May 10, 2008

Odhaahda Akhristaha: Cilmi Baadhis Lagu Sameeyey Qabiilada Soomaalida.

Qabqablayaasha kala qoqabay dadka ee maanta ka jirra Dalka badankoodu kaaraha ( Tanks ) Ethiopia ayuu midna horsocday midna daba socday Dalka cida laga xoreeyay & Cida loo xoreeyey midna lama yaqaano? Dadka qaarkoodna ma garanaayan waxa laysku haysto iyo halka laysla marayo!

Hadaba, Soomaalida oo ka mida Qoomiyadaha lagu tiriyo kuwa ugu Deegaamada badan ee Geeska Africa oo dhulkuna ka badanyahay kuna coloobay Qabyaalad iyo Qabiil. waxaa lama huraan noqotay mar hadii Qabyaallada aan la dhaafayn in la xuso oo Cilmi baadhis lagu sameeyo Qabiilada.

Hadaba, waxaan qiimaynaynaa Qabiilada iyo qaabka ay u kala duwanyihiin,Qabiiladii hore iyo kuwa maanta. Qabiiladii hore waxay dhalan jireen iyagoo Islaam ah oo Soomaliya waxayna ku kori jireen Dal jaceyl, Diin jaceyl iwm Qabiilada maanta Jiraana waxay dhashaan ooy ay koraan oo waliba ay dhintaa iyagoo Qabiilo ah hadii maanta uu qof dhinto waxaa la yiraahdaa  Qof reer hebel ah ayaa dhintay oo lama yidhaahdo qof Islaam ah ama Soomaaliya ayaa dhintay inta uuna qofku guursan waa nus.( badh ) marka qofku uu gursadana wuxuu noqdaa Reer ku soo biiray Reeraha. waxaan la yiraahdaa Reerkii reer Hebel.

Qabiilkuna markuu kalidii joogo waa qabiil marka uu la bahoobo Qabiilada kalana waxay noqdaan Bulsho is bahaysatay  oo loo yaqaan Ummad, sidaa darteed  Soomaliya  Gobanimada waxay qaadatay Soomaalidii oo wali Qabiil ah oon midoobin .waxaana dhalatay Dawlad 1960kii  oo Qabiil ku salaysan oo Reer baadiye ah.waana halka sartu ka qudhuntay.

Qabiil kaliya oo manaafaacsaday Dalka ma jiro, waxayna ku kala duwanyuhiin korsiinta iwm. waayo? qofna kuma korin somalinimo iyo wadaniyad, hadaba Qabiilada Qudhmuunkooda iyo Qudhunkooda aan qiimaynay waxay kala yihiin sidan:

Daarood: Wuxuu dhashaa Isagoo Somaliya wuxuuna koraa isagoo Dawlada wuxuuna dhintaa isagoo dambiile ah. (waxaana Xaal ka raba Dawladnimo).

Hawiye: Wuxuu dhashaa isagoo Somaliya  wuxuuna koraa isagoo  dadaallaya wuxuuna dhintaa isagoo waxba aan fahmin. (waxaana xaal ka raba Nabad & Hub).

Isaaq: Wuxuu Dhashaa isagoo Somaliya , wuxuu ku koraa  Isaaqnimo wuxuuna dhintaa isagoo hadlaya
(waxaana Xaal ka raba Hadal, Hubsiimo & Qabyaalad).

Digil & Mirifle: Waxay dhashaan iyagoo Soomaliya, waxayna koraan iyagoo tabcanaya( muruqmal ah ) waxayna dhintaaan iyagoo tuugsanaya..( waxaana Xaal ka raba wax soo saar )

Gadabuursi: Waxuu dhashaa isagoo Somaliya wuxuuna koraa isagoo wadaniya wuuna dhintaa isagoo aan la fahmin wuxuu rabo. (waxaana xaal ka raba Aqoon).

Madhibaan, Midgaan, Tumaal, Yixir & Jareer,Baajuun: Waxay dhashaan iyagoo Somaliya waxayna koraan iyagoo dulman waxayna dhintaan iyagoo islaama (muslim ) aakhirana aan Soomaali abaal u hayn. (Waxay xaal ka rabaan Soomali oo dhan ).

Dir-konfureed: Wuxuu dhashaa isagoo Soomaliya waxay koraan iyagoo is cajabiyey waxayna dhintaan iyagoo aan raysamaal haysan. (waxaa xaal ka raba Xoolo iyo Biyo).

Cadcad, Reer Xamar, Barawaani, Shaashi: waxay dhashaan iyagoo xadaarad leh waxayna koran iyagoo Ajanabi isku haysta waxayna dhintaan iyagoo is lugoynaya. ( waxaana xaal ka raba is dhexgal )

Qabiilada Cusub: Amxaar iyo Tirgree:

Amxaar: Waxay dhashaan iyagoo Islaamka neceb, waxayna koraan iyagoo Soomali neceb waxay dhintaan iyagoo is jecel

Tigree: Wuxuu dhashaa isagoo Tuuga wuxuuna ku cayilaa Somaliland, Puntland ,Gaajoland Daaduunland, Qabiilland wuxuuna dhintaa isagoo Ereteria saamaxay.

Yaa Somali u maqan?
yaa u maqan Kilinka 5aad?

Afeef: maan jeclayn inaan Qabiil ka hadlo, ee raali ahaada wakhtiga maanta lagu jiro ayay ka turjumaysaa

Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi) - Holland

Email: farahaden99@hotmail.com