May 7, 2008

Su’aal: Siilaanyo Rayaale Miyuu Ka Tariikh Wanaagsan Yahay?

Waxaan salaamayaa dhamaanba akhristayaasha sharafta badan iyo waliba bahda Harowo.com oo runtii si fiican nooga haqabtirtay wararka dibada iyo gudaha dalkaba. Intaa ka dib waxaan maanta doonayaa inaan woxoogaa is yara bar bar dhigo siyaasada madaxweynaha dalka iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mr. siilaanyo, taas oo dad badani u haystaan in siilanayo ka taariikh wanaagsanyahay Mr. Rayaale.

Shaqsi ahaan  anigu labada mudane midna aqoon gaara uma lihi laakiin waxaan ku kala saari karaa wax qabadkooda ama heerka ay ka taaganyihiin taariikhda somaliland, mida kale ma doonayo inaan ka hadlo  shaqadii ay labadoduba u hayeen dawladii siyaad barre, waayo way u soo shaqeyeen labada mudaneba, midna wuxuu  ahaa wasiir midna wuxuu ahaa NSS.

Hadaba, markii aan sameeyay daraasad waraysiyona aan layeeshay dad badan oo aad ugu dhow dhow labada mudane, ayaa waxa ii soo baxay arimo dhowr ah.aynu hadaba ku yara horayno mudane madaxweynaha  dalka waa dahir riyale kahin,mudadii uu xilka hayay waxa ka hor yimid arimo dhowr ah oo aan sidaa u fududayn, laakiin madaxweynuhu taloyin badan oo uu qaatay iyo waliba siyaasadiisa oo qunyar socod ah ayaa u saamaxday iluu  ku guulaysto xalintooda.

Dulqaadka iyo samirka Madaxweynuhu muujiyey waa mid cusub  oo aan weligeed hore loogu arag hoggaanka siyaasadda  ee guud ahaan geyiga geeska africa. Hadduu yahay nin dictator ah ama yahay nin macangag ah, nabadda Somaliland halis bay geli lahayd, waxayna ku dhici lahayd god aanay weligeed ka soo bixi karin.

Halkii uu ummadda uga horseedi lahaa jid ay ku halaagsamaan oo mixnad  madaxa la galaan , Madaxweynahu wuxuu  door biday inuu isagu dhabarka u rito wixii mushkilad ah oo dhan. Dadka oggol munaaqishada,ama wada tashiga, xataa ma aqbali karaan ijaafada iyo deelqaafka ka imaanaya Siilaanyo oo dadku ay u hanweynaayeen, waxaana ay tani ka luminaysaa wax taageero ah inuu ka helo dadweynaha oo hadda u arkaya inuu yahay nin seef la bood ah.

Waxa kale oo jirta in madaxweyne Rayaale iyo xukumadiisu suura galiyeen wax yaabo badan oo la taaban karo dad badan baa is way diiyay maxay qabteen xisbigan udub laakiin wax yaabaha lagu  amaano xisbigan udub ama ay qabteen waxaa ka mid ah.

In madaxweyne Rayaale ku amaananyahay sinaanta iyo dimoqraadiyada ka jirta somaliland, taas ay u sababyihiin xisbigiisa Udub.

In ay xukuumadu u dhabar adaygtay wax kasta oo kaga yimaada dadka iyo  waliba xisbiyada mucaaridka ah taasina ay tahay dulqaad siyaado ah marka dib loo eego 16 sanadood ee  ina soo dhaafay.

  In ay dad weynaha u adeegeen muujiyeena wada shaqayn wacan iyo waliba xilkasnimo joogto ah.

•  In ay isku soo dhaweeyeen shacbiga xalaasha ah ee somaliland kaas oo ay soo kala dhex martay dhibaatooyin aan la soo koobi karin laakiin   xukuumadu ay ku dadashay sidii ay iskugu soo dhaweyn lahayd kuna guulaysatay.

•  In maanta sababta keentay in aduunyadu u soo jeedsato somaliland ama ay amaan badan u soo jeediyaan ay tahay dadaal ka yimid xukuumada talada dalka haysa iyo waliba madaxweyne riyale  oo geed dheer iyo geed gaabadba u fuulay si uu uga iibiyo adduunka qadiyada somaliland.

Siilaanyo oo ah nin magacweyn ku leh taariikhdii SNM,  ayaa laakiin isagu waxa uu yahay nin dad badani u hanweynaayeen, si fiicana uga soo qayb qaatay halgankii lagaga soo horjeeday xukuumadii siyaad barre,laakiin waxaa mar kaliya kalsoonidii dadku u qabeen, ay kala noqdeen markii ay arkeen habka uu wax ku doonayo oo ah habqabiil, intii hadaba uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye mudane siilaanyo, wax nabad galyada somaliland khalkhalgaliya mooyaane wax kale lagama hayo duqa,dadka siyaasada somaliland indha indheeyaana, arintaa way la yaabanyihiin, waayo waxay arintiisu noqotay ku jiqsii,waxaan maalin la kulmay nin wayn oo ka mid ah masuuliyiinta somaliland waxaanu ii sheegay inaanu siilanayo happy ku ahayn in ciidamada qaranku qabtaa sool,markii aan waydiiyay sababta waxa u iigu jawaabay siilaanyo wuxuu u haystaa guusha  u soo hoyatay somaliland inuu ina riyaale iska leeyahay,aad baanan arintaa ula yaabay.
 
Hadaba, labada  mudane  aad bay u kala duwanyihiin. marka la eego halgankii SNM ee lagaga soo horjeeday siyaad bare, waa hubaal oo siilaanyo kaalin muhiim ah ayuu ka qaatay,(in kasta oo rag badan oo SNMtii ahaa aan la kulmay oo runtii hadalo naxdin leh ay ii sheegeen oo anaan manta doonan inan halkan ku soo bandhigo waayo sir badan bay ii sheegeen, oo ay ka mid tahay inuu siilaanyo diridhaba ku tumanayay oo uu siyaasada SNM uu dhibaato  badan soo gaadhsiiyay, ragga aan la kulmay ee SNMta aha runtii qaar kood waabay iga cadhoodeen,laakiin SNM waxay dhashay somalialnd.

Xataa sarkaaladii sare ee maraykanka ahayd ee Jendai Frase, oo dalka timid siilaanyo hadalo uu ku yidhi shacbiga somaliland happy kumay noqon. waana arin aad looga xumaaday, hadii aan carabka ku yara dhufto wax yaabihii uu ku yidhi waxaa ka mid ah "in somaliland maanta aanay ictiraaf diyaar u ahayn oo ay dhexdooda ka taagantahay khilaaf wayni". Taasina waa ceeb tii ugu wayneyd ee u sameeyo siilaanyo waxanay  dad badanb oo reer somlailland ah ku noqotay waji gabax,hadala kale ee aan ka wada dharagsanahay ee uu siilaanyo ku hadaqo aad bay u badanyihii oo maaha kuwo qoraal lagu soo koobi karo.
 
Hadaba, guntii iyo gabgabdii dad badan baa is waydiiya siilaanyo iyo ina riyaale keebaa somaliland u wanaagsan, anigu waxaan leeyahay markay noqoto somaliland dee ina riyaale  cid u dhaanta malaha, lakaiin siilanayo hadii uu somaliland dan ka leeyahay maanta waxaas oo hadalo is burinaya kumuu hadleen, sidee mida kale loogu aamini karaa mudane sidaa u bur burinaya dalkiisa. inuu u soo halgamay shaki kuma jiro, oo cabdi raxmaan tuurba (AHU) waa soo halgamaya hadana waa kii ilaa xamar isa sii daayay, markaa waan soo halgamay  dee looma baahna waxaa loo bahaanyahay in aad siyaasada dalkaaga  aad ka qayb qaadatid oo aad somaliland wanaageeda ka shaqaysid, taasaana keentay in uu Siilanayo isagoo mujaahid ah doorashada lagga adkaado waayo  dadku waxay rabaan in somaliland meel fiican gaadho waxaana leeyahay somaliland gull iyo gobonimo.

Hoodo Maxamed Axmed

Leeds University of Culture and
International Relations

Email: hoodomaxed@yahoo.com

Related Entries