May 11, 2008

Xisbiga Taladda Dalka Haya ee Udub oo Xaflad ku Qabtay Arabsiyo

Arabsiyo, (Harowo) - Xaflad aad balaadhan ayuu ,xisbiga Udub ku qabtay degmada Arabsiyo taasoo oo lagu soo dhawaynayey taageerayaal dhalinyaro ah oo ku soo biiray xisbiga Udub. Xafladan, ayaa waxa ay soo qaybgalay dhalinyrada xisbiga Udub ee Hargeysa iyo dhalinyarada xisbigaas ee Arabsiyo, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay gudoomiyaha dhalinyarada ee xisbiga Uudub ee degmada 26 June Jimcaale Maxamed Ciise oo hadal halkaa ka jeediyey u mahadanaqay taageerayaasha xisbiga Udub ee deegaankaas, waxaanu hadaladiisa ka mid ahaa:

"Ururka dhalinyarada ee igu soo martiqaaday ee u soo wargeegayey aad baan ugu faraxsanahay gobolka la siiyey degmada Gabiley ee aad ka tirsan tihiin in abaaraha ilaahay inaga soo furto,  waxaan hanbalyeynayaa Madaxweyne Somalilaland gobolnimada u magacaabay degmada Gabilay  oo kuna haboonayd gobolnimo aad baan u taageersanahay."

Jimcaale isagoo sii wata hadalkiisa waxa  tilmaamay kaalinta xukumadu ka qaadatay nabadgalyada  isagoo dadweynaha reer arabsiyo la hadlaya waxa uu yidhi…dhamaantiin waxaan hanbalyeynayaa reer arabsiyo sida isku xil isqaameen  soo abaabulay waanaan u mahadnaqayaa ayuu jimcaale ku  soo xidhay hadalkiisa.

Waxaa isna halkaa ka hadlay cabdilaahi saleebaan cali oo ka tirsan dhalinyarada bariga arabsiyo waxaanu hoosta ka xariiqay muhiimada xafladani leedahay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa…labadan qodob ayaan doonayaa inaan ka hadlo ka koowaad oo ah taageeradayad aan ku muujinayo ku soo biiritaanka aan ku soo biirnay xisbiga Udub. Sidaa daraadeed sababahan aan ugu soo biirnay waxa ka mid ah anagoo ka weynay waxyaabo badan oo uu balanqaaday xisbiga kulmiye, run ahaantii waxyaabahna halkan kuma soo koobi kara hadaba waxan halkanku muujinaynaa in aan ku soo biiray xisbiga Udub ta laabad inaan idhaahdo niman ka siyaasiyiinta waawayn ee dalka in shan iyo toban ka may ay yidhaahdeen waxbaa dhici doona, waxba dhici maayaan, waxan leeyahay walaalayaal colaad wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta, macneheedu maaha mid ka balaadhan inta ay tahay  iyo qoraalkeeda.

Cadbdilaahi isagoo sii wata hadalkiisa waxa ugu baaqay in la isku baaqin colaad isagoo arinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi "walaalayaal waxaan leeyahay yeynaan isku baaqin colaad, aynu isku baaqno nabada, kala danbaynta, is ixtiraamka, somaliland waxay waligeed ku soo hormartay isu dulqaad, tanaasul, wada tashi.

Hani Cabdilaahi Cabdi, oo ka mid ah dhalinyarada arabsiyo, ayaa hadal halkaa ka jeedisay, waxayna tilmaamtay in danta umada laga wada shaqeeyo si bulshadeenu u hormarto, Hani oo ka hadlaysa goobtaa waxa kale oo sheegtay "in loo baahanyahay in la joojiyo aflagaadada iyo cayda". 

Maamulaha shirkada soo saarta biyahay shamis siciid ismaaciil, ayaa hadal ay xafladaa ka jeedisay waxa ay dhalinyarada kula dardaarmay "in ay isku duubnaadaan sia  ay yoolkooda u gaadheen. Anigu xaga siyaasad iyo xisbiyo idinka lama hadlayo yacnii dhiirigalin  idinkoo isku duuban dad isku duuban waxay doonayaan way qabsadaan, waanay gaadhaan, laakiin hadii kala furfuranyihiin dhulkeena waa beero wixii la galiyaana way ka soo baxayaan".

"Waxa kale oo aan ka hadlayaa sida loogu baahanyahay in nabada la ilaaliyo. Horta Daahir Rayaale anagaa dooranay, codka anagaa ugu ridnay, in maanta la yidhaado dagaal baa lagu qaadayaaa waajib maaha meesha in la keeno weeyi wada hadal iyo wada tashi. Hadaanu nahay beeralayda Arabsiyo beeshayadu waxa u dan in aanu ka wada hadalno, wada tahsano oo hogaankeeni iyo odayaasha gaadhsiino."

Xafladan oo aad loo soo abaabulay waxay ahayd mid heer sare ah, iyada oo ay ka soo qaybgaleen dadyowga Reer Arabsiyo. Waxana halkaa ka hadlay dhalinyaro tiro badan oo dhamaantood soo dhaweeyey ku biirista Udub.


 
Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com