May 15, 2008
War Saxaafadeed: Women in Journalism Association

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ururka Gabdhaha Saxaafada Somaliland ee WIJA, ayaa shaaca ka qaaday in aanay haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn Dalad (umbrella) noocay tahayba.
War saxaafadeedku waxa kale oo uu ka hadlay xaalada ka taagan dalka ee dhinacyadda siyaasada, taas oo uu sheegay in la dejiyo iyada oo la eegayo danta guud ee dalka iyo bulshada nabada jecel ee reer Somaliland.
War saxaafadeedku waxa uu intaa raaciyay in ururka WIJA uu yahay mid ka madax banaan Siyaasad, kuna hawlan horumarinta bulshada iyo kor u qaadida xirfadda iyo tayada gabdhaha suxufiyiinta ee Somaliland.
Anagga oo ka duulayna baahida bulshadan curdinka ee reer Somaliland u qabto ilaalinta nabadgelyada iyo horumar la gaadhsiiyo waxaanu mar kasta ka soo hor jeedaa cid kasta oo isku dayeysa inay khalkhal geliso nabadgalyada iyo wada noolaanshaha shacbiga Somaliland.
ugu danbeyn waxaanu ugu baaqeynaa xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ahba iney meesha ka saaraan isu muuqadasha, dhana uga soo wada jeestaan sidii ummada wadankan ku nool aayahooda looga talin lahaa iyagoo raacaya habka wada hadalka iyo wada tashiga ay Somaliland ku soo caana-maashey.









