June 28, 2008
Waxaan Soo Jeedin Lahaa In Shahaado Sharaf La Siiyo Tifaftiraha Qarannews.com
Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Qarannews.com, Mujaahid Maxamed Jaamac, ayaa safar ku yimid dalkiisa hooyo ee Somaliland, waxana uu degan yahay Magaalada Bristol ee Dalka UK. Tifaftiraha Qarannews, oo runtii ah nin aad iyo aad ugu weyn shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba, waxana had iyo jeer lagu yaqaano sumcada wanaagsan ee uu Websitkiisu ku dhex leeyahay Bulshada reer Somaliland dhexdeeda.
Maxamed Jaamac waxa uu had iyo jeer ku dedaalaa sidii uu uga midho dhalin lahaa qaddiyada iyo jiritaanka Somaliland, isagoo ah shakhsi naftiisa iyo maalkiisaba u huray sidii uu wadankiisa hooyo cid kasta oo wax akhrisataa uga heli lahaayeen warar lagu kalsoon yahay.
Run ahaantii, shabakada Qarannews waxa la wada ogyahay gudo iyo dibadba in ay tahay shabakad dhex-dhexaad ah, waxana dad badan oo aanu wax ka waydiinay noo cadeeyeen in Website-ka Qaran iyo Tifaftiraheeduba inta xukuumada Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta in leeg uu isna ka bar bar wado.
Haddii aynu dib ugu noqono wakhtiyadii doorashooyinka, waxa la wada ogyahay oo aan la ilaawi Karin, qaybtii uu ka qaatay Maxamed Jaamac iyo Shabakadiisuba, iyada oo qurba jooga reer Somaliland ku amaaneen sidii uu ugu soo gudbin jiray wararka dalkooda hooyo, oo ahayd wakhtigii doorashooyinkii kala dambeeyay ee ka dhacay Somaliland, laguna jiray wakhti xasaasi ah.
Shabakada Qarannews, waxa ay had iyo jeer dagaal kula jirtaa cadowga Somaliland, iyada oo sanadihii ugu dambeeyay markii qiimaynta lagu sameeyay Shabakadaha Somaliland kuwa ugu wanaagsan, ay iyadu kaalinta koowaad ka gashay, siiba labadii sanadood ee ugu dambeeyay 2006/2007 iyadoo labadaa sano noqotay Website-kii Sanadka.
Waxa Bulshada Somaliland gudo iyo dibadba, la yaabaan sida uu tifaftiraha Qarannews Maxamed Jaamac uu heegan ugu jiro sidii uu warar lagu kalsoon yahay uu u gelin lahaa Shabakada, iyada oo had iyo jeer war kasta oo dhaca uu ku caan baxay in uu markiiba soo galiyo, waxana dadka qaar yidhaahdaan Tifiaftirahan shabakada Qarannews miyuuna seexan ba tallow.
Waxa kale oo intaa dheer in Maxamed Jaamac iyo shabakadiisu ay tahay ta dadka ajaanibka ee ku nool dunida ee xiiseeya arrimaha Somaliland ay akhristaan, isagoo leh qayb Af-ingiriisi ah, mar aan nin masuul ah isla soo qaadnay web-ka inta badan ajaanibku booqdaan, wuxuu iigu jawaabay in ay qaar badan u sheegeen in ay websiteka Qaran kala socdaan wixii warara ee khuseeya Somaliland.
Haddaba, waxa aan Dadweynaah reer Somaliland u soo jeedin lahaa in shahaado sharaf la siiyo tifaftiraha shabakada Qarannews, looguna Hambalyeeyo sida uu ula dagaalamayo cadowga Somaliland, si ay Shabakadaha kale ee Somaliland ugu daydaan.








