June 29, 2008

Khudabdii Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland ka Jeediyay Wanqalka Gobolka Hawd

Baligubadle, (Harowo) - Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta kala qayb galay Shacbiga ku dhaqan Gobolka Hawd iyo Kumanaan Qof oo isugu jira Masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka.

Waxa kale oo ka mid ahaa dadka xafladda ka soo qayb galay madax dhaqameedyada Somaliland intooda badan, marti sharaf ka kala yimiday Goboladda Somaliland iyo Dalalka Jaarka ah. xaflad balaadhan oo loogu wanqalayay Gobolka Hawd ee dhawaan xukuumadu magacawday.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu halkaa ka jeediyay hadalo dhinacyo badan taabanay kaas oo ahaa sidan:

"Marka hore waxaan leeyahay Illaahay baa mahad leh marka labaad waxaynu maanta halkan isugu nimidnay maaha xaflad kaliya, waxaan filayaa mujaahidiintii faraha badnayd ee halkan ka hadlaysay inaanay fahmin sirta ama nuxurka aynu maanta halkan isugu nimid, taa lafteedana waxaan u qaadayaa laba qaybood mid waxa weeyi qaybta ugu horaysa waxa aynu halkan isugu nimid maanta, waxaan leeyahay Hambalyo iyo guul iyo barwaaqo iyo bash bash ayaan idiin rajaynayaa Hadii Illaahay yidhaahdo, taasi waa Hambalyadii Gobolka Hawd, oo aan idiin soo gaadhsiiyay Aniga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin." Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

"Hadaba hadaan u dhaadhaco nuxurka hadalkayga Dabcan, Gobol waa la bixiyaa laakiin muxuu Gobol u baahan yahay ayaa meesha taal, halkaa waxaan u kala qaadayaa laba qodob waa qodobkaa iyo qodob aanay fahmin Mujaahidiintii halkan ka hadlay oo aan doonayo inaan halkan ka sheego.

Gobol waxa weeyi degaankiisa, baaxadiisa iyo dhaqaalihiisa, waad ogtihiin maanta dunida waxa ka taagan cunto la’aan waa gobol looga baahan yahay inuu wax beero, waa gobol looga baahan yahay inuu xoolaha dhaqo, waa gobol looga baahan yahay inuu dawladda dhexe dhaqaalo ku soo kordhiyo, taana ku biyo caba. Waxaana taa lagu gaadhayaa waa idiinkoo isku duubnaada, oo wada jir ka shaqeeya oo inaga fogeeya Qabyaaladd, Qabyaalad iyo meel la ururiyo ama la yaryareeyo faa’iido malaha, meesha laysugu tago ee wax laga qabto ayaa horumar iyo barwaaqo lagu gaadha dadku ha dago Gobolka Hawd, yaanu kala lahaanin sumad gooniya, yaanu kala lahaanin calaamad gooniya, waa in la yidhaahdo Gobolka Hawd ayaan ka imiday, Gobolka Hawd ayaan dhisanayaa, Gobolkii Hawd ayaan horumarinayaa." Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Madaxweye ku-xigeenku Mudane Yaasiin waxa uu faah faahin ka bixiyay sirta ku jirta xafladda maanta oo uu tilmaamay inaanay Mujaahidiintu fahmin, hadaba waa maxay sirta ku jita meesha ee uu Madaxweyne kuxigeenku ogyahay kalidii waa kan Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo Sirtaa inoo sheegaya "Sirta maanta ku jirta halkan, ee mujaahidiintu dulyaacayaan ee aanay garanayn, dabcan Halgankeenu waxa uu ka koobnaa laba qaybood qaybtani waxa ay ahayd waa qaybtii xoraynta la xoraynayay Somaliland ama lala soo noqonayay oo ahayd 17-sanadood, dabcan maaha halganku marka qori la qaado, qori marka la qaadanayo waxa ka horeeya dad baa la xidhaa, dadbaa la laaya, dadbaa jeelasha lagu cadibaa, dadbaa firdhada dad baa qaxa, ka dibna waxaa timaada talo oo waxa la yidhaahdaa sideen daalinka iskaga xoraynaa, markaas ayaa qoriga la qaataa, dabcan 7-sanadood waxa lagu jiray Xadhig iyo cabudhin iyo dil, 10-sanadoodna qoriagaan qaadanay oo waxaan iska dhicinay daalinkii, hadaba halkan baa laga dhaqaaqay reerkiina waxaa lagu furay wadanka gudihiisa oo laga dhaqaaqay Baligubadle.

Waxay gabadhii ku foolatay Hargeysa oo inankii iyo inantii ay Somaliland halkaa ku dhashay Somaliland hadaba qodob baa taa raacsan 17-sanadood ayaan korinaynay inankii iyo inantii, way dhasheen way gurguurteen way barbaareen, maantaynu ku sinay da’diisi oo 17-sano ayaa dhamaaday maantana halkii aynu ka bilaabnay ayaynu nimidnay maxaynu u nimidnay? Waanay garanayn waxaynu u nimidnay inaan Inankii iyo inantii maalintii aynu halkan ka galbino oo aynu ku dhisno caasimadii, waa Ictiraafkii. maanta inaankii iyo inantii in laysku dhiso, maanta inaankii qorigii ayuu qaaday, maanta inaankii geelii buu raacay, maanta inankii jaamacadii ayuu galay, inantiina waa sidaas oo kale 17-sanadood ka dibna halkan ayaynu iskugu iman doonaa hadii Illaahay idmo waxa aynu u iman doonana ma sheegayo. Waynu korinay oo 17-sanadood ayaynu gaadhsila xoraynayay ayaa dhan la dhigi doono.

Ugu danbayntii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo ku hadlaya Magaciisa isla markaana ka wakiil ah Madaxweynaha iyo guud ahaan shacbiga somaliland waxa uu dadka ku dhaqan Gobolkaas ugu Hambalyeeyay Gobolka cusub ee la siiyay isaga oo u rajeeyay inuu Illaahay uga dhigo kii lagu liibaano, waxana uu dhagaxii u horeeyay dhigay xarunta Maamulka Gobolka oo uu sheegay in dhakhso loo bilaabayo, kharashka ku baxayana ay dawladda iyo ganacsatadu iska kaashan doonaan.

Gabagabadii Xafladaas waxa uu Mudane Yaasiin abaal marino gaar ahaan shahaado sharafyo halkaa kaga gudoomay madaxda dhaqanka ee Baligubadle gaar ahaan Suldaan Cumar Suldaan Faarax iyo Suldaan Bare shahaadooyinkaas oo isugu jiray Mid Madaxweynaha la gudoonsiyay oo uu Madaxweyne ku-xigeenku u gudoomay iyo Mid Madaxweyne ku-xigeenka laftigiisa la guudoonsiiyay waxa kale oo shahado sharaftaa la gudoonsiiyay oo uu Md. Axmed Yuusuf Yaasiin Gudoonsiiyay Shirakadda Telesom, Milgo Photo iyo meelo kale oo loogu tal galay.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla066@gmail.com