May 15, 2008

Salaadiinta Somaliland oo Shir Jaraa’id kaga Hadlay Nabad Galyadda Iyo Xaaladda Guud ee Dalka

Hargeysa, (Harowo) - Qaar ka mid ah salaadiinta Beelaha Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hudheelka Xaraf ee Magaaladda Hargeysa ayaa ku taageeray Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda Qaranka tashiga iyo wada hadalka ay ku dhamaynayaan murankii siyaasadeed ee habeenkii xalay ku dhex maray xarunta Madaxtooyadda ee magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale waxa ay Salaadiintaasi Shirkooda jaraa’id kaga hadleen dhawr arimood oo ku tacaluqa Nabad galyadda, muranadda sharci ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridka, saamaynta saxaafadu ku yeelan karto hurinta khilaafyadda iyo dajintooda  iyo guud ahaan dareenka dadweynaha.

Suldaan Axmed Daahir oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland qaran tahay oo ay wanaagsan tahay in aan qabiil loo noqon, waxa uu suldaanku carabka ku dhuftay in fool xummo ay qaranka ku tahay waxyaabihii maalmihii dhawaa laysku lahaa ee saxaafaduuna ka qayb qaadatay oo wax aad u fool xun ah ayuu yidhi, waxana uu sheegay in ay arimahaa fariin adag ka gaadhsiinayaan umada reer somaliland ee walaalaha ah, ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Suldaan Xassan Barre warsame ayaa isagu ka hadlay saxaafadda iyo hadaladda laysku mariyo "Waxa aan Jecelahay anigu inaan ka hadlo mawduuc in dhawaalaba inagu yara faafay, sida ay runtu tahayna aan inagu haboonayn, wax yeelaya qaranimadeena, walaalnimadeena, isu imaatinkeena, wax wada lahaansheheena intaaba wax u wada dhimaya, arintaasi waxa weeyi waxa fiican in nabadda laga hadlo oo layidhaahdo hala xoojiyo waa mid waajiba oo aynu wada leenahay, laakiin waxaad moodaa in meelihii laysugu ee nabadda laga hadlayay ee dibad iyo gudaba laysugu imanayay inay nabaddi wax u dhimayso ayaad mooda, halkaasna waxa lagaga hadlayaa waa beelo iyo qabyaalad, taa waynu ka soo gudubnay oo sadex xisbi ayaa loo gudbay markaa waxay keenaysaa nabad galyo daro in laysku qabqabsado beel kuma hadli kartid iyo wax la mid ah."

                                   Muuqaalka Salaadiinta shirka jaraaid qabtay maanta

Suldaan Xassan mar uu ka hadlayay muranka arimaha la xidhiidha iyo kala sheegashadda magaalooyinka gaar ahaan Caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi "Magaaladdan Hargeysa ee aynu joognaa waa magaalo caasimad ah, waa magaalo somaliland cid cid ka lihii jirin, waa magaalo aynu wada leenahay, Somaliland halka ugu bariyeeysa iyo halka ugu galbeedaysa meel nina laga sheegan karaa ma jirto waxba la wada yeeshay, waxba laysku wadda darsaday, calankaa ina dul sudhan baa walaaleeyay, meel beel laga sheegan kara ma jirto, markaa taasina waxa weeyi in arimahaa dib looga joogsado oo layska daayo, Xisbi waa lagu hadli karaa afkiisa, dad isu yimiday oo magacyadooda qoray oo odhanaya hadaanu cidaa nahay cidaansaan taageersanahay waa lagu hadli karaa, laakiin hala iska daayo, waayo?  Kuwa maanta hadlay baribaa laga daba hadlayaa oo waa layswadda tabcaynayaa markaa hala iska daayo."

Suldaan Xassan waxa uu xaal ka bixiyay isaga oo ku hadlaya afka salaadiinta iyo afka beeshiisaba hadalo dhawaan la isku tuurtuuray kuwaas oo uu dhamaan sheegay inay cidii dareen ka qaadatay ama ka xumaatay ay ka xaal marinayaan kana raali galinayaan, Suldaanku waxa uu si gaar ah xaal uga bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay qof beeshiisa ka tirsan oo beel ka mid ah beelaha somaliland hadal ku weeraray kaas oo uu raali galin ka bixiyay.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna kulankaa ka hadlay ayaa beesha caalamka u sheegay in Somaliland ka kortay is qab qabsi iyo dagaal dhexdeeda ka dhaca wax walbana ay kaga baxayaan wada hadal isu tanaasul iyo dulqaad. Waxa uu suldaanku si wayn ugu mahad naqay kuna hambalyeeyay dadaalka iyo wadaninimadda ay sameeyeen Xukuumadda iyo Axsaabtu kuna dhaqaaqeen inay ka wada hadlaan murankii siyaasadeed ee jiray oo werwer ku keenay bulshadda balse durba nafis iyo farxad la dareemay markii la maqlay in wada hadal iyo gogol la iskugu yimiday.

Suldaan Xuseen ayaa isagu nabad galyadda diiradda saaray waxana uu ku tilmaamay qof leeti ah cida nabadda ku ciyaarta, ee balaayadda u yeedha dhibaataddana raadiya, nabad waxa lagu helana aan colaad lagu helin, nabaduna ay deeqdo dad iyo xayawaanba, waxa kale oo uu suldaanku sheegay inay nacasnimo u tahay somaliland hadii aanay cashar ku qaadan waxa hareeraheeda ka socda, isaga oo tilmaamay in somalidii dhamaan somaliland ka muuqato, sidaa daradeedna aanay wanaag jiraynin hadii nabad la waayo.

Suldaan Yuusuf ayaa tilmaamay in somaliland isu tanaasul ay halkaa ku gaadhay oo marka wax murgaan lagu yaqaano in cid uuni tanaasusho, waxa kale oo uu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay salaadiinta iyo wax garadkii umadda oo ka hadlay isla markaana muujiyay sida ay u necbaysteen ugana xun yihiin hadaladii deel qaafka iyo nacaybka reebayay ee warbaahinta laysku marinayay, cidii qoonsatayna ay ku qanacdo in laga raali galiyay, Suldaan Yuusuf waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay nabadda ilaashaddan meelna uga soo wada jeestaan.

Suldaan Barre X. Xuseen Caraale oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadda shirka ay u qabteen ay tahay qodobaddaa laga hadlay, waxa uu Suldaanku tilmaamay in maanta iyo shalay jawigu kala duwan yahay, isaga oo sheegay in madaxweynaha iyo madaxda axsaabta qaranka laga rajaynayo in heshiis iyo is afgarad. Suldaan Barre waxa uu madaxweynaha uga mahadnaqay magacaabistii gobolka Hawd taas oo uu ku kaftamay in salaadiintu malaha ilaabeen, laakiin ay ka mahadnaqayaan, kuna faraxsan yihiin.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay salaadiin badan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaan Aadan Faarax Dheri iyo salaadiin kale kuwaas oo dhamaantood ka sinaa in nabadda la ilaashado, meelna looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya, mahadnaq ay u mahadnaqayaan Madaxweynaha iyo madaxda axsaabta Mucaaridka ah ee ka shiraya in la dhameeyo murankii, iyo fariin guud oo ay shacbiga kula dardaarmeen in la joojiyo wixii af-xumo ah ama cuqdad kala galinaya bulshadda dhexdeeda.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com