May 13, 2008
Gudidii dhexdhexaadinta uu Madaxweyne Rayaale u xilsaaray oo Jawaab ka bixiyay Hadalkii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda
Hargeysa, (Harowo) - Gudida Dhexdhexaadinta xukuumadda oo ah gudi ka kooban Wasiiro iyo xubno kale oo uu Madaxweynuhu u magaacabay inay uga qayb galaan dhex dhexaadinta muranka dhinaca ee beryahan danbe u dhaxaysa Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridka ayaa maanta ka hadlay isla markaana jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda somaliland Md. C/raxmaan C/laahi (Cirro).
Hadalkaas oo gudoomiyuhu ku sheegay in Madaxweynuhu diiday kulan fool ka fool ah oo uu isku soo hor fadhiisiyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaridka ah.
Xubnaha wasiiradda qaarkood
Hadaba iyaga oo arintaa daba socda isla markaana cadaynaya Mawqifkooda dhinaca dhex dhexaadinta ee xukuumadu ka taagan tahay iyo wixii gudoomiyaha ay ka wada hadleen iyo sida dhinacoodu aanu waxba u diidin ayay xubnahaasi shirkan jaraa’id kaga hadleen, guud ahaan arimaha jira. gudidan oo ka kooban Wasiiradda, Maaliyadda, Wax-barashadda, Xidhiidhka Golayaasha, Wasiir-u dawlaha arimaha gudaha iyo xog-hayaha guud ee Xisbiga UDUB waxa Gudoomiye u ah Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale Cawil. hadaba waxyaabihii ay ka hadleen iyo sidii uu shirkaa jaraa’id u dhacay halkan ka dhagayso qaybteeda kowaad oo uu hadalka bilaabayo Wasiiru dawlaha arimaha Gudaha Md. Xassan Macali.
Xoghayaha xisbiga Udub oo ka mdi ah gudida dhexdhexaadinta madaxweynuhu magacaabay
wasiirka waxbarshadda bidix wasiirka maaliyadda dhexda iyo wasiirka xidhiidhka golayaasha
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla066@gmail.com






