May 15, 2008

Ururka Qaran oo Sheegay In Xukuumadda Iyo Xisbiyaddaba uu Wakhtigii ka Dhamaaday.

Hargeysa, (Harowo) Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda maanta, Shirkaa jaraa’id waxa ay Masuuliyiinta Ururka sharciyadiisa muranku ka taagan yahay ee Qaran ay ka hadleen muranka sharci ee u dhexeeya axsaabta iyo Xukuumadda.

Masuuliyiinta ururka Qaran waxa kale oo ay shirkoodaa jaraa’id ku sheegeen in Xukuumadda iyo Axsaabtaba uu wakhtigii ka dhacay loona baahan yahay in muranka wada hadal lagu dhameeyo, lana saxo guurtidda oo khalad wayn gashay, si aan mar danbe laysku qabqabsana loo hawl galo in heshiis wada jir ah laga gaadho sidii aanay mar danbe u dhicin in marka xukumadd la doortay wakhtigeedu dhamaado lagu murmo.

Ururka Qaran waxa ay sheegeen in khaladaad dhawr ah oo la sameeyay keenay in dalku galo murun iyo khilaaf siyaasadeed oo keenay inay doorashooyinkii dawladdaha hoose iyo madaxtooyadu si xor ah oo xalaal ah u qabsoomi waayaan, kuwaas oo sida ay sheegeen salka ku haya qodobo sharci oo si khalad ah loo adeegsaday ama layska indho tiray, waxa kale oo ay ka dayriyeen Komiishanka doorashooyinka oo ay ku tilmaameen qaar aan fulin karin hawsha balaadhan ee u taala taas oo sababna uga dhigeen khilaafka hadheeyay iyo karti daradooda. Hadaba waxyaabihii Ururka Qaran Shirkiisa jaraa’id kaga hadlay marka laga yimaado waxa uu ururku soo jeediyay qodobo ay ku soo ururiyeen oo ay u arkeen in xalka lagu gaadhi karo lagagana bixi karo dhibaatadda jirta kuwaas oo u dhignaa sidan:

1. In la Qaato soo jeedintii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee mudaynta Doorashooyinka ee saddexda Xisbi qaran isla qaateen oo laga gudbo shardiga xukuumadu heshiiskaa ku xidhay oo ah in Guurtidu wax kasta go’aaminayaan waayo? Guurtidda waxyi kuma soo dago oo way khaldami karaan

2. In la joojiyo Aflagaadadda nabada qoomaysa ee uu caadaystay Tv-ga Dawladu

3. In Xukuumaddu oggolaato Diiwaan galinta Ururada siyaasiga ah oo ah xaq distooriya, si ay uga qayb qaataan doorashooyinka dawladdaha hoose ee soo socda

4. In wada hadal lagu dhameeyo arimaha la xidhiidha xilka dawladeed mudadda ka dambaysa 15-May-08

5. In heshiis wada jir ah laga gaadho in marka mudada Madaxweynaha ee shanta sano dhamaato aanu wax korodhsiimo ah sina loogu dari karin, si khlaafka maanta taagani dib ugu soo noqon oo ayna ina caqabadayn

6. In wax garadka, Salaadiinta, Culuma-u-diinka laysu bahaysto si mawqifka Golaha Guurtidda ee dhinaca ka raran loogu soo dabaali lahaa majarihii loogu talagalay ee ahaa inay si daacad ah oo dhex-dhexaadnimo ku saleeyaan arrimaha ay u xilsaaran yihiin

7. Komiishanka Doorashooyinku uma eeka mid fulin kara hawlaha ay u xilsaaran yihiin oo khilaaf iyo karti-darro saamaysay waxana loo baahan yahay in dib loo habeeyo

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, somaliland

Emil: daralla06@yahoo.com