May 16, 2008

Maansadan Waxaa La Yidhaa Magac Dumar.

Maansadan waxaa layidhaa magac dumar, waxaan ugu bixiyay magacan waxa weeyi, waxaan ku ururiyay kaliya magc dumar intii aan awooday. Nasiib wanaag habeen habeenada kamida aniga oo u fadhiya qoraal aan ku qorayay computerka ayaa waxa iisuurta gashay inaan yara daalacdo bogaga internetka qaybaha suugaanta.

Walaalkii soo ururshay magacdan oo inta badan aanan garanayn laakiinse aan u jeclaystay markii aan arkay inuu ku tilmaamay magac dumar oo aan inagu leenahay, lana bixi jirnay, laakiinse hada aad moodo badidoodu inay lumeen.

Magacdan runtii aad ayay iiga yaabiyeen qarkood, horayna uma maqal kolay magacda qaarkood waxaa laga yaabaa inay dhaliil leeyihiin, qaarna amaan yihiin. Taasna waa wax dabiiciya oo magacu noockasta ayuu yeelan karaa, markaas hadii aad ka aragtaan magacyo dhegtiinu jeclaysan waydo maqalkooda amaaba aad u aragtaan inayna ahaynba afsoomaali ee ay tahay cay loola badheedhay waan ka cudur daaranayaa.

Magacyadan kolkii aan arkay waxaan jeclaystay inaan qaab maanso ubedelo si,ay ufududaato xifdintoodu, akhrintoodana looga daalin.

Waxaa kale oo aan aaminsan ahay inay jiraan magacyo ka wanaagsan kana badan, laakiinse hada intii aan qoraal ku helnay uun baan inii soogudbiyay maansadii magac dumar.

Magac Dumar

Hidaheena maan dhigin
Maansada madhaawicin
Inaan muuja hadalkay
Maskaxdayda tuujiyo
Maankayga dhaladkaa
Ankurogo miftaaxee
Hadan marinka seegoon
Magacyada aan soowado
Umab suudi waydiin
Ha miciinsan shaydaan
Dadku wa isku muuq gabi
Midhahaase kala gura
Murti sheegan maaye
Ila maqal bal taydana

Mar waxaan kufaanaa
Abshiray mar tahayoo
Abyanbaa ah magac dumar
Afraxaa ah magac dumar
Marna waa ammaanoo
Amranbaa ah magac dumar
Araweelo waa umagac
Ardo waa umagacoo
Arliyaa ah magac dumar
Ashkiraa ah magac dumar
Askaraa ah magac dumar
Axadaa ah magac dumar
Bariidaa ah magac dumar
Barkhadaa ah magac dumar
Baahila ah magac dumar
Baarbaa ah magac dumar
Barnibaa ah magac dumar
Barwaaqaa ah magac dumar
Basra waa umagacoo
Baxsan baa ah magac dumar
Baydanbaa ah magac dumar
Beegsan baa ah magac dumar
Beerlula ah magac dumar
Biciidaa ah magac dumar
Bilanbaa ah magac dumar
Bishaaraa ah magac dumar
Bullo waa midkale oo
Buneybaa ah magac dumar
Buuxo wa umagac bixis

Tagsanbaa ah magac dumar
Talisaa umadaoxo
Tawlanbaa ah magac dumar
Tigaada umagacoo
Timiraa ah magac dumar
Tiriigaa ah magac dumar
Tisqaad baa ah magac dumar
Toolmoon midba oo
Toosan baa ah magac dumar
Tooxaybaa ah magac dumar
Tusmo magacsan weeyee

Midna jalaqsan weeyan
Jamaadbaa ah magac dumar
Midna waa jawaahira
Jeegaan midbaa oo
Johro waa umagac bixis
Joogdheer anaa miran

Xaadsan baa ah magac dumar
Xaalibaa ah magac dumar
Xadiyaa ah magac dumar
Xalwo waa umagac bixis
Xamaraa ah magac dumar
Xareedaa ah magac dumar
Xiisanba ah magac dumar
Xirsiyaa ah magac dumar
xoriyaa ah magac dumar
xukun baa ah magac dumar

khadraa waa umagac bixis
khaladla, ah magac dumar
khayratana midbaan odhan

Daado waa umagac bixis
Daaho waa umagac bixis
Daawad baa ah magac dumar
Dahabaa ah magac dumar
Darmaan baa ah magac dumar
Daruuraa ah magac dumar
Dawo waa umagac bixis
Dayaxaa ah magac dumar
Daynabaa ah magac dumar.
Deeqa ah magac dumar
Degan baa ah magac dumar
Degmo waa umagac bixis
Dihinbaa ah magac dumar
Diidanbaa ah magac dumar
Diiranbaa ah magac dumar
Diraaca ah magac dumar
Doonbiraa ah magac dumar
Duco waa umagac bixis
Duda waa umagac bixis
Dugsoon baa ah magac dumar
Dulman waa lamiidhaa

Raagsan baa ah magac dumar
Raaliyaa ah magac dumar
Raaqiyaaah magac dumar
Raxaa ah magac dumar
Rashiidaa h magac dumar
Reemaa ah magac dumar
Midna roobo weeyaan
Roonbaa ah magac dumar
Rumaanbaa ah magac dumar
Ruunbaa ah magac dumar

Saadaa ah magac dumar
Saafiba ah magac dumar
Saaqaa ah magac dumar
Sacaadaa ah magac dumar
Sagalbaa ah magac dumar
Sahwibaa ah magac dumar
Salaadaa ah magac dumar
Saluglaa ah magac dumar
Sama wada ah magac dumar
Sareeda ah magac dumar
Saxansaxa midkale idhi
Saxarlaa ah magac dumar
Simanbaa ah magac dumar
Soohan waa umagac bixis
Subkanbaa ah magac dumar
Suleekhaa umagacoo
Sulubaa ah magac dumar
Suubaanbaa ah magac dumar
Shaadiraa ah magac dumar
Shacni baa ah magac dumar
Shamadaa ah magac dumar
Shankaroon mid weeyoo
Shaqlanbaa ah magac dumar
Sheeganbaa ah magac dumar
Shifo waa umagac bixis
Shoobo wa umagac bixis
Shumay waa umagac bixis
Shuunbaa ah magac dumar

Dhaadsanbaa ah magac dumar
Midna dhaayo weeyaan
Midna waa dhalaaloo
Dheehaa umagacoo
Dhiiranbaa ah magac dumar
Dhiman waa umagac bixis
Dhoofo waa umagac bixis
Dhool waa umagac bixis
Dhoor wayn mid weeyaan
Dhudibaa ah magac dumar
Dhuuban waa umagac bixis
Dhuulo waa umagacoo
Dhuuxaa ah magac dumar

Caanood mid weeyoo
Cabbanbaa ah magac dumar
Cadarbaa ah magac dumar
Caddaybaa ah magac dumar
Cajabaa ah magac dumar
Calasaa ah magac dumar
Canabaa ah magac dumar
Canbaraa ah magac dumar
Carfoon baa ah magac dumar
Cartamaa ah magac wayn
Carwo waa umagac bixis
Casaybaa ah magac dumar
Cawilaa ah magac dumar
Cawo waa umagacoo
Cawrala ah magac wayn
Caynabaa ah magac dumar
Ceeblaa ah m,agac dumar
Cibaada ah magac dumar
Ciilaa ah magac dumar
Ciiltiraa ah magac dumar
Cosobaa ah magac dumar
Cubtanbaa ah magac dumar
Cudbibaa ah magac dumar
Cuddoonbaa ah magac dumar
Cuganbaa ah magac dumar
Culanbaa ah magac dumar
Cuddoonbaa ah magac dumar

Falisbaa ah magac dumar
Falxada ah magac dumar
Fanaxlayna waa umagac
Faraxbaa ah magac dumar
Fariidaa ah magac dumar
Farxadaa ah magac dumar
Farxiyaa ah magac dumar
Faynuus waa midood kale
Fiidaa ah magac dumar
Filadbaa ah magac dumar
Filsanbaa ah magac dumar
Foosba ah magac dumar
Farduusaa umagac wacan

Kaabo waa umagacoo
Kaadsoon mid weeyoo
Kaafiyaa ah magac dumar
Kaahaa ah magac dumar
Karuuraa ah magac dumar
Kinsibaa ah magac dumar
Koosbaa ah magac dumar
Korraad baa ah magac dumar

Laacanbaa ah magac dumar
Lacagaa ah magac dumar
Ladanbaa ah magac dumar
Leexaa ah magac dumar
Lisanbaa ah magac dumar
Luulbaa ah magac dumar

Mako waa umagac bixis
Madiinaa ah magac bixis
Maandeeqna wa magac
Maana ah magac dumar
Macay baa ah magac dumar
Magoolbaa ah magac dumar
Malabaa ah magac dumar
Markabaa ah magac dumar
Marwo waan ubixinaa
Miido waan ubixinaa
Mulaaxaa ah magac dumar
Muraayaa ah magac dumar
Murriyaa ah magac dumar

Naadiya h magac dumar
Naado waa umagac bixis
Nafiisa h magac dumar
Nagaadaa h magac dumar
Naganbaa ah magac dumar
Naqo waa umagacoo
Naruuraa umagacoo
Nasteexa umagacooo
Nuurtaa ah magac dumar

Wacanba ah magac dumar
Wanaag baa ah magac dumar
Warfogbaa ah magac dumar
Warisbaa ah magac dumar
Warlabaa ah magac dumar
Warmoogba ah magac dumar
War roonbaa ah magac dumar
Warsan baa ah magac dumar
Wiilaa ah magac dumar

Habban ba ah magac dumar
Habboonbaa ah magac dumar
Habsamaan mid weeyoo
Hagalna mid weeyo
Halganba ah magac dumar
Haweeyaa h magac dumar
Heegaa ah magac dumar
Hibaaqbaa ah magac dumar
Hibo waa umagacoo
Hiddo waa umagacoo
Hillaacbaa ah magac dumar
Hiro waa umagacoo
Hodanbaa ah magac dumar
Hogalbaa ah magac dumar
Hooban mid kale idhi
Hoodaa ah magac dumar
Hufanbaa ah magac dumar
Huryabaa ah mgac dumar

Yusurba ah magac dumar
Yuusaa ah magac dumar
Yaasmiin mid kale idhi

Idilbaa ah maac dumar
Idmanbaa ah magac dumar
Iftiima ah magac dumar
Iidaa ah magac dumar
Iimaan midkale idhi
Ilroonbaa ah magac dumar
Ilbaad baa ah magac dumar
Indhadeeq waa magac
Indhawroona wa magac
Ishaarana midkale idhi
Isirba ah magac dumar
Ismoogbaa ah magac dumar
Isniina ah magac dumar.
Misna wa istaahile
Ogaalbaa ah magac dumar

Ubaxba ah magac dumar
Ubbolacaga mid kale idhi
Udgoonbaa ah magac dumar
Ugaasaa ah magac dumar

DAHIR ABDI FATAH

Email: mudane_22@hotmail.com