May 22, 2008
Geedkii Nabada ee Guurtidu Abaqaashay, Warbaahintaa Gaadh ka Haysa .. Dhigta Udub Ogolaatay Nooga Darimayso..!
Haddaan warbaahintu door weyn ka cayaarin faafinta aragtiyihii iyo akhbaartii la xidhiidhey ismaandhaafka Ururada, waa la isku dhici lahaa sidii beryo qaarkood. Murankii Siyaasadeed ee Qurba-ka-cabsiiska ahaa waa la soo afjaray. Kooxiihii ismaandhaafay kulankii dhexmaray mid waliba wuxuu ka soo baxay isaga oo dhoola caddaynaya oo dadweynaha u sheegay in ay guuli u soo hoyatey.
Axsaabta mucaaridkuu waxay sheeganayaan in ay guul ka soo hooyeen madashii shirka oo aanay muddo kordhin danbe guurtidu dib u samayn karin. Xusbiga muxaafidkuna wuxuu sheeganayaa in uu ku guulaystey, in muddo kordhintii guurtida la isku waafaqay. Anna waan ku hanbalyaynayaa guulaha ay sheegteen, u diidimaayo.
Waxaanse doonayaa in aan dadka u sheego cidda guusha soo hoysey ee baajisay wixii ay wadeen iyo beelo la isku dhufto, in ay tahay warbaahinta Somaliland ee heer qaran iyo heer caalamiba leh. Warbaahinta Somaliland marna kamay caajisin in wararka iyo aragtiyaha la kala qabo, ay dadweynaha ku soo sinto. Markii wararkii iyo afkaartii la kala qabey oo sugan, oo aanay waxna ku dhamin, waxna ku darin faafiyeen, ayuu baaqsaday dabkay shidayeen kooxaha kursiga ku loolamayaa.
Markay warbaahinta dawladda iyo warbaahinta madaxa banaaniba ay fidiyeen codka dadweynaha, nabadana ay buunbuuniyey, waxaa khasab noqotay in kooxihii iyagu isku muuqdey ay iyagu dib iskugu laabtaan oo meel ka soo wada jeestaan, isna cafiyaan. Mahadi ha ka gaadhey iyada oo warbaahintu kaashanaysa qalabka casriga ah iyo kii horaba waxay dadweynaha ka haqab tireen dhacdooyinkii maalin lahaa ee socdey xilligii ismaandhaafka ururadu cirka isku shareeray.
Haddii sidii beryo qaarkood uu warku gacanta ugu jiri lahaa koox yar iyo siyaasi, nabadu faraha ayay ka bixi lahayd. Laakiin maanta waxaa baajiyey warbaahinta aadka u foojigin ee ka kooban wargesyada, idaacadaha iyo shabakadaha Internetka.
Berrigii hore dawladihii warbaahinta xakamaynayey ka sakow, dadku waxay marti uga ahaayeen wararka, dhuxdhuxda iyo faqa nin sheeganaya siyaasi, aragtidana waxay marti uga ahaayeen nin gabay yaqaan oo cajalad ayaa la isla daba-guur-guuri jirey. Maanta taa waa laga soo gudbey waxaa la adeegsadey hawraar qofkastaa aragtidiisa ku cabiri karo oo looma baahana in la gabyo oo keliya. Waxaa la helay qalabkii lagu faafin lahaa.
Waxaa warfidiyeeno heegan u yihiin in ay soo bandhigaan Siyaasigu warkiisa hadduu beel la faqayo iyo haduu bulshaweyn la hadlayaba, kadibna dadweynuh ayaa qaadaa dhigaya, oo ka faalloonaya. Waxaa la daabacay baaqii beelaha ee qarsoodiga ahaan jirey, markaasay beel waliba beesha kale waxay aaminsan tahay ogaatey oo saaxiga keentay.
Berri dhaweyd waxaa warbaahinta lagu cannaantay in aanay anshaxii iyo asluubtii warbaahinta dhawreyn. Anigu eedaa in ay leeyihiin ma qabo ee waxay ahayd in la cannaato ka warka xun intuu fagaare isla soo taagey dadweynaha u soo bandhigaya ee xanaaqaya marka la soo daabacay ee loo jawaabey. Waajibka warbaahintu waqtigan lagu jiro, waa in ay qoraan wixii dhacaya iyo wixii musu’uuliyiinta iyo cidkastaba ka soo baxa, si ay dadweynuhu u ogaadaan ka xun iyo ka san.
Siyaasiga maanta jooga xilkiisa ilaahay ma qarin, waa labaatan jir Mudug jooga, waxaa loo helay warbaahin tayo iyo tiraba leh, oo hortiisa iyo hareertiisaba joogta. Warbaahintu sidaasay weliba immika asluubsaneysa oo duruufaha iyo marxalladaha qaarkood dhawraysa. Waxaa beri dhaw la bilaabayaa (Journalistic Investigation) oo haatan wqarbaahintu ka gaabsato, xaallado jira awgeed.
Hadal iyo dhammaantii geedkii nabada ee guurtidu abaqaashay ee maanta ubaxiisii isgaadhey, warbaahinta ayaa gaadh ka haysa, nin iyo lab, urur iyo beel midna looga biqimaayo in ay isku dayaan, in ay gooyaan amma ubaxaba ka daadshaan..
Hamud Duale
Email: huluuq@hotmail.com








