May 13, 2008
Hashu Maankaygii Gadaye Ma Maasaar Bay Liqday……???
Somaliland maankaygii gadaye ma sedex Madaxweyne ayay leedahay, oo isku wada darajo ah? Oo marka muran siyaasadeed uu yimaadaba loo baahan yahay in ay isa soo horfadhiistaan oo waxa taagan go’aan midaysan ka soo wada saaraan? Waxaa maanta muranku ka taagan yahay ma dan qaran baa mise waa kursi iyo darajo? Sidaase looga fili karaa go’aan midaysan sedex qof oo laba kursi u haliilayaan, midna ku fadhiyo?
Miyaanay suurtagal ahayn, haddii labadu meel ka soo wada jeestaan inta hore, markuu ka kaco, ka ku fadhiyaa, in ay labadoodu midiyo iskula soo baxaan, ilayn distoorkii iyo go’aankii guurtida sedexdooda ayaa laalay markay ishor fadhiisteene? Muranka sedexda qof taagani miyaanu meel ka dhac ku ahayn axsaabtii siyaasiga ahayd, guurtidii, golihii wakiilada, distoorkii iyo axdigii qaranka ee la dhigtay, caqliga fayow iyo dawladnimadiiba? Miyaanu sharaf dhac ku ahayn ummadnimadii iyo faankii duleed,?
Waxaa yaab leh ummad dhan oo sedex qof ku soo koobtay qaranimadii ay hiigsaneysey?
Dhibaatada oo dhan waxaa sal u ah dadkeena oo dhayalsada axdiga iyo wacad la wada galay ee ummad ku heshiisey in wax wada yeelato, kala haga. Qarnimadii waxaa kala qaraweyn qoysnimadii. Sidaa daraadeed, Axdi qarameedkii iyo distoorkiina waxaa ka qara weyn baaqa beelaha. Baaqa beelahunawuxuu taageeraa dikteetarada iyo siyaasiyiinta, sidaas ayaanay ku abuurantaa ashkhaas Axdiga u baal mara danahooda gaarka ah.
Golaha Wakiiladdu waa Golaha sharci dejinta, Golaha guurtidu waa Golaha Ansaxinta iyo go’aanqaadashada, Golaha fullintu waa golihii wixii kuwaa ka soo baxa, distuurku iyo axdi qarameedka fulinayey, ee ilaalinayey wixii ku gafana ee sharciga dhawri waayana, garsoorka iyo caddaalada qaranka horkeenayey. Kadibna go’aanka Maxkamada fulinayey.
Goormaa arrintaa wax laga bedeley? Haddiise la bedeley maxaa shacbiga loo ogeysiin waayey? Goormaa Adeegihii la soo doortay, danbiilihii uu soo qabtay, ee sharciga dhawri waayey, ka itaal roonaada oo uu gacanta sare yeeshay?
Go’aanka kordhinta xilka madaxweynaha iyo M/xigeenka waxaa soo saartay Guurtida, sida la wada qirayana iyagaa distoorku si aan la iskaga hor imman xaq u siiyey, inkasta oo lagu xusay baahiyaha keeni kara.
Haddaba, hadduu eedleeyahay iyo hadduu toosan yahayba waxaa masu’uul ka ah Guurtida qodobkan soo saartay. Golaha fullinta ee Mudane Daahir Riyaale Madaxda ka yahay, wuxuu distoorku waajib kaga dhigayaa oo farayaa in ay go’aamada golayaasha ka soo baxa dhaqangeliyaan oo fulliyaan, ciddii ka hortimaadana garsoorka iyo maxakamada horgeeyaan, darajaduu doona hayeeshee.
Golaha fullinta maanta qaarbaa jooga, berina qaar kale ayaa imman doona, laakiin xeerka iyo distoorku sidaas ayuun buu ahaanayaa.
Haddaan la is aqlaalayn Daahir Riyaale iyo labada hogaamiye shaqo isku ma laha, distoorka meel kama soo gelayaan hadday muddo kordhintu ceeb leedahay guurtida ha lagu eedeeyo oo axsaabta labada nin guurtida ha la doodaan ha tusaan qaladkooda. Kooxaha dhedhexaadinta iyo xeer jajabkuna guurtida ha sheegaan in go’aankii wax ka bedelaan haddii xaq tahay wax lagu doodayaa. Golaha guurtidu quraan ma ah, haddii go’aankoodii wax ka roon la tuso waa la bedeli karaa. Golaha fullint xaq umma lahain ay wax ka bedelaan.
Mucaarid iyo muxaafid wada fadhiista oo dal sharci u soo saara iyo go’aamo ma jiraan. Laakiin waxaa jira dan qaran waxaa lagu raacaa muxaafid iyo mucaaridba hadba xusbiga tallada qaranka haya xilligaa. Waxay komishanka iyo axsaabtu gaadhaan sharci ma ah. Wuxuu noqdaa sharci markay golaha wakiiladu ka soo baaraan dego, guurtiduna ansaxiso.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa maqaalkan gaaban su’aal. Haddii go’aankii sedexda xusbi iyo komishanku soo wada gaadheen ee ay doorashada dib ay ugu dhigayeen, guurtidu diidi lahayd oo ay odhan lahayd, il bidhiqsi lagu darimaayo xilligii hore ee loo qorsheeyey, mala maleeyo muxuu muranku manta noqon lahaa?
Haamud Duale
Email: huluuq@hotmail.com








