May 8, 2008
Nin ka Duday Distoorka Iyo Sharciga diintii ka Carrawye - Qaybtii 2aad
Marka hore saxitaan. Nin maqaalkan qaybtiisii hore akhriyey ayaa tuduc aan ka soo qaatay maansadii ta’leeda ahayd ee Xaaji Aadan Af-qalooc ii soo saxo oo yidhi sidan ayuu ahaa:
“Haddaad adigu tuur leedahay tootir iyo qaallo cid kaleeto in aad toosisaa waa tu aan dhicine.”
Somaliland, marka doodo iyo muran siyaasadeed uu dhashaba, kooxaha halganka uga jira in ay dalka hogaamiyaan, waxay cuskadaan waxyaabo aan ku salaysnayn distoorka. Guurtiduna had iyo jeer waxay cuskanayaan xeer iyo qodobo tirsigoodu ku xusan yahay distoorka.
Marka qayla dhaanta, sarwaxan, iyo bulsho kicinta ay cirka ku shareeran, ee baraha Internetyada weeraro afka ah taageerayaashu isdhaafsaadan, axsaabta mucaaridka doodoodu waxay iskugu soo biyo shubataa dhexdhexaadin, Madaxweynaha oo soo hor fadhiista iyo xeer jajab in lagu dhameeyo muranka. Taasi oo macnaheedu yahay distoorka innaga dhaafa oo arrinta ha la mustafeeyo. Nin meeli u cadaha, meeli ka madawe, waxaad moodaa in ay distoorka saluugsan yihiin.
Murankan u danbeeyey ee kordhinta muddada xilka Madaxweynaha iyo M/xigeenka, waxaa keliya ee ay cuskanayaan waa Meey 15da ayuu ka egyahay xilkoodii, islamarkaana waxay qirayaan in aanay doorashadii qabsoomeen, xilligii hore ee loo qorsheeyey, ee ku salaysnaa in ciddii ay dadweynuhu soo doortaan, xilka kala wareegto kuwa jooga 15 Meey. Waxaa kale oo lala waafaqay dhexdhexaadintii. Taasi oo Cabdiraxmaan xilkeedii dhabarka loo saaray. Gartidiisiina waxaa soo ifbaxaysa in aanay ka wada qoslin dhinacyadii ishayey.
Haddaba, labada hogaamiye ee xusbiyada mucaaridka la tashiga golayaashooda ayaa ku yar. Waana sobobta mar walba looga gar helayo. Wada tashi xusbi ayaan jirin xagooda, kuwa kalana wada tashi ayay samaynayaan, oo iyaga oo ka soo baaraan dege oo soo axadhey, oo aan distoorka il duufin, ayay go’aan midaysan soo saarayaan. Waana sobobta keeneysa waan qanciwaayaan distoor iyo dhexdhexaadin midna.
Xusbiyada mucaaridku ilaa hadda waa quruurad madow oo aan wax ku jira la ogeyn, oo mid waliba nin keliya is hor wado. Si loo arko wax ka jira quruuradan madaw, labada hogaamiye waa in ay soo dhisaan Golaha Wasiirada dahsoon (shadow ministers) oo u dhigmaya wasiirada dawladda haatan jirta. Xalaali waa iftiin eh, waa in wasiirada jira oo dhan, wasiiradii dhigooda ah, la hawlgeliyaa. Dadkuna way sii kala baran doonaan, markuu wasiir dahsooniba, u jawaabo wasiirka dhigiisa, oo ay suurtogasho murtida ah gadhba gadhbaa la tusaa. Culays iyo miisaan bay yeelanayaan, oo way ka fiican tahay qof keliya oo isaguuni wax walba ka jawaabaya, oo ku dhigiisa ah iyo ku aan dhigiisa ahaynba u jawaabaya.
Haddii xubnaha ururku taa ka dalban waayaan hogaamiyahooda, iyaga ayaa dimoqraadiyadii iyo axdigiiba furaya, oo u fasaxya in uu siduu doonaba yeelo, iyaguna durbaan daba tumaan. Sidaana waxaa ku dhaboobeysa fikrada ah dadkaa amma beelaha ayaa abuura kelidii taliyaha.
Markuu xilka qaranka qabto waxaa suurtagala ah in uu cid walba ku wacad furo oo uu noqdo kelidii taliye qaran oo macangaga oo idinka laftiina in uu isku lisa, beelnimana dhufays iyo ateero ka dhigto, ilayn muddo dheer ayuu xusbiga kelidii ka talinayey oo aan dabadii la baanine. Xubnaha xusbiyada ee dimoqraadiyada iyo distoorka danaynayaa, muxaafid iyo mucaaridba, horta waa in ay iyagu iska bilaabaan oo ku dhaqmaan oo xusbigooda laga arkaa shuruudihii dimoqraadiyada, in uu hirgeliyey iyo inkale, sida guurtida oo kale.
Hamud Ducaale
Email: huluuq@hotmail.com







