May 10, 2008
“Shacbiga Somaliland waa u diyaar in ay idiin ku kala saraan codkooda, laakiin diyaar uma noqon karaan in ay dhiig u daadiyaan tartankiina.” Muj. Cali Guray.
Hargeysa, (Harowo) - Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ahaa Mujaahidiintii waaweynaa ee Dhaqdhaqaaqii SNM isla mar ahaantaan xiligan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Hargeysa kaga Hadlay Arimaha siyaasadda, dib u dhaca doorashooyinka, Nabadgalyadda, aragtida dadweynaha iyo marka la gaadho 15-may sida xaalku noqonayo.
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee xiligan dalku ku jiro ayaa ku tilmaamay mid cakiran oo ka dhalatay dib u dhac ku yimiday wakhtigii ay doorashooyinku qabsoomi lahaayeen, taas oo ay sabab u tahay xil gudasho la’aan, balse lagu qasban yahay in dib u dhacaas la aqbalo oo sida xalka loo arko la qaato ee aan sida damaca siyaasigu yahay la raacin, sidoo kale ayuu carabka ku dhajiyay in 15-May cid wax samaynaysa ama qumbula duriye ridaysaa aanay jirin, waxana uu siyaasiyiinta u soo jeediyay inay doorasho u diyaar garoobaan oo shacbiguna diyaar u yahay inay codkooda ku kala saaraan balse aanay diyaar u ahayn buu yidhi inay dhiigooda u daadiyaan tartankooda kursiga, hadaba waxyaabihii uu Mujaahidku shirkiisaa jaraa’id kaga hadlay ayaa u dhacay sidan:
Mujaahid Cali Gurey
Muj. Cali Guray oo ugu horayn ka hadlaya waxa ku kalifay shirkiisan jaraa’id ayaa ku tilmaamay dareen ay ku keentay warwarka shacbigu ka qabaan in xaaladda siyaasadeed ee cakirani nabad galyadda saamayn ku yeelan karto mar arintaa uu ka hadlayayna waxa uu yidhi "Xaaladda siyaasadda ee somaliland sida ay maanta tahay shaki kuma jiro in la odhan karo waa mid cakiran, waxa jira warwar wayn oo ay dadweynuhu ka qabtaan xaaladaasi saamaynta ay ku yeelan karto nabad galyada, waana arintaa taa aan kohday inaan wax ka idhaahdo ee igu kaliftay shir-saxaafadeedkan anigoo ah Cali Maxamed Yuusuf (cali guray) muwaadin reer somaliland ah, una dhuun daloola siyaasadda, xisbi ahaana KULMIYE ka tirsan." Ayuu yidhi Muj. Cali Guray.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka waramaya waxa keenay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ayaa waxa uu yidhi "Waxa kalifay xaaladdan waynu ognahay oo waa Mudo dhaafka ku yimiday doorashooyinkii, golayaasha degaanka iyo Madaxtooyadda, hase ahaatee Somaliland sideedaba waa nin tuur leh, nin tuur lihiina tab uu u seexdo isagaa cid walba ka yaqaana, dhibaatooyinka xaaladdan oo kale ahiina maaha markii ugu horaysay ee Somaliland ay ina soo marto, duruufo ka ad adag oo siyaasadeed iyo nabadgalyo ayaynu soo marnay, waxaynu mar walba kaga dabaalan jirnay ama kaga bixi jirnay, xaaladdahaa ina soo mara oo dhan wado aynu caan inoo ah oo ah xal nabadeed, sidaa daraadeed ma qabo in duruufta maanta somaliland inaga salguurinayso xalkii wadadii aynu ku soo caano maalnay ee xalka nabadda.
Cali Guray oo ka hadlayaa 15-may sida ay wax noqonayaan iyo iswaydiinta dadku ka qabaan ayaa xusay in aanay jirin cid suurtii yoomal qiyaamaha afuufaysaa, isla markaana aanay waxba dhici doonin "Waxay dadku is waydiinayaan 15-ka May marka ay dhamaato, maxay xaaladu noqon doontaa, Anigu waxaan qabaa ma jirto cid suurtii Yoomal qiyaamaha afuufaysaa bisha 15-keeda, Daahir Rayaalana cid intay qori ula tagto odhanaysa ka soo bax Madaxtooyadda ma jirto, wuxuu noqonayaa Madaxweyne mudadiisi sharciga ahayd dhamaatay kursigiina ku fadhiya, waana dhibaatadda ay tahay maaraynteedu mid inoo taala muda dhaafka doorashooyinka iskaga warami mayno sababa badan oo kala duwan ayaa keenay, marka laysku soo wada ururiyana waxaynu odhan karnaa masuuliyad marka laysku soo wada ururiyana waxaynu odhan karnaa xil gudasho la’aan baa u sabab ah inay doorashooyinku xiligoodi ku qabsoomi waayaan."
Dhinaca rajada uu ka qabo in murankan siyaasadeed dhamaanayo oo heshiis laga gaadhi karo ayaa waxa uu yidhi "Hase ahaatee wuu jiraa xal waanu muuqdaa waana lagu jiraa waxaanan anigu qabaa bi idni Allaah in lagu guulaysanayo, in aynu ka heshiino in doorashooyinkaa la qabto. Arin murugsan ama xaajo murugsan sii murginteedu xal uma noqoto, ee waxaa xal u noqda maaraynteeda, imika dhex dhexaadimo way socdaan." Ayuu yidhi Muj. Cali Guray.
Mujaahidka ayaa dib u dhaca doorashooyinka iyo waxyaabaha adkeeyay waxa uu sabab uga dhigay Diiwaan galinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo inagu cusbayd balse imika dhamaanaysa hadii deeq bixiyayaashii garteen in ay joojiyaan maal galintii ay ku bixinayeen mar arintaa uu ka hadlayayna waxa uu yidhi "Arimaha adkeeyay doorashadda ee mar walba dib u dhaca keenana ka sokow arimahan mudada is dhaafka ah waxaa ka mid ah arin inagu cusbayd oo iyadana la yidhi diiwaan gali ku dara inagoon wakhtiba haysan, markaa diiwaan galintii waxa maanta soo baxay in deeq bixiyayaashii maal galinayay ay u arkeen in tahay taasi carqalad ay inaguba soo kordhiyeen, waayo? Waayo aragnimo horana umaynaan lahayn inay inoo hir gali iyo wakhtiga ay inoo hir galayso daraasadda ka horeeyayna ma jiraan, hadii deeq bixiyayaashu kala noqdaan inay maal galiyaan diiwaan galinta oo lacag badani ku baxaysayna waxaan isleeyahay waxaa ka baxaya jadwalkii mudadii diiwaan galinta oo 4-bilood lagu qiyaasayay xaaladaheedu, hadii ay noqoto sidii aynu ku galnay doorashooyinkii hore inaynu ku galno waa laysla soo dhadhawayn karayaa in laga heshiiyo mudada ay qabsoomayaan labaddaa dorashaba."
Cali Guray waxa uu sheegay inay jiraan Muran fara badan oo dhex mara Mucaaridka, Xukuumadda, Xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, kuwaas oo u badan qaar ku saabsan nabad galyadda iyo xadhiga lagula kaco dad kala duwan, waxana uu tilmaamay inuu shakhsi ahaan taageersan yahay in nabad galyadda la adkeeyo oo xaaladda gobolka ka taagani ina farayso balse aanu taageersanayn in taasi isu badasho mid loo adeegsado in mucaaridka lagu cabudhiyo, ama waa sida uu hadalka u dhigaye dad xaq ay leeyihiin doonaya lagu duudsiyo, hase ahaate waa in laamaha amaanka iyo ciidanka loo adeegsadaa buu yidhi sidii loogu tala galay "Mid marka ugu horaysa anigu waan taageerayaa oo Nabad galyadda in intii la doono la adkeeyo waxaba ina faraysa xaaladda guud iyo arimaha inagu gadaaman ee ka socda geeska Afrika oo dhan, waxase iyaduna dhaliil ah oo aan la qaadan karin hadii taasi ku biirto ama loo adeegsado xogagii amni qaranka in lagu cabudhiyo Mucaaridka iyo dad wax ay xaq u leeyihiin oo sharciya gudanaya aanay noqon."
Mr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo la hadlayay siyaasiyiinta ku tartamaya Jagadda Madaxtinimadda dalka ayaa waxa uu yidhi "Mida kale waxaan u sheegayaa anigu shakhsiyaadka ku tartamaya xilalka madaxweynaha u tartamaya, Shacbiga Somaliland Waad ogaydeen waa u diyaar in ay idiin ku kala saraan codkooda, laakiin diyaar uma noqon karaan in ay dhiig u daadiyaan tartankiina doorashooyinka, sadexdii doorasho ee aynu galnayba si wanaagsan oo nabad galyo ah ayay u codeeyeen, markaa tan lafteeda waa suura gal dhibaatooyinkuna way yimaadaan, in aanay tan maanta inagu dhacday inagu dhicin doorashooyinka danbe aynu ka gaashaamano, sidii ay mudada sharciga ah uun wax inoogu qabsoomi lahaayeen waa casharka loo baahan yahay inaynu ka barano waxa maanta ina haysta, oo shan sano ka dib markasta oo doorasho imanayso aanay tan oo kale inagu dhicin.
Dhinaca shacbigana waxa uu Cali Guray ka yidhi mar uu la hadlayay "Anigu waxaan dadweynaha leeyahay ha baqanina, ma jirto wax nabad galyo daro la yidhaahdo, iyo nin xoog ku doonaya iyo nin xoog ku haysanaya."
Muj. Cali Guray oo la waydiiyay sida uu xal u arko isagu? Ayaa tilmaamay in dib u dhac ku yimiday doorashooyinkii, dib u dhacyadaas oo ka dhashay Xilgudasho la’aan, sidaasi daraadeedna dib u dhacyadaasi ay yihiin qaar lagu qasban yahay, laakiin xalku yahay dhexdhexaadinta socota ee gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mr. C/raxamaan Cirro ku jiro in la aqbalo oo qofku siduu doonayo hadii ay u noqon waydo uu aqbalo sida xalku u muuqdo, balse aan si kale iyo wax kale aan lagu doonin oo aan lagu fikirin ayuu yidhi Muj. Cali Guray
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com








