May 11, 2008
Deeq-bixiyayaasha oo Arimo la Xidhiidha Dhinaca Farsamada Darteed Sheegay in Aanay Maalgelinayn Hawsha Diwaangelinta Codbixiyayaasha.
Hargeysa, (Harowo) - Deeq bixiyayaasha somaliland ka taageera Habka dumuqraadiyadda oo fadhigoodu yahay Magaaladda Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, isla markaana ka kooban Komiishanka midowga Yurub, Norwey, Britain, Sweden, Denmark, United States of America:
Ayaa war qoraal ah ay maanta soo saareen ku war galiyay Komiishanka Doorashooyinka, Xisbiyadda Siyaasadda, Xukuumadda iyo Bulshadda reer Somaliland in aanay sii wadi karayn taageeradii iyo maal galintii ay ku bixinayeen Diiwaan galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka, taas oo ay sabab uga dhigeen dhawr qodob oo ay qoraalkooda ku xuseen.
Hadaba, warkaa ka soo baxay gudida farsamo ee Somaliland ka taageeraysa hir galinta dimuqraadiyada ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
"Gudida farsamo ee deeq-bixiyayaasha ee taageera habka dimuqraadiyada Somaliland oo kala ah, Norwey, Britain, Sweden, Denmark, United States Of America iyo Commision-ka midowga Yurub, waxay komiishanka doorashooyinka, Xisbiyada Siyaasada, dawlada iyo bulshada Somaliland la socod siinayaan qodobadan:
1. Deeq-bixiyayaashu waxay ka niyadjabeen dib u dhigista doorashooyinka, iyada oo aanay jirin wakhti la isku raacay oo loo mudeeyey in la qabto doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, Madaxtooyada iyo diwaangelinta codbixiyayaasha.
2. Komiishanka doorashooyinka oo aanay xubnihii dhameystirnayn, isla markaana dheeli tirnayn.
3. Marka la eego Siyaasada, Farsamada iyo Sharciga deeq-bixiyayaasha uma suurta galayso inay sidaas ku maalgeliyaan hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha.
4. Deeq bixiyayaashu si kastaba ha ahaatee waxay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageeradooda la xidhiidha hab nabadeedka iyo dimuqraadiyada Somaliland, laakin taasi waa haddii la helo – haddii ay dhameystirmaan xubnaha komiishanka doorashooyinku isla markaana ay noqdaan qaar hawlkarnimo iyo dhexdhexaadnimo ku guta hawshooda – haddii la helo heshiis lagu mudeeynayo doorashooyinka oo qoraal aanu kaga helno gudoomiyaha komiishanka iyo hogaamiyayaasha sadexda Xisbiga Siyaasadeed." Ayaa lagu so oaf-meeray qoraalkaa.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






