May 11, 2008
“Faysalow Xukuumaddu Way Meher Santahay, Laydiina Maxlaali-Maayo” Axmed Doob-baje.
Mudane Faysal Ali Waraabe iga gudoon salaanta qiimaha badan ee lagu salaamo Madaxwayneyaasha. Waad ku dhowdahay madaxwaynimo, waad noqon-doontaa haddii Eebe idmo. Iga gudoon salaan kale oo inaadeernimo, tii Suldaanimo iyo tii ugu cuslayd ee seedinimo.
Ha la yaabin, hana dhibsan, inaan fagaraha Warbaahinta hadalkaaga ka naqdiyo, maanta. Fadlan u qaado, siday aniga ila tahay, maskaxdayda kooban, wanaag iyo walaalnimo. U arag inaan is-leeyahay Danta Guud ee Dalka iyo Dadka ayaa ku jirta naqdigan.
Nabigeeni Moxamed (CSW), ayaa xadiis inagu faray: Walaalkaa u hiil gar iyo gar-daraba. U arag inaan isku dayayo inaan xadiiskaas Nabigeena raaco oo ku dabaqo odhaahdaydan. In badan oo aan cadad-lahayn ayaan hadalkaaga u bogay oo ku diirsaday oo ka taageeray meelaha iyo mareegaha dadku ku doodaan. Waligayna marbaan hadalkaaga ka cadhooday oo naqdiyay, markaasna waxaynu isku hortaagnayn Xaflad lagugu soo dhawaynayay mar aad Toronto timid.
Waxaad shirkaas kaga dhawaaqday: “Burcaa Hargeysa ka masayrtay”, aniguna waxaan kuguu jawaabay: “BURCO MA MASAYRTEE WAXII AY MAAGTO WAY MAROOORSATAA”. Waxaan is-lahaa, uga horee oo ka gaadhsii intaan Reer Burcada kale dhagaxantii caanka ahayd sidii roobka u-soo shubin.
Dhowr sano ka dib, maalintii labaad ee aad Burco wax tidhi, anigoo kaa xishoonaya, haddana xanaaqi Reer Burco igu kacay (Ileen reer Burco waxba lagama sheegee!), ayay ina kala furatay Marwo Kinzi Cabdillaahi o jawaab hufan oo hadana haboon, oo ceeb iyo xumaan ka madhan ku siisay. Sidaas ayaynu dhagaxii Burco markii labaad kaga baxsanay. Farxad iyo sacab ayay dadkii meesha joogay la kaceen, iyagoo Marwo Kinzi u mahad-celinaya. Chief Caaqil Aniis Faarax Suusle oo jawaab kale kula soo tiigsanaya ayaan faq ula baxay.
Maantana qoraalkan jawaab-celinta naqdiga ah ee ku saaban Dhawaaqaagii aad ku dhawaaday in dawladda dib loo meheriyo ee maanta ku soo baxay Hadhwanaadnews, iga qabo:
Xukuumada gabadh maaha, haddii se aad ka dhigtay xukuumadda gabadh, jawaabtu waxay ku baxaysaa inaan sidaas u dhigo. Waxaanse ka codsanayaa gabdhaheena iyo haweenkuba inay raali iga noqaan. Hadday xanaaqaana dhee Faisalbaa bilaabay ee xaggiisa cadhada u jeediya ayaan leeyahay.
Faysalow Xukuumaddu Wali Waa Meher Santahay, laydiina maxlaali-maayo. Iyadoo Daahir Riyaale ka cadhootay, oo u diyaar garoobaysa inay iska furto, ayaa hungrigiina yara hakin-kari waydeen oo aydin hareeraha ka gasheen oo kaga qayliseen, intay yaabtay ayay gurigeedii ku noqtay. Laba todobbaad ka dibna, takhtarkii waxuu ku yidhi uurbaad leedahay.
Dabadeed arrintii Golaha Guurtida ayay gaadhay. Labadeena oday ee guurtida ugu culus: Adeer Xaji Cabdi W. iyo Gudooomiyaha Guurtida, Adeer Sulayman-Mulsin Mohamoud Adan ayaa arrintaas ka gudoomiyay, iyagoo sharciga iyo dhaqankeena raacaya.
Xukuumadda sidaas ayaa meherka loogu cusboonaysiiyay.
Sida aynu wada ognahay, ilaa maalintii aynu Madax-banaanida Dalka la soo noqonay, Golaha Guurtida ayaa ahaa Qaadiga Xukuumadda meheriya ama fura. Madaxwayne Cabdi Raxmaan Axmed Ali (Ilaahay Jannada ha-ku waariyee), Golaha Guurtida ayaa ka furay, oo ku meheriyay Madaxwayne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal (Ilaahay Jannada ha-ku waariyee). Markuu Madaxwayne Cigaal hoydayna, Golaha Guurtida ayay ahaayeen kuwii Madaxwayne Riyaale dumaal ku meheriyay. Waa run, in Nadaamka Dimuqraadia ee aynu qaadanay shacbigu yihiin qaadiga oo ay doorasho ku meheriyaan, sidii uu Riyaale muddan dhamaatay ku helay. Has yeeshee marka iyadoon doorasho dhicin mudadii “meher-shardigu” dhamaato, Golaha Guurtida oo mudo kale oo gaaban cusboonaysiiya ayuu xalku yahay.
Waxaan idinku boorinayaa inaa qaylada damisaan, oo aydin suggtaan 9ka bilood ee sidkeedu u dhamaanayo, wax la tiriyay waa yaryihiine.
Wa Aslaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatihii
Axmed Doob-baje
Email: qotonshe@yahoo.com








