxa iyo nidaamka caalamiga ah ee u degsan qofka warka baahinaya.
Gudoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay tani qayb ka tahay qorshaha sanadkan uu ku hawl galay Ururka SOLJA taas oo uu xuay inay ku dareen barnaamijyadda horumarint bulshada, sidaa darteed ujeedada aqoon isweydaarsig, kuwii ka horeeyay iyo kuwa danbe ee ay qaban doonaan u badan tahay sidii warbaahintu kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahayd hanaanka doorashooynka inagu soo foolka leh, iyo in suxufigu u hawl galo hab dimuqraadi ah, oo uu dhawrayo anshaxa iyo edabta Suxufiga u degsan mar arintaa uu ka hadlayayna waxa uu yidhi " Workshop-kan aad maanta dhamaysateen waxa uu qayb ka yahay ka qayb qaadashada dhismaha iyo dhidib u taagida dimuqraadiyadda dalka ka hana qaadaysa taasi oo saxaafadda Somaliland, ku leedahay kaalin muhiim ah."
Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA waxa ay tilmaameen in warbaahinta lagu khaldamo iyaduna ay khalad gasho isla markaana intii Aqoon iswaydaarsigani socday doodihii laga yeeshay ay ka soo dhex baxday in la sameeyo Gudida Anshaxa Saxaafadda.
Gudidan ayaa noqon doonta mid ka hawl gasha sida lagu wado cabashooyinka saxaafadu qabto iyo cidii ka cabanaysa ama ay saxaafaduba ku khaldanto, taas oo marka si loo eego noqonaysa gudi u dhaxaysa ama ka hawl gasha wada shaqaynta saxaafadda iyo bulshadda.
Aqoon iswaydaarsigan ayaa noqonaya kii labaad ee mudo bil ka yar ururka SOLJA saxaafadda u qabto iyada oo lagu wado in kuwa kalana ay qabtaan maalmaha soo socda, sidoo kale ayay tababaradda iyo aqoon iswaydaarsiyadda la siinayo dadka ka hawl gala warbaahintu yihiin kuwa xiligan aad loogu baahan yahay oo hadii si cilmiyaysan loo soo agaasimo wax wayn ka taraya kalsooni daradda sii kordhaysa ee dad badani ka qabaan saxaafadda.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla066@gmail.com






