May 17, 2008

Kulan Tacsiyeed Loo Sameeyay Marxuum Siciid Maygaag Samatar oo Lagu Qabtay Hargeysa.

Hargeysa, (Harowo) - Kulan Tacsiyeed balaadhan oo lagu maamuusayay Marxuum Siciid Maygaag Samatar ayaa maanta lagu qabtay Hotel Mansoor ee magaaladda Hargeysa, kulankan oo ay soo qabqaabisay Madaxtooyadda Somaliland, ahaana mid uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin amray, waxana ka soo qayb galay Wasiiradda Madaxtooyadda, Xanaanadda Xoolaha, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE. Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Xildhibaano ka tirsan labadda gole Baarlamaan, Salaadiin, Culimaa’udiin, Aqoon-yahano iyo Qaraabadii Marxuumka.


Guji Laba Jeer Falaadha Cas ee Midigta. By Faysal Maxamed Xasan - Hoos ka Daawo Sawirada Munaasibadda Tacsidan.