May 11, 2008

Cuqaasha Burco oo ku Baaqay Adkaynta Nabadda.

Burco, (Harowo) - Kulan wada tashi ah oo lagaga arinsanayey sidii looga wadda shaqayn lahaa xoojinta iyo ilaalinta amniga gobolka Togdheer oo uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka, kaas oo ay ka soo qayb galay xubno ka mid ah guddida nabad gelyada gobolka iyo inta badan cuqaasha gobolka, ayaa lagu lafa guray xaaladda amaanka iyo kor u qaadista nabad galyada.

Hadaba shirkan oo maanta ka dhacay Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Tog-dheer waxaa gabgebidii uu ku dhamaaday is af garad iyo guul waxayna si wada jir ah ay cuqaashaas iyo maamulka gobolku u soo saareen baaqan:

"Haddii aanu nahay cuqaasha gobolka Togdheer kadib markii aanu shir isugu nimi ayna nagu weheliyeen maamulka gobolka iyo xubno ka mid ah gudida nabad gelyada waxaanu isla garanay kana soo saarnay baaqan.

Anagoo ka duulayna xaalada nabad gelyada gobolka waxaanu isla garanay in cid kasta oo wax u dhimaysa nabad gelyada gobolka ama ka shaqanaysa sidii ay u burbri lahayd waxna ugu dhimi lahayd nabad gelyada gobolka inaan ka yeeli doonin khalkhal iyo fowdo isla markaana aanu meel uga soo wada jeesan doono oo aanu gacan wax kaga qaban doono.

Sidoo kale cuqaasha gobolku waxay ugu baaqeen cuqaasha gobolada kale in ay ku faro adaygaan nabad gelyada yar ee ay haystaan.

Shirkan ayaa wuxuu ka dhacay xarunta gobolka togdheer waxana ka soo qayb galay in ka badan 70 caaqil oo ka mid ah cuqaasha gobolka.

Kulankani maaha kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca gobolkani waxa jiray maalmahanba kulamo u socday guddiyada xaafadaha burco iyo maamulka gobolka.                                 

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com