May 11, 2008

Odhaada Akristaha: Khatar Baa Inagu Soo Fool Leh….!!!

Ma buun-buuninayo haddii aan idhaahdo waxa Somaliland soo food saartay khatar xoog leh oo dhalin karta burbur iyo dhibaato xoog leh  oo ka dhacda Somaliland kuna fidda gobolka oo idil. Mana buun-buuninayo haddii aan idhaahdo xiligani waxa uu la mid yahay xiligii ay Mengiste iyo Afweyne kala saxeedeen heshiiska ee SNM lagu qasbay in ay hubka dhigto.

Dalkeenu waxa uu manta qar-qarka u saaranyahay bur-bur iyo in uu dagaal sokeeye ka bilaabmo, haddii aan inta goori goor tahay heshiis laga gaadhin arimaha la isku hayo. Cabsida aan dareemay  ma aha mid igu gaar ah ee waxa ila wadaaga dhammaan inta jecel jiritaanka iyo nabadda Somaliland oo dhan.  Waxa cidkasta oo danaynaysa dadka iyo dalkaba ku waajib ah in ay raadiso sidii loo helilahaa xal lagu badbaadiyo dhibaatada fooda inagu soo haysa.

Haddii ay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo xukuumaddu daacad ka yihiin in ay Somaliland noqoto dal jira, lama waayayo xal dhexdhexaad ah oo la iskugu yimaado. Waxa aan qabaa in aan kuris iyo xukun jaceyl loo baabiin Somaliland.

Somaliland waxa ay leedahay cadaw badan oo maanta ku farxaya khilaafka ka aloosan gudaheeda. Cadawgani waxa uu ku dadaalayaa in uu helo dad uu ku shaqaysto oo dab ku sii shida is-af-garanwaaga soo kala dhexgalay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ah. Waxa inala gudboon in aynu ka digtoonaano kuwa gashan shaadhka Somaliland ee hadana u adeegayay cadawga.

Waxa uu caqliga fayoobi ina siinayaa haddii la xintamo oo ay qolaba qolo ku giijiso, in aan xal la gaadhayn. Somaliland waxa ay ka soo gudubtay oo ay maaraysay arimo badan oo ay ka mid yihiin dagaaladii sokeeye. Waxa guulahaasi lagu gaadhay dadaal iyo niyad fiican oo ay la yimaadeen odayada iyo aqoonyahanad daacadda ah ee aanu kursigu madax-marin. Maantana dad caynkaas oo kala ahi dalka waa ay ka buuxaan.

Waxa waajib inagu ah in aynu taageerno waan-waanta uu wado Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu oo aynu la toosino kuna dhiiri-galino.  Waxa dhammaan garabyada isku haya xukunka la gudboon in ay u hogaansanaadaan waan waanta uu mudana C/Raxmaan Maxamad C/laahi Cirro wado.

Si kuwa xukunka doonayaa ay u helaan meel nabada ah oo ay u taliyaan, kuwa hadda dawladda hayaan ay iyana haddi ay doorashadu siiso hawsha u sii wadaan, waxa loo baahanyahay in la bad-baadiyo jirtaanka Somaliland.

Abshir Cabdilaahi Xasan

Riyadh, Suadi Arabia

Email: a_abshir@hotmail.com