May 13, 2008

Waxgaradka Beesha Ciidagale Oo Ka Hadlay Adkaynta Nabad galyadda Iyo Mawqifkooda ku waajahan Xaaladda Dalku Marayo.

Hargeysa, (Harowo) - Shir balaadhan oo Guddida horumarinta beesha deegaanka koonfurta Hargeysa (Ciidagale) ay maanta saxaafadda ugu qabteen Hotel-ka Dalxiis ee Magaaladda Hargeysa ayay Gudida iyo Wax garadka beeshu kaga hadlay xaaladaha wadanku marayo gaar ahaan arrimaha Nabad gelyada, Sicir-bararka, Abaaraha, wax-soosaarka beeraha iyo in nabad lagula noolaado beelaha kale ee Somaliland.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Culimaa’udiinka iyo Dhalinyarada Beelweynta Ciidagale waxa lagu lafa guray xaaladaha dalku ku sugan yahay iyo sida looga bixi karo marxaladaha qalafsan ee hadda la marayo, iyo mawqifka beel ahaan ay ka taagan yihiin kaas oo u dhacay sidan:

Gudoomiyaha guddida horumarinta beesha Chief Caaqil Khadar Maxamed Axmed, oo ugu horeyn shirka furay hadal koobana ka jeediyay ayaa sheegay in sababta ay halkan isugu yimaadeen hal-doorkii Ciidagale, ay tahay mid ay kaga hadli doonaan qoddobo muhiim ah. Chief-ku wuxuu si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay nabadgelyadu leedahay, waxa uu u soo jeediyay beelaha kale ee Somaliland inay meel uga soo jeedsadaan adkaynta nabada iyadoo aan cidna loo daba fadhiisanayn hadday tahay Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka iyo cidii walba oo qalaanqal isku daydaba.

Qodobka labaad ee gudoomiyuhu bulshada guud ahaan u soo jeediyay ayaa ahaa inay ku dhaqaaqaan tacabka xagga beeraha oo ay wax-soo-saarka dhulka ku dadaalaan, " waxaynu ognahay maanta in caalamku ku nool yahay waxay tabcadeen, dalkeena waxaynu og nahay in sicir-barar jiro ta lagaga bixi karaana tahay inaynu u soo jeedsano falashada dhulka" ayuu yidhi caaqilku.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Chief Caaqil Xuseen Xasan Cali Waraabe oo ka tirsan guddida soo qabanqaabisay Shirkan. Waxa uu si mug leh uga hadlay adkaynta Nabadgelyada isagoo sheegay in shirkani daba socda mid ka horeeyay oo lagu go’aamiyay qodobada la soo sheegay. Caaqil Xuseen Cali Waraabe Mar uu ka hadlayay sicir-bararka xadka dhaafay wuxuu eedayn kulul u soo jeediyay ganacsatada oo uu sheegay in naxariistii ka guurtay, isagoo talo ahaan ugu soo jeediyay in marka sicirku hoos u dhaco maciishada jabiyaan.

Caaqil Maxamed Xirsi Faarax oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sida cuqaashii ka horeysay sheegeen si qoto dheer uga faallooday muhiimada nabadu leedahay, haddii la waayana nololi aanay suurto galeyn, nabada ka sokow caaqilku isaga oo ka hadlaya dhinaca siyaasada wuxuu yidhi " annagu seddexda xisbi qaranba caaqil baanu u nahay UDUB, KULMIYE iyo UCID way noo siman yihiin, waxaan leeyahay Nabada wadanka haddii la waayo idinkuun baa wax ku la’, annaga siyaasiyadda waxba nagama galin, yooyootankiinuna nama khuseeyo, codna naga heli maysaan intaad sidan isu qabqabsanaysaan, Madaxweynaha aanu dooranaynana waanu baandhaynaynaa ama kan jooga ha noqdo ama mid danbe ha ahaadee. Waxaanu leenahay annagu beel ahaan beesha Hargeysa dadkoo dhan u dhaxaysaanu nahay, Magacayagaan ayaa muujinaya inaanu nabada jecelnahay" ayuu yidhi Caaqil Maxamed Faarax Xirsi, isagoo intaa ku daray inay ka soo horjeedaan cid kasta oo horumarka ummada diidan.

Caaqil Cabdi weli Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay nabada iyo waxay tahay, waxa uu sheegay in cid kastaa deegaanka ay ku noolyihiin xil ka saaran yahay, "deegaanka Hargeysa mid baan leeyahay, Ilaahayna mid baan weydiisanayaa, Somaliland-na guud ahaan mid baan kula talinayaa. Hadalka waa la duduwaaye beesha halkan ka hadlaysaa oo kaliyi Hargeysa ma laha waa lala leeyahay.

Ninka maxastiisii iyo carruurtiisii dhulka taal ee haddii dab kaco si gaar ah u qabsanayaa nabadgelyada ha ilaashado. Guud ahaa Somaliland-na mid baan leeyahay.

Shirkan jaraa’id oo aad u dheeraa dadka ka hadlayna tiro badnaayeen, gebogebadii waxa shirka duco iyo waano ku soo xidhay Suldaan Cali ba’ane, hadalladii Suldaankana waxa ka mid ahaa " shalay waa la shiray oo waxgaradkii beesha go’aan gaadhay, maantana waad aragtaanoo waa taa layska daba hadla, waxaan leeyahay weli intaynu xaafad xaafad u shirayno wax baa inaga maqan, shirkaa ka ku xigaa ha noqdo mid Hargeysi u dhan tahoo shantii xaafadood ee jiray iyo kuwii lagu darayba haloo dhammaado, iyagoo horumarka deegaanka ka hadlaya hala arko, iyagoo dhan nabadgelyada uga soo wada jeeda hala arko". Ayuu Suldaan Cali Ba’ane ku soo gunaanaday hadalkiisa.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com