May 7, 2008

Laash ay Saarnaayeen Laba Nin oo ku Soo Caaryey Xeebta Lughaya.

Boorama, (Harowo) - Laash nooca kaluumaysiga ah oo ay saaranaayeen laba nin ayaa ku soo caaryey xeebta magaalada Lughaya, Labada nin oo ah Soomaali waxay u sheegeen ciidanka nabadgelyada ee Lughaya in ay ka soo kicitimeen magaalada Mukule ee xeebta wadanka Yamen.

Waxayna intaas ku dareen in ay ahaayeen kaluumaysato, sida ay ii xaqiijiyeen ilo ku dhawdhaw ciidanka Booliska ee baadhista dambiyada ragaas lagama helin wax hub ah oo ay wateen.

Balse sida uu u sheegay Shabakada wararka ee Harowo.com taliyaha ciidanka Booliska ee Awdal Cismaan Warsame wuxuu ku sheegay in ay ragaasi ahaayeen niman mudo ku go’doonsanaa bada gudaheeda ka dibna laashkii ay wateen kula soo ceeryay xeebta magaalada Lughaya, hadana waxa la keenay ayuu yidhi labada nin cusbataalka magaalada Boorama, waxaana ka muuqda diiftii ka soo gaadhay mudada ay bada dulsabaynayeen ayuu yidhi Taliye Cismaan Warsame(Hary).

Labada nin ayaa ah niman u dhashay beesha Jareerta ee degta k/Soomaaliya, ilaa hadana lama garanayo sababta ay uga yimaadeen xeebaha wadanka Yamen, Dhanka kale war lagama hayo markooda hore meesha ay degenaayeen wadanka Soomaaliya. waxa kale oo aan la ogayn in ay ahaayeen tahriibayaal.

Si kastaba ha ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in laash kale oo aan dad saarnayn ku soo caaryey isla xeebta magaalada Lughaya.

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, JSL

Email: hashimgoth@hotmail.com

Related Entries