May 10, 2008

“Waxaan idiinku bushaaraynaa in 15-ka May wax dhibaato ahi dhici doonin” Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, (Harowo) - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in 15-may aanay waxba dhici doonin, isaga oo intaa ku daray in Xukuumadda imika joogta uu Maandate kii ka dhamaaday balse "dib loo meherinayo".

Hadalkaas ayuu gudoomiyuhu kaga dhawaaqay Xaflad loo dhigay arday ka qalin jabisay Mac’hadka culuunta caafimaadka iyo Tababaradda ee Shifo oo ku yaal Magaaladda Hargeysa kaas oo xaflad ay u qabteen dufcadii 5aad ee ka qalin jabisa Mac’hadka uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabana kala qayb galay.

Hadii aynu soo qaadano hadaladii uu halkaa ka yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe waxa uu ugu horayn ka hadalay xafladda waxaanu aad u hambalyo   usoo jeediyay maamulka iyo macalimiinta machadk isagoo ku  ammaanay muddada ay jireen iyo baahida jirta sida ay bulshada uga kaafiyeen, waxaanu  bogaadin u soo jeediyay ardayda qalinjebisay isagoo u rajeeyay in ilaahay la garab galo dadaalkooda, hablaha neeraska ahina naxariis badan muujiyaan.

Eng. Faysal Cali waraabe hadaldiisii waxa ka mid ahaa " qaybtan caafimaadku waa meesha ugu kharasha badan, dalkeenana inkastoo ay inaga baaba’een  wixii la odhan jiray adeega bulshada dagaalkii ka bacdi waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay  kharashka iyo dedaalka ay galiyeen  dhalinyaradani  horumarinta caafimaadka oo aad arkaysaan aaladihii ugu  qaalisanaa qaar ka mid ah oo halkan yaala,  taasina waxay ina tusaysaa in fee-ga yar ee ay ardayda ka qaadaan aanay ku qayilin  ee ay dib u galiyaan machadka,  runtii caafimaadka Somaliland maanta meel aan fiicnayn buu marayaa, illaa intii aynu dalka gobonimadiisa dib ula soo noqonay." Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Mar uu ka hadlayay gudoomiyuhu  dadaalka shacbigu sameeyeen ee dhinacyada horumarinta caafimaadka waxa uu yidhi " waxa hadda inoo muuqata in durba jiil cusub aynu soo saarnay, waanay bilaabantay oo Burco iskuul laba fasal ah baa laga furay,  Edna  wey furtay,  Borama iyo Hargeysa waa laga furay, waxaas oo dhami waa dadaalkii shacbiga,  laakiin ilaa hadda waxa inaga maqan dadaalkii dawlada waanan ka xumahay in shantii sano kaga dhamaatay iyadoon meelna  wax la taaban karo  ka qaban marka laga reebo labadaa mashiin  ee Berbera dabka u shida."  Ayuu yidhi gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Mar uu ka hadlayay yooyootanka siyaasadeed iyo muranka sharciga ah ee dalka ka taagan waxa uu sheegay in aan wax dhibaato ah dhici doonin sidaana lagu bushaaraysto mar arintaa uu ka hadlayayna waxa uu yidhi  "15 May wax ku dhamaanaysa Mandate-kii dawlada waxay ahayd in 16 bisha marka la gaadho madaxweyne cusub la doorto oo dib loo dhaariyo shantaa sano maanta xukuumadu xilka haysay shantii Somaliland ugu nabada fiicnayd bay ahayd wax qalaanqal ahi ma jirin, rabshado may jirin,waxay inagaga dhamaatayna garanmayno  xattaa inay doorashadii wakhtigeedii qabano ayaynu karinweyney.

Midbaanse idiin sheegayaaye  wax dhibaato ah  oo dhici doonaa ma jirto 16ka bisha waa la doodayaa uun, waxaynu leenahay sideynu u sharciyaynaa dawlada  ileen wakhtigii wuu ka dhamaanayaaye, sidaynu xalaalaynaa baanu leenahay laakiin lays dili maayo madaafiicda uu xoghayaha UDUB sheegayna  inagaa iska leh inaynu isla dhacnana haka yaabina. Muranka jirana inaanu dhamaynayno ayaan idiinku bushaaraynaynaa, Bisinka ayaynu qabsanaynaa waanaynu wada tashanaynaa, loona baahan yahay in la xaqiijiyo oo dib loo meheriyo"" Ayuu  Faysal Cali waraabe hadalkiisa ku soo gabagabeeyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com