May 11, 2008
Siilaanyo Iyo C/llaaahi Yuusuf Xagay Iska Shabahaan……?
Sida la wada ogyahay waxa beryahan dambe ka aloosan Dalkeena S/land xiisad siyaasadeed oo lagu muransan yahay ciddii dalka hogaamin lahayd 15 may 2008 wixii ka dambeeya. Haddaba bal aynu iftiimino cidda ka dambaysa ama mas’uul ka noqon karta is-marin-waagan siyaasadeed ee cakiran:
Runtii waxa la odhan karaa waxa ka dambeeya isku dhacan siyaasadeed ee aan loo baahnayn maanta inuu yahay Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud( Siilaanyo), iyadoo aan karo inay Gudoomiyaha waxay sifooyoon badan wadaagaan odayga Mujrimka ah ee Maanta ah Madaxweyne ku sheega Soolaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed:
1) Inuu yahay nin xukun jecel.
2) Inuu yahay nin xirfad takhasus ah ka dhigtay qaybi oo xukun Bulshada walaalaha ah. waxa xusid mudan wakhtigii uu ahaa siilaanyo Gudoomiyihii ururka Dhaqdhaqaaga wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, Axmed waxa looga bartay inuu ahaa nin Marba beelaha snm ka koobnayd beel jeebka ku qaata, kuwa kalena fogeeya.
3) In uu yahay ninkii ka dambeeyay Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka intii Cigaal ka horaysay, waayo Mujaahid Siilaanyo ayuu ahaa ninkii ku booriyay inay is casilaan 6 wasiir oo beeshiisa ka soo jeeda Dawladdi C/raxmaan-tuur, isagoo ka cadhaysan in uu noqon waayay ra,iisal wasaare active ah oo uu soo dhiso dawladdii ugu horaysay dalka ee lagu dhiso Burco 1991, isagoo ku andacoonaya c/raxmaan-tuur ayaanu isku ogeyn oo igaga baxay, balse xaqiiqadu ay tahay in shirkii Burco loo qaaday cod fikraddaa, ayna noqotay mid la diiday oo la qaatay nidaamka ah madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Dabeedna uu Axmed Siilaanyo miciin mooday habka ah, cad yahow ku cunay ama ku ciideeyay.
4) Waxa jirtay 1992-kii markii labada beelood ee walaalahi ahi ay Berbera isku qabsadeen in aanu Siilaanyo marin doorkii laga filayay waajibkiisana ahaa ee ahaa inuu dhexdhaxaadiyo 2-dii beelood ee isku dhacay, kalana dhex galo oo uu yidhaahdo siddii awoowgii Salaan-carrabey ,, waar tolow colka jooja, balse Axmed BBC-da ka yidhi BERBERA reer ayaa haysta oo xoog ku haysta waana reerka madaxweynaha, iyadoo madaxdii dawladuna leedahay Magaalada ciidan qaran ayaa galay nabadana sugaya, sidaana uu had iyo jeer ku cel-celinayay Ciidan aan wato ayaa magaalada ku hareeraysan.
5) In isla dagaalkii dambe ee Dalka ka curtay 1994-kii-1996-kii uu Siilaanyo mar kale BBC-da ka hadlay isagoo jooga Djibouti, hadaladii uu ka yidhina waxa ka mid ahaa: Meesha waxa isku haya dawlad iyo dawlad diid, sidaa daraadeed kuwa dawlad diidka waa in Qaaxo laga talaabiyaa, cisho dhowna waxaydun maqli is bedel weyn oo dalka ka dhaca, taasoo macnaheedu ahaa in dagaal lagu qaadi doono kuwa diiday maamulka Cigaal, sidaana dagaalkii sokeeye ee 2-aad uga dhacay dalka.
6) Siilaanyo wuxuu xubin ka noqday dawladdii Cigaal soo dhisay 1997-kii isagoo noqday wasiirka maaliyadda dabadeedna wasiirka Qorshaynta qaranka. Intaa kadib wuxuu yidhi waan ka baxay saaxadda siyaasadda sababbo caafimaad owgood. Dabadeedna wuxuu ugu soo noqday saaxadda siyaasadeed kadib markii uu arkay in Nimankii qamaamuurta ahaa ee uu is lahaa way kaa horjoogaan hanashada iyo hogaaminta dalka ay xijaabteen, sidda Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo C/raxmaan Axmed Cali.
7) Hadaba, waxa dhacday markii uu samaystay xisbiga kulmiye in uu ka war-wareegay in uu aqbalo in doorasho xor ah dalka laga qabto, isagoo istiraajiyad siyaasadeed kalahaa, taana wuxuu ka tanaasulay kadib markii xisbiga kale ee mucaaridka ah ee ucid uu aqbalay in doorasho dalka ka dhacdo.
8) Doorashadii la qabtayna waa la ogyahay natiijadii ka soo baxday iyo wixii siilaanyo ka yeelay oo ahayd in ay muddo ku qaadato inuu aqbalo una haniyeeyo Xisbigii ku guulaystay doorashadaa guud oo ahaa UDUB.
9) In markii loo diyaargaroobayay Doorashadii ku xigtay taa oo lagu waday inay dhacdo sanadkan horaantiisa in uu Siilaanyo iyo xisbigiisa kulmiye ganafka ku dhuftay oo qaadacay, isagoo keeni waayay xubnihii gudidda doorashada uga qayb geli lahaa, ilaa maantana lagu soo gaadhay halkan cago jiid, ilaa ay timid in xubintii ugu dambaysay ee ahayd ku-xigeenka gudida doorashooyinka uu is casilo.
10) Isagoo maanta maraya inuu yidhaahdo haddii la gaadho 15 may 2008 wax madaxweyne la yidhaa dalku malaha.
Markaa miyaan la odhan karin Siilaanyo waxay iska shabahaan qab-qablaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf….A-.xagga fitna walidda iyo qas abuurka B- Xagga Da,da maadaamay yihiin 2-nin oo in badan soo noolaa iskana xanuunsanaya oo doonaya inay ummadda galaaftaan. C) In ay kaga dhegtay …kursigaashaan caashaqayey ama mar uun madaxweyne i dhaha.
Waad mahadsantihiin.
By Gooraan, Landskrona, Sweden
Email: gooraan@gmail.com






