June 30, 2008

Baaq Qaylo Dhaan Caalami ah oo uu ka soo jeediyay Badhasaabka G/Awdal Biyo La’aan Soo wajahday Boorama.

Hayadaha UNka iyo NGOyada Caalamiga ah Dawlada dhexe waxaan ujeedinayaa Baaq degdega, Gurmad degdega ……" Badhasaabka G/Awdal

Boorama, (Harowo) - Shirjaraaid oo ka dhacay xafiiska shirkada Biyaha ee SHABA oo ay ka soo qayb galeen Saxaafada ka hawl gasha G/Awdal, ayaa waxa ka hadlay xaalada soo food saartay Adeega biyaha, Badhasaabka G/Awdal Maxamuud C/laahi Cige, Maamulka iyo Gudida Boodhka ee Shirkada SHABA iyo xubno ka socday golaha deegaanka ee Boorama.

Gudoomiyaha Boodhka shirkada Biyaha SHABA Maxamed Nuur Faahiye ayaa ugu horayn ka warbixiyay cabashada biyaha magaalada ku soo korodhay, wuxuuna yidhi gudoomiyuhu waa run oo biyo la’aani way jirtaa, waxaase la isweydiiyaa maxaa keeenay ? kolayna cida gacanta ku haysa ayaa xogta og, waxaana haboon in aan u soo bandhigno dadweynaha kolba xaalada jirta, waad ogaydeen in weelkii biyaha lagu shuban jiray la tuuray Boorama oo la aaminay Qasabada SHABA, waxaan rabaa in aan halkan ka sheego jawaabta dhabta ah ee jirta.

Taas oo ah habdhismeedka biyaha ee aan gacanta ku haynay waa sidoodii, mana jirto ujeedo aan anagu ku yarayno, sida la leeyahay shiidaalkii ayaa yaraaday iyo qiimo ayay kordhinayaan, shaxda aan idin tusayno waa saacadaha aan shaqayno iyo biyaha aan soo saarno, waana xaqiiqda dhabta ah, maalinta aan roob di’in waxaan shaqaynaa 24 saac ee maalinimo, sadex ceel ayaa shaqeeya oo magaalada laga waraabiyaa, kumana fila baahida wakhtigan taagan, waxaan ku jirnaa xaalad adag hadii ceel wax inaga noqdo.

Wuxuu intaa Raaciyay Gudoomiye Maxamed Nuur biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee aan ka cabno horta hoos ayay u dhaceen, sanad walba waxay  hoos u dhacaan 3 ilaa 4 mitir, wuuna sii socdaa, Afar ceel oo lanagu wareejay mid ayaa gudhay, si aan baahida jirta u daboolo waxaan samaynay in aan ceel kale soo xidhiidhino si aan soo saarka biyaha uga dhigno 1900 M3. halka imika aan soo saarno 1600m3, waxay wasaarada iyo UNICEf noo balan qaadeen kharashka aan ku soo xidhiidhinayno, waanan rajaynaynaa dhawaanahan, balse taas lafteeda waxa ka fiican in aan helo meelo kale oo ceelal laga qodo oo degdega, si hadii ceelashani gudhaan loo helo ceelal kale oo magaalada laga waraabiyo, UNICEF sahamin ayay noo samaysay oo ay qandaraas ku siisay Afrikan70. waxa noo suura galay in sahamin laga sameeyo Galbeedka iyo Bariga Boorama.

Hadaan nahay SHABA in aan hal ceel oo kale hawlgelino ayaan isku daynay, Riig ayaan ku qodnay balse biyihiisii waxay noqon waayeen qaar wax inoogu filan oo lagu soo xidhiidhiyo habka jira, Nin Joolajiisa oo aan soo kiraynay oo sahamin noo sameeyay wuu noo keenay warbixintii, waanan siinay wasaarada macdanta iyo biyaha. Ceel galbeedka ah iyo Bariga wixii laga helo hadii lagu xidhiidhiyo habka jira waan ka kaaftoomi doonaa biyo la’aan, sidii ayuun baan shacabka ugu shaqaynaynaa, xaaladahaas ayaana yimid dadaal faro badana waan wadnaa ee sidaas ha ogaadaan dadweynuhu.

Badhasaabka G/Awdal Maxamuud C/laahi Cige(Ciro) ayaa yidhi SHABA tijaabadii loo sameeyay way ku guulaysatay, shirkadana waa mida qudha ee dalka ka jirta waxaana tusaale loo keenaa magaalooyinka kale, dad badan ayaa inagu soo kordhay taasina xaalada biyaha yaraaday way sababtay, SHABA waan u mahadnaqaynaa intii ay gacanta ku haysay, Gurigii waaya biyaha subaxii wuu habaartami ayaan shalay ku idhi markaan arkay cabashada dadka, Hayad , Qaasim iyo wasaaradna dadku garan maayaan ayaan ku idhi SHABA shalay, biyihii idinka ayaa la idinka rabaa ayaan idhi.

Badhasaabku wuxuu intaas raaciyay, Hayadaha UNka, kuwa caalamiga ah iyo Dawlada dhexeba waxaan u jeedinayaa baaq qaylo dhaana oo degdeg ah, in la nooga soo gurmado biyo la’aanta iyo xaalada biyo xumida ah ee na soo foodsaartay, Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Awdal, waxaan qaylo dhaan u jeedinayaa darifyadii heshiiska la galay shirkada SHABA sida Wasaarada M/Biyaha, UNICEf iyo D/hoose, qaylo dhaan degdega ayaan u jeedinayaa, Baaq ayaan jeedinayaa, waxaan rabnaa in degdeg la noogu qodo ceelal biyo, cid kasta waxaan leenahay degdeg wax noola qabta, labadii sano ee u dambeeyay dadaal ayay ku jireen SHABA, Hayadaha balamahooda ayaa faro badan.

Waxaan ogaysiinayaa dadweynaha waxani maaha wax ka yimid shirkada SHABA ee waa wax dabeecada ka yimid, Qaylo dhaanta aan jeediyay waxaan filayaa in ay naga aqbali doonaan Hayadaha iyo NGOyada Caalamiga ahiba. isla markaana ay wax nagala qaban doonaan biyo la’aanta. ugu dambayna wuxuu badhasaabku ka digay in qiimo qaaliya cidii biyaha ku iibisa biyaha laga qaadi doono talaabo sharciga ah, mana aha in dadka lagu cunaqabateeyo biyaha oo laga siiyo lacag badan, waan u digayaa dadka sii iibiya iyo Kiyosyada laga dhaansado. waan xidhaynaa cida aan ku helo arimahaas.
 
Intaas ka dib waxa la weydiiyay madaxda shirkada suaalo badan oo ku saabsan in ay qiimo kordhin samaynayaan iyo sida ay xaalada jirta wax uga qabanayaanba, waxayna sheegeen in qiimo ay wakhtigan kordhinayaan jirin, isla markaana dadaalkoodu yahay sidii ay u waraabin lahaayeen magaalada, waxay intaas raaciyeen in Mashiinada iyo Bamamka biyaha soo saaraaba ay fiican yihiin oo aanay jirin qalab wax ka noqday.

Waxa kale oo ay sheegeen in wakhtiyadii hore 80m3 ay saacadii soo saari jireen hadana ay ceelasha hoos u dhacay keeneen in saacadii 60m3 soo saaraan, taas oo laga qiyaas qaadan karo hoos u dhaca yimid, Dhanka kale waxaa xafiisyada shirkada SHABA ee magaalada Boorama ku soo qulqulayay shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxayna dadkaasi weydiinayeen madaxda shirkada goorta ay helayaan biyo iyo waxa dhacay, waxayna madaxda shirkadu ku qancinayeen hadalo dabacsan marka ay u jawaabayaan.

Wasaarada Macdanta iyo Biyaha iyo dhanka D/hoose ayaa iyaga madasha shirka waxa ka fadhiyay sadex xubnood oo golaha deegaanka ah iyo hal shaqaale ah oo ka socday wasaarada, waxaana meesha ka muuqata in xaalada culayska badan aanay dareensanayn W/M/Biyaha iyo D/hoose, waxaana la sugayaa bal talaabada ay qaado W/M/Biyaha marka ay maqlaan qaylo dhaanta culus ee biyo la’aanta soo food saartay magaalada Boorama oo ay ku nool yihiin ku dhawaad laba boqol oo kun oo qof, kuwaas oo la tacaalaya xaaladooda nololeed imikana soo foodsaartay biyo la’aani.

Hashim Goth

Harowo.com, Boorma, JSL

Email: hashimgoth@hotmail.com