May 26, 2008

Maxaad Ka Taqaan Axmed Siilaanyo.

Aniga oo ah Muwaadin reer Somaliland ah isla markaana aad u akhrista Shabakadda Wararka ee Harowo.com ayaa waxa igu dhaliyay inaan qalinka iyo waraaqda isla doonto ka dibna aan qoro maqaalkan kooban ee aan kaga hadlayo shakhsiyadda Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ka dib markii aan shabakadda ku arkay qoraalo kala duwan oo si wayn loogu durayo, Mudane Siilaanyo.

Hadaba, aniga oo aan cidna maagayn isla markaana aanan diidanayn fikradaha akhristayaashu u soo qoraan shabakadda hadana waxaan yara jeclaystay inaan saxo meelo badan oo aan is idhi malaha saxiibadda soo qoray maqaaladda waxbaa ka khaldan.

Runtii inta aanan guda galin shakhsiyadda Axmed Siilaanyo waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad celiyo shabakadda Harowo.com oo iyadu suura galisay in muwaadiniin badani fikirkooda ku gudbiyaan, waxa kale oo aan rabaa inaan akhristayaasha la socodsiiyo in aanan maqaalkan ula jeedin buunbuuninta Axmed Siilaanyo, balse ay iga tahay aniga oo aan jeclaysan in Madaxda iyo shakhsiyaadka ixtiraamka inagu dhex leh aan murano yar loo baabiin waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan.

Aan u soo noqdo maqaalkayga marka hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), maaha qof shakhsiyadiisa qalin lagu soo koobi karo, haddii la isku dayana lagama gayoon karo. Axmed Siilaanyo waa shakhsi  caan ka ah dhul weynaha Soomaalida, waa shakhsi qof yar iyo mid weynba marka ay magaciisa maqlaan  uu xusuusanayo, taariikh qoto-dheer, waana nin la majeerto oo lagu naalloodo isla markaana baal-dahab ah kaga jira guud ahaanba taariikhda Soomaalida  iyo ta caalamkaba, gaar ahaana waa nin si weyn looga tix-geliyo loogana danbeeyo  carriga Somaliland.

Lama soo koobi karo taariikhda Siilaanyo laakiin haddii aan in yar soo qaato taariikhaha iyo dhacdooyinka uu kulahaa dhulka Somaliland, waxa qudha ee aan is weydiin karnaa waxay tahay  Maxaa lagu xusuustaa?, Muxuuse u soo maray dhulka Somaliland?.

Aan xusuusto anigoo Sagaal jir ah ahaydna markii iigu horeysay maqalka magaca Siilaanyo,  dhawaaqa iyo ereyga kooban ee dhegahayga xusuusta ku reebtay  taasi o ahayd (wuu dhacay Siyaad, Siilaanyo dhalay), waa wakhtigii ay ciidamadii xornimo doonka iyo xaq u dirirka ahaa ee SNM ku soo galeen gulufka colaadeed magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo uu ahaa hogaamiyihii wakhtigaa ee SNM. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" oo ahaa hogaamiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM, waa masuul aqoon u leh maamulka kuna xeel dheer hogaaminta iyo isku xidhka shacabka. Waa masuul  karti iyo dadaal badan  isla markaana yaqaan kasbashada Shacbiga, waa hogaamiye dulqaad badan oo nabada jecel  kana door-bida dantiisa wax kasta oo danta shacbiga iyo ta dalku ku jirto.

Siilaanyo waa nin aftahan ah oon hadalka seegin, waxaan xasuustaa sidii uu nabadeyntii dalka uga soo qayb qaatay, waxa qof kasta oo garaad lihi ku xusuusinayaa dabino fara badanoo uu ka saaray dalka iyo isagoo fashiliyay  boqolaal shirbeeleed oo lagu duminayay qaranka.

Siilaanyo waa nin aan lasoo koobi Karin abaalka iyo qiimaha uu ku leeyahay dalka Somaliland oon hadana ku faanin ilaa imikana u diyaar ah sidii uu wax ugu qaban lahaa dalkiisa waana shakhsi mudan  in la qadariyo isaga iyo inta la mid ka ahiba.

Mudane Siilaanyo anigu ma soo koobi karo qiimaha uu dalkan ku leeyahay, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  waa hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland oo shacbiyad badan ku leh dalka. Waxa uu ogolaaday doorashadii 2003-kii oo sida gudida doorashooyinku sheegeen lagaga helay codad aad u yar kursiga  Madaxweyne-nimada Somaliland. Talaabaddaa uu qaatay Axmed Siilaanyo ayaa ah mid aan ka dhicin qaaradda Afrika ama aad ugu yar, runtii anigu waxaan qabaa in taasi ku tusayso  lexejeclada uu dalkiisa ka qabo.

Mudane Siilaanyo runtii waxyaabo badan oo danta dalka ah ayuu sameeyaa waxaana cad in hadii loolan jiro ay adag tahay in qofka siyaasiga ahii yeesho dabacsanaan badan balse waxa fiican in aan lagala masuugin cidii talaabo geesinimo leh qaada, hadaba dhamaan dadka reer Somaliland gaar ahaan qurba jooga waxaan kula talinayaa inay iska jiraan, faalooyinka iyo aragtiyaha lagu durayo siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka aan u qalmin, oo waliba yaan la af lagaadayn madaxda xisbiyadda qaranka Somaliland kuu doonaba ha ahaadee, oo waliba xisbigii uu doonaba ha ka tirsanaadee.

Run ahaantii qofka jooga dalka ee og sida xaalku yahay iyo qofka maqan ee ay sheekadda ku tahay way u kala duwan tahay markaa waxa wanaagsan in marka cid la dhaliilayo lagu dhaliilo wax jira oo dhab ah balse aan la ribayn, mana qurux badna in nin hogaamiye ama masuul ah oo reer Somaliland ah lagu gafo, "Ogsoonow saaxiib in loolan uun ay tahay ee aanay ahayn colaad dhamaana siyaasiyiintu yihiin muwaadiniinteeni, mid walbana qiimaha uu leeyahay aan lagu xad gudbin" .

Hassan Isma’il  Maxamed (Shaah)

Journalis Hargeysa Somaliland.