May 26, 2008
Ma dhabbaa, In gudoomiyaha Kulmiye uu Magan Galyo Waydiistay Madaxtooyada, Ka dib Markii Loogu Hanjabay Inuu Hargeysa Isaga Baxo.
Sida aan la soconay maalmahan waxa jirey moran siyaasadeed oo u dhexeeyey xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ka dib markii golaha guurtida ee Somaliland uu mudo hal sano ah u kordhiyey madaxweynaha talada haya Mudane Daahir Rayaale inuu sii ahaado madaxweyanaha dalka tan iyo inta laga qabanayo doorasho sanadka danbe ee 2009.
Mudo kordhinta guurtidu waxay ka danbeysay kadib markii shuruudo iyo jillaafooyin siyaasadeed oo xisbiyada mucaaradku ay udhigayeen xukuumada darteed wakhtigii is cunay, taas oo sobobtay in doorashadii laga gaadhsiin kari waayo. Tusaale ahaan mucaaradka oo ku adkeystay in dalka diwaan galin laga hirgaliyo inta aan doorashada la qaban iyo waliba iyagoo markasta ka dhega adaygi jirey wada shaqaynta xukuumada ee ku waajahan suura galinta arimaha doorashooyinka iyo diwaangalinta.
Si kastaba ha ahaatee,muddo kardhinta guurtidu waxay ka cadhaysiisay xubnihii mucaaradka.Kadibna waxay istaageen mawqif adag iyagoo ku adkeystay inayna aqoonsan doonin madaxweynaha somaliland marka lagaadho 16 May 2008.
Waan waan dhinaca u xaglinaysay oo uu gudoomiyaha wakiilada ee mucaaradka ahi ka dhexwaday xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka khaasatan xisbiga kulmiye ayaa socon wayday, kadib markii uu ku fashilmay dhexdhexaadintii.
Gudoomiyaha golaha wakiilada oo looga fadhiyey inuu xaalada dejiyo,ugu yaraana uu ka ilaaliyo hadalada aan munaasibka ahayn ee dadweynaha dareenkooda kicin kara maadaama lagu jiro wakhti xaasxaasi ah ayaa ka dhawaajay in madaxwynuhu diiday la kulanka Axmed Siilaanyo. Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka (Cirro), waxa si adag oo dhiiranaani ku jirto uga jawaabay Madaxweynaha, isagoo madaxweynuhu sheegay inuu diyaar u ahaa la kulanka Siilaanyo,Faysalna ay horey isku arkeen, balse uu Siilaanyo ka baaqsaday arintaa.
Kadib markii uu madaxweynuhu hadley durbadiiba waxa isbedelay jawigii siyaasada,waxa hoos udhac weyni ku yimid taageeradii Kulmiye ee guud khaasatan tii reer Hargeysa.Waxgarad,waayeel iyo dhalinyarba reer Hargeysa waxay istaageen meel adag isla habeenimadiiba waxa Telefashanka soo fadhiistay rag cul culus oo reer Hargeysa ah. Xukuumadu arintan shaqo kuma lahayn ee waxay ahayd mid waxgaradka reer Hargeysa kasoo fushay.Shacbiga reer Hargeysa Waxay si cad usheegeen in uuna Siilaanyo guriga uu ku jiro soo dhaafi karin iska daa wax uu Hargeysa ka sameeyee haddii uu isku dayo wax amaanka Hargeysa wax udhimayana isagu uqoolanyahay. DADKA REER HARGEYSA OO AAN U KALA HADHIN HANDADAADA GUDOOMIYAHA KULMIYE WAXAY INTAA KU DAREEN INUU ISAGA BAXO HARGEYSA HADII UU DAGAAL RABO UU BURCO TEGO. BASLE HALKAN UUNAN WAXBA KA SAMAYN KARIN.
Waxa iyagna jirey hanjabaabo fool ka fool iyo telefoon ah oo uu gudoomiyuhu si isdaba joog ah uu ugala kulmayey shicibka reer Hargeysa. Cabsi mooyee hadana wax cabasho ah oo ku saabsan arimahaa lagama maqal gudoomiyaha iyo xubnihiisa ku dhaw dhaw. Sida ay iisheegeen dad goob joog u ahaa xaaladaha dhabta ah ee halkaa ka jiray. GUDOOMIYE AXMED SIILAANYO WUXU NOQDAY BARTILMAAMEED, ARIMAHAN LASOO DARSAYNA WAA KUWA DHAB AHAANTII BEDELAY MAWQIFKIISII HORE EE AHAA MA AQOONSAN DOONO DAAHIR RAYAALE 16KA MAY MARKA LA GAADHO. Arintani waxay gudoomiya Kulmiye ku khasabtay inuu magangalo Madaxtooyada si aanu amaankiisu khatar u galin maalmaha kala guurka.
Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com






