May 11, 2008
Golaha Isbedel Doonka Habar Awal, oo Soo Jeediyay in Hogaanka Xisbiga Kulmiye is Casilo..!!!
Hargeysa, (Somalilandnation) - Guddida Golaha Isbedel doonka Habar Awal, ayaa u soo jeediyay hogaankii lagu soo doortay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye in ay is casilaan , hogaan cusubna la soo doorto waxa kale oo ay ku tilmaameen hogaanka Xisbiga KULMIYE mid Xaaraana oo aan sharci ahayn, shirkii ugu dambeeyay ee lagu doortayna aanu sharci ahayn.
Guddidu Goluhu waxa ay sheegeen in xisbiga KULMIYE u afduuban yahay koox kaliya, balse aanu ahayn xisbi dimuqraadi ah, waxana ay ku eedeeyeen in aanu ahayn mid umadeed oo dadkoo dhami wada leeyahay, sidaana waxa ay ku sheegeen Shir Jaraaʼid oo ay ku qabteen Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa.
Dr. As-hari, Gudoomiyaha Golaha Isbadaldoonka ee Habar Awal
Gudoomiyaha Guddida Isbedel doonka Habar Awal Mudane Axmed As-hari, oo ugu horeyn halkaasi hadal dheer ka soo jeediyay ayaa yidhi ʽʼ Shirkan Jaraaʼid waxa qabanay golihii isbedel doonka Somaliland ee ku biiray Xisbiga KULMIYE, waxa aanu ka hadlaynaa oo isbedel doonku ka hadlayaa wixii dhaliilo ah ee ka jiray ama ka soo baxay natiijadii shirweynihii labaad ee KULMIYE , welina anagu waxaanu ka mid nahay xisbiga Kulmiye, golaha isbedel doonka Somaliland wuxuu si mug leh u taageerayaa jiritaanka Qaranimada Somaliland, Nabad gelyada , Midnimada ummada , cadaalada hir gelinta dastuurka qaranka, ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta iyo ku dhaqanka hanaanka dimuqraadiyadaʼʼ.
Mudane As-hari ayaa xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in koox yari leedahay, aanu ahayna xisbi Qaran oo dimuqraadi ah, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ʽʼ Haddii aanu nahay Golaha isbedel doonka Somaliland, markii aanu ku soo biirnay xisbiga KULMIYE, waxaanu doonaynay in la wada tashado, wax wada yeelano, waxna isku ogolaano, waxaanu rabnay in xisbiga kulmiye noqdo, xisbi Qaran oo sharci iyo nidaam ku kala danbeeya, aan marnaba noqon xisbi qof ama koox yari leedahay, waxaan muran ku jirin in dalkan Somaliland u baahan yahay isbedel dhab ah, mid siyaasadeed, mid dhaqaale mid bulsho iyo hogaamiye u diyaar ah in uu hir galiyo isbedelka ay ummadu u baahan tahay, hebel hebel ku bedel, xal maaha, ujeedadaydu ma ahayn in qof qof ku bedelno, balse waxaanu doonaynay, in aanu bedelno nidaamka qaloocday, oo dhan min heer xisbi ilaa heer Qaran, in seeska loo dhigo siyaasad cusub, istaraatiijiyad cad iyo hogaamin daacad ah, oo u horseeda ummada Somaliland hab nololeed dhalin kara, nabad cadaalda shacqo iyo horumar.
Xafladii isbedel doonka loo qabtay 18/03/2008, wuxuu Axmed Siilaanyo ku balan qaaday isla maalintaasi laga bilaabo in xisbiga kulmiye yahay xisbi isbedel doon ah oo hir gelinaya waxay ummadu doonayso iyo in uu xisbigu yahay mid tallo wadaag ah iyo wada tashi ay mabaadiisu tahay , golaha isbedel doonku wuxuu suura galiyay in uu qabsomo shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye taasi oo ku qabsoomay muuqaal qurux badan oo heer sare ah oo si nabad gelyo ah u dhamaaday , 29-kii bishii Marchʼʼ ayuu intaasi raaciyay Mudane As-hari.
Gudoomiyaha Isbedel doonka Habar Awal waxa uu ku tilmaamay shirweynihii labaad ee Xisbiga kulmiye mid daah furay in koox yari afduubtay isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Qaabka ay u hogaaminayay shirweynaha labaad wuxuu daah furay in koox yari afduubtay shirweynihii iyo taladii xisbiga, dantooda gaarka ah ka hormariyeen dhanka xisbiga iyo danta guud ee dalkaba, waxay ahayd tallo aan si qoto dheer looga baaraan degin oo daraasad rasmi ah laga samayn oo adhaxda lagaga jabinayo xisbiga taladiisa, kooxdaa yar ee talada xisbiga afduubtay waxa ay iska lumiyeen fursad dahabiya oo hore u soo marin dibna u soo marayn, kooxdaa yari oo dan gaar ah lahayd, ayaa si toos ah awood maroorsi qaawacan ku samaysay xisbiga kulmiye wixii xisbiga nagaga soo baxayna waxay ahayd kala dheeri.
Mudane As-hari waxa uu sheegay in ay ku hungoobeen Xisbiga, ayna hadda ka joogaan fara madhan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Wixii talo, Nidaam, Amaano iyo Soo jeedin golaha isbedelku ku soo bandhigay hogaanka xisbiga dhag jalaq looma siin, waxay ku gafeen sharaftii, karaamadii, garaadkii iyo garashadii golaha isbedel doonka ergooyinka xubnaha xisbiga iyo taageerayaashoodii, markii shirku dhamaaday muddo ayaanu aamusnayn bil iyo dheeraada bal in wax lagu saxo, waxaanu casuunay gudoomiyaha iyo intii ugu dhow dhowayd si aanu u saxno talada , Gudoomiyuhu marnaba casuumadayadii muu aqbalin, noomuuna iman.
Golaha isbedel doonku waxa ay u soo jeediyeen hogaankii lagu soo doortay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye in sida ugu dhakhsaha badan isku casilaan, hogaankana dib loo doorto, isagoo arrinaasi ka hadlayana waxa uu yidhi golaha isbedel doonku waxay u arkaan hogaankii shirweynaha lagu soo doortay mid xaaraan maqdac ahaa oo aan si xalaal ah loo dooran , goluhu wuxuu ku talinayaa in dhamaan hogaankii sida afduubka ah loogu soo doortay shirkii is wada casilaan , in xisbiga hogaankiisa dib loo doorto , si xor ah oo xalaal ah , iyo xubanaha xisbiga kulmiye gudo iyo dibadba ay garab nagu siiyaan isbedelkaasi wanaagsan ee aanu doonayno in aanu ku taagno xisbiga kulmiye.
Isaga oo la hadlaya xisbiga kulmiyana waxa uu yidhi ʽʼhogaanka xisbiga KULMIYE waa in uu iska ilaaliyaa tallaabo kasta oo khal khal gelin karta Nabad gelyada iyo deganaanshaha , waxaanu ka codsaynaynaa in madaxweynuhu sameeyo tanaasul isaga oo muujinaya in uu hayo masuuliyadii qaranka oo aanu la ficil tamin xisbiyada mucaaridka iyo in uu si afgarad ah ku dhameeyo khilaafaadka , xisbiyada mucaaridkuna waa in ay ku dhaqmaan si xilkasnimo iyo dul qaad leh.
ʽʼDalka cidna xoog kuma haysan karto, cidna xoog kuma qabsan karto, waxay u baahan tahay in si maslaxada ummadu ku jirto miiska lagu xaliyo, cida amaanka, Nabad gelyada sheegan karta oo cid gaari ma jirto, waxa nabad gelyada u halgamay oo dhisay shacbiga Somaliland, iyagaanka amaankooda iyo nabad gelyadooda ilaashanaya, cid kaga ciyaari kartaana ma jirto ayuu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyay Gudoomiyaha golaha isbedel doonka Habar Awal.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mudane Sulub Jaamac oo ka mid ah xubin ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxana uu hadalkiisii ku bilaabay ʽʼwaxa aanu ka digaynaa in talada xisbiga ay cid gaar ah gacanta u gasho, talada waxa aanu leenahay miiska ha la dhigo, dadkuna ha wadaago , xisbiguna ha wadaago, cid gaar ah in ay gacanta ugu jirto ayaanu diidanahay.
Mudane Sulub waxa uu sheegay in xisbiga kulmiye uu yahay xisbi reernimo, hase ahaatee aanu ahayn xisbi dimuqraadi ah, waxana uu sheegay in aanay hogaanka xisbiga sii fadhiyi doonin hogaan xaaraan ah oo aan sharci ahayn, maxkamadna lala tiigsan doono.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cali Cismaan Cabdi ʽʼCali Xaraaro, ayaa isna yidhi ʽʼWaxa muhiim ah in xisbiga dhisno, sidan uu yahayna ee loo dhigayna aanu ku dhismayn, waxaanu leenahay xisbiga ma dhisna, casaabad ayuu gacanta ugu jiraa, wuxuu u baahan yahay xisbiga in Casaabadaa laga saaro, casaabadan oo xilka dalka qabataa (Waa Xisbiga KULMIYE), dee khatar ayaa la galayaa, markaa waxaanu leenahay, waar xisbigu ha noqdo xisbi la wada leeyahay, oo ummadi wada leedahay, oo nin waliba wixii uu doonayo ka helo.ʽʼ
Somalilandnation.com
Hargeysa/Somaliland






