May 10, 2008

Maxaa laga Milicsan Karaa Safarka Xaabsade iyo Weftigiisa ee Boorama?

Boorama, (Harowo) - Siyaasiga Maxamed Cabdi Xaabsade oo hore u ahaan jiray Gudoomiyihii golaha wakiilada Somaliland ee 1993 ilaa 1996kii, wakhtigaa ka dibna ay is diideen M/weynihii Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal.

Xaabsade, ayaa  ka dibna ka mid noqday ragii dhidibada u taagay maamul goboleedka Puntland, ayaa maalmahan isaga iyo wefti la socdaa ku sugan yihiin magaalada Boorama, weftiga la socda ayaa ah rag ay dhamaantood meel ka soo wada jeedaan Xaabsade xaga haybta Soomaalidu isku taqaan.

Hadaba, waxaa maalmahan ku soo baxayay wargeysyada Somaliland iyo shabakadaha Internetka qaarkood warar sheegaya in ay arimo siyaasadeed safarka Xaabsade u weheliyaan, taas oo si toosa loo abaarayay in loo wado xilka Gudoomiyaha Golaha Guurtida, balse warkaas ay ka biyo diideen duqayda ay martida u yihiin weftiga xaabsade.

Weftiga uu hogaaminayo Xaabsade waxay booqdeen meelo ka ay ka mid yihiin Jaamacada Camuud, Dugsiga Dhegoolaha iyo Indhoolaha, Shirkada Biyaha ee SHABA iyo Cusbtaalada magaalada, dhanka kale waxay is arkeen duqayda iyo waxgaradka kale ee magaalada Boorama, dhamaanba shirarkaas iyo meelaha ay marayeen lama socon saxaafadu, sida weftigu hawlahiisa u watayna waxay ahaayeen si taxadir ku jiro, waxa intaas weheliyay xubnaha weftigu ka koobnaa oo dhamaantood aan ahayn rag JAADKA cuna, sidaas awgeedna meesha waxa ka baxsanaa kulanka qayilaada.

Xubnaha weftiga oo la filayay in ay maanta saxaafada ka hawlgasha Awdal la hadlaan ayaan suuragalin, mar aan damacnay in aan waraysanana waxay noo sheegeen in ayna diyaar u ahayn in saxaafada la hadlaan, balse laga warsado warkooda xubnaha soo martiqaaday, isla xubnihii waday weftiga laftooda waxa noo suurageli weyday in aan war ka helo, waxaana dhacday in aan is heli weyno.

Hadaba, si kasta oo ay tahay xaalada safarka weftiga xaabsade hogaaminayo, waxay dad badani isweydiinayeen sababta keentay wakhtigan weftiga beelaha bariga Somaliland ee xaabsade wado, inta badana waxaa la tuhunsanaa soo noolaynta isbahaysigii USP ee 1960 dhexmaray beelaha darifyda, taas oo la sheego in ay keentay is cajabin ka timid beesha dhexe oo ayna ku xisaabtamin beelahaas, waxase la tilmaamaa in isbahaysigaas uu baa’bay isku darsankii labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur, wakhtigaas oo ay reer L/caanood raaceen beerlaxawsigii walaalkood. wakhtiyo dambe oo la damcay in la soo nooleeyo isbahaysigaas oo ahayd wakhtiyadii Siyaas Bare ayaa suuro geli weyday, ugu dambayntiina waxay noqotay in reer Awdal ay samaystaan ururkii SDA, reer Soolna ku hadhaan USP. halkaasna waxa ku soo afjarmay tuhunkii isbahaysi ee ka dhaxayn jiray labadaas dhinac.

Imika iyo haatan oo hogaanka Somaliland uu hogaaminayo Daahir Rayaale oo ka soo jeeda Awdal, isla markaana siyaasadu ku saaciday in Soola soo raacdo oo siyaasiga Xaabsade hormood ka noqdo kasbashada L/canood oo mudo noqotay meel loo mari la’aa Puntland, isla markaana wakhtigii uu tegay L/caanood Rayale uu ku sigtay in naftiisa uu waayo, ayaa waxa mucjiso noqtay safarka xaabsade in wax la iska weydiiyo, safarkaas oo noqday mid ka gedisan kuwii gobolada kale, sababtuna tahay in loo arko unug siyaasadeed oo cusub amase in siyaasiga xaabsade iyo weftigiisu ay la gorgortamayaan m/weynaha beeshiisa, si ay u helaan mansabyo badan oo laga qaaday wakhtiyadii ay saaxada Somalind ka maqnaayeen, dhawaan waxa loo magacaabay laba gobol, waxa kale oo la naawilayaa in la siiyo xilal wasiiro oo miisaan leh, Hayadaha madaxa banaan iyo meelo badan oo kale, waxaan ka maqnayn meesha xilka maxkamada sare oo ay hayn jireen. hawsha dhamaanteed ayaa ku soo afjarmaysa xisaabtan ah sidii beelahaasi u heli lahaayeen sedkii ay ku lahaayeen Somaliland.

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: hashimgoth@hotmail.c