May 15, 2008

Shan Sano Ka Hor Maanta oo Kale..!

Muuqaalka madaxweyne Rayaale oo ay maxkamada sare dhaarinayso maanta oo kale. Markii guddigii doorashooyinka qaranka ee SL natiijadii kama dambaysta ahayd ku dhawaaaqeen galabnimadii Sabtida ee 19- Abril -2003 in uu tartankii madaxweynenimo ku guuleystey musharaxa xisbiga UDUB,doorashadii ka dhacday JSL 14/04/2003.

Kadib Madaxweyne Daahir Rayaale iyo M. Xigeen Axmed Yuusuf waxa loo dhaarinayey xilka Madaxtooyada JS.Land 16-May 2003-dii maalin jimce ah.
 
Waxa xafladdaa ka soo qaybgalay golihii wakhtigaa ee Baarlamanka  wasiiro,madaxda xisbiga UDUB, taliyayaasha ciidamada, danjirihii Itoobiya u fadhiyay Soomaalilaand iyo martisaraf kale oo badan.Madaxweynaha iyo ku xigeenkii waxa lagu dhaariyey qasriga madaxtooyada. Gudoomiya maxkamada sare ee S.land Dr. Saciid Faarax, ayaa halkaa ka sheegay in uu qorayo qodobka 29aad ee dastuurka J.S/Land in Guddoomiyaha Maxkamada Sare dhaariyo qof kasta oo ay ku waajibtay in la dhaariyo inta aanu xilka qaban.
 
Madxweyne Daahir Rayaale dhaarta kadib wuxuu dadka reer Soomaalilaand ka codsaday in ay ku garabgalaan xilka loo dhiibay, waxana uu u sheegay in aanu la’aantood waxba fulin karin.
 
Waxa la filayaa in markale shacbiga somaliland codkooda si hagarla’aan ah usiiyaan Mudane Daahir Rayaale Kaahin marka lagaadho wakhtiga doorashada maadaama ay u arkaan Daahir Rayaaele madaxweyanaha kaliya ee gaadhsiin kara halka ay hiigsanayaan, halkaasna markale loogu dhaariyo jagada madaxweyaha mudo shan sano ah. Taas oo ka dhigaysa Daahir Rayaale madaxweynihii ugu mudada dheeraa uguna deeqsi sanaa dhanka gobolo bixinta ee soo maray soomaliland.

Jawhar Qalinle
 
Email: korwaayeel@hotmail.com