May 7, 2008
Odhaahda Akhristaha: Talo Ku Socota Geesi C/Raxmaan Aw-Cali Faarax
Mudane C/Raxmaan Aw-Cali Faarax, salaanta Islaamka (Asalaamu Calaykum), ee sharafta leh kadib. Sida ii ah caadada, (oo laga yaabo inay dadka qaarkood rumaysan waayaan) ma jiro haba yaraatee cid igu dhiiri galisa ama ii dirta ama an kala tashado kolba wixii an rabo inaan wax ka qoro, oo kaskayga iyo kashkayga ayaa ii dira.
Qormadani maantana, waxan iska jeclaystay inaan ku xuso geesinnimadaada, kuugunna soo gudbiyo wixii talo iyo tusaale karaankayga ah, ee an kugu biirsan karo, waa hadiiba ad iiga baahantahay wax talo ahe.
Mudane C/Raxmaan; waxay ila tahay in, Geesiga la sheego marka lagu dabbaqayo dhaqanka Soomaaliyeed, uu kala yahay labo nooc:
(1). Geesi Tol U Baahan
Kani waa geesi kasoo dhex baxay tolkiisa oo macnihii tolkiisu soo saareen, kuna xidhan taageeradooda iyo talooyinkooda. Waa geesi mar walba ku xidhan tolkiisa ama dadkiisa oo meel la jooga, manfac iyo maamulna la wadaaga. Waana geesiga marnaba an ka maarmin tolkiisa oo iyaga fadligooda ku ah geesi. Balse laga yaabo inuu kalidiis meel kasoo bixi Karin. Geesiga noocan ahi marka uu tol waayo isna wuu gaa-gaxaa oo wuu dumaa. Tol la’aan iyo talo la’aan ma fogaan karo, tolkaa dumin kara, tolkaana dhisi kara.
(2). Geesi Tol U Baahnayn
Geesiga Labaad, waa midka isagu iskii isku keena oo tol iyo tol la’aanba dhagax iyo buur jiidhi kari, inta badana an u baahnanba tol. Waa geesi dadka hortii baraaruga oo meel fog wax ka arka, sidaa daraadeedna geesinimadiisu ku koobnaato kalidii, maadaama uu dadka kale ka horreeyo. Geesiga noocan ahi isagu wuu dhisi karaa tolkiisa hadduu rabo wuuna dumin karaa, hase yeeshee tolku isaga ma dhisi karaan mana dumin karaan, oo isagaaba isku filan.
Hadaba mudane C/Raxmaan, waxan tuhmayaa inaad tahay geesiga nooca labaad ee kalidii is keena, tolna an u baahnayn, balse isagu tolkii dhisi kara, dumina kara.
Bulsho weynta reer Awdalna way ku yar yihiin geesiyaasha noocaagaas oo kale ah. Waa faro ku tiris, waxan odhan karaana waa adiga iyo dhawr nin oo kale oo kusoo raaci kara, sida saaxiibkaa Idris Xasan Diiriye..iyo dhawr kale. Dadka hortii ayaad baraarugteen oo ad soo jeeddeen. Halkii ad ka toosteen 40 sanadood ka hor ayay dadkeenu imika kasoo tooseen, is fahmina maysaan.
Sheeko an beryo dhexdaasi ah maqlay ayaa waxay ahayd: inuu jiray nin waalan balse maalin uun la arkay isagoo aad u labisan oo aamusay oo qurux badan aayarna iskaga socda. Kadibna waxa la weydiiyay, goorta uu fayoobaaday. Ninkaasu wuxu ku jawaabaybaa la yidhi, “anigu ma fayoobaan oo sidaydii hore aynuubaan iska ahay, halkaygii horena waan iska joogaaye, laakiin dadkii oo dhan ayaa imika iyagu isoo wada gaadhay oo wada waashay, oo ad garani laadihiin”!
Sidaasi iyo si le’eg ayay maanta reer Awdal soo wada baraarugeen oo dadkii horey u toosay ee sidaada oo kale ahaa, ay u soo gaadheen. Sidaa daraadeed kula yaabi maayo haddaad siyaasadii iyaga u bannayso ama ay ku hafiyaanba. Waxanse kugula talin lahaa qodobadan soo socda oo an jeclaan lahaa inaad intii kuu dhadhanta ad ka qaadato:
In haddii ad tahay geesiga an ogahay inaad tahay ee isagu iskii isu keenay anad maanta dib ugu soo noqon tolkaa oo iyaga anad waxba weydiisan. Balse dadkii ad awelba kartidaada wax kaga goosatay ad iskaa hadana uga goosato cadkaaga, adigoon tol iyo reer toona magac ku doonayn.
In haddii ad rabto inaad siyaasadda Kulmiye ku sii dhex jirto oo mustaqbal iyo magac weyna ku sii lahaato, ad isku soo sharraxdo jagada madaxweyne oo loollan ad la gasho Siilaanyo laftarkiisa mar haddii ad isku mabaadii iyo jabhad ahaydeen. Balse anad loollan u galin jagada madaxweyne ku xigeen, taasi oo meel foolxun ku dhigi doonta, iyo tolkaa oo fashilma.
In haddii ad rabto inaad tolkaa kasoo dhex saarto geesiyaal oo ad ka dhigto geesiyaal, ad kusoo noqoto gobolka Awdal/Salal gudihiisa, iskagana soo tegto Hargeysa. Waxan aaminsanahay inaad Awdal iyo Salal labadaba kaga magac dheeraan doonto Madaxweyne Daahir, haddii ad maanta dhex timaaddo, oo muddo dheer baad ka maqnayd dadkaagee, ad iyaga ug faa’iidayso geesinimadaada iyo fiiradaada dheer. Meeyar ad ka noqoto Salal ayaa kaaga sharaf badan madaxweyne ad ka noqoto Hargeysa. Inta cusub ee imika soo baraarugtay u dhaaf siyaasadda Hargeysa, adiguna usoo weydaaro Awdal.
In haddii ad rabto inaad siyaasad cusub biloowdo, ad ka biloowdo xusbi Awdal leedahay oo siyaasadeed oo hogaanka ad u qabato. Haddii lays cafiyay oo SNM la cafiiyay, oo qaran lala wadaagay, siyaasadna lagu walaaloobay, qofka ugu horreeya reer Awdal ee caf iyo saamax naga mudan waa adiga. Ma jirto sobab loo odhan karo, Isaaqii SNM ahaana waan cafinaynaa, Samarroonkii SNM ahaana ma cafinayno, taasi macquul ma aha. Sidaa daraadeed isku day inaad xisbigii SDA kasoo tunto boodhka, siyaasiyiin cusbna ad tobabarto oo macalin adigu aad u noqoto.
Mudane C/Raxmaan, afartaasi talo ayaan kaaga tegayaa, iyo Nabad iyo Caano
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
(All Boon - AB)
Email: hiildan@yahoo.com







