May 9, 2008

Madweyne Daahir Rayaale oo Tacsi U Diraya Qoyskii iyo Eheheladii uu ka Baxay (A.u.N) Marxuum Sicid Maygaag Samartar.

JAMHURIYADDA SOMALILAND
Madaxtooyada Somaliland - Date: 08/05/2008
Dhambaal Tacsi Madaxweyne

California Alle ha u Naxariistee Magaalada California ee cariga Maraykanka ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Marxuum Siciid Maygaag Samatar oo ahaa Gudoomiyihii ururka SOPRI.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin  waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Siciid Maygaag Samatar  oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka

Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay Ololihii Aqoonsiga Somaliland iyo Mashaariic badan oo uu ku taageerayo  Waxbarashada Somaliland.

Marxuum Siciid Maygaag Samatar  waxa uu Gudoomiye ka ahaa Ururka SOPRI oo kaalin  weyn ka qaatay u sahlida  Somaliland ee xidhiidhyada Dibada.

Madaxweynuhu waxa uu  ilaahay uga baryay inuu Naxariistii Jano Ka waraabiyo , qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin.   ………    Aamiin………Aamiin

                                             Allaha U Naxariistee Marxuum Siciid Maygaag Samatar oo La Hadlaya Jaaliyadda Somaliland ee Magaaladad Colubus, Ohio, USA

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland