May 7, 2008
Hay’adda IPRT oo Xubno Ka Mid ah Shaqaalaha Barlamaanka [Wakiiladda iyo Guurtida] Aqoon korodhsi u Geysay Dalka Ethiopia.
Hargeysa, (Harowo) - Xubno ka mid ah Shaqaalaha Golayaasha Baarlamaanka somaliland [Guurtidda iyo Wakiiladda] ayaa maanta socdaal aqoon korodhsi la xidhiidha dhinaca shaqadda ah ugu baxay dalka Ethiopia, kuwaas oo maanta galinkii danbe ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Magaaladda Hargeysa.
Socdaalka Aqoon korodhsiga ah ee shaqaalahan loogu diray dalka Ethiopia oo ay soo qaban qaabisay Haa’yada IPRT waxa uu qaadan doona mudo 7-cisho ah, halkaas oo shaqaalahani ay wax ka soo baran doonaan sida ay u hawl galaan hawl wadeenadda dhigooda ah ee ka shaqeeya barlamaanadda Ethiopia iyo ka midowga Africa.
Xubnahan shaqaalaha ah ee ka hawl gala golayaasha Guurtidda iyo Wakiiladda Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 8- Xubnood kuwaas oo isugu jira lix ka socday golaha wakiilada iyo 2 ka mid ah shaqaalaha Golaha Guurtida.
Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo ah Gudoomiyaha Haa’yada IPRT ee tababarkan soo qaban qaabisay oo ka hor intii aanay dalka ka bixin warbaahinta u waramay ayaa ujeedadda tababarkan ku tilmaamay mid hay’addiisu ku doonayso sidii shaqaalaha ka hawl gala golayaasha baarlamaanku u noqon lahaayeen kuwa aqoon u leh shaqada baarlamaanka waxana mar uu ka hadlayay uu yidhi "Sida aad wada ogsoon tihiinba waxaynu nahay dal cusub oo dhismaya, Baarlamaanku labada gole ee Wakiilada iyo Guurtiduna waa salkii dawladnimada, markaa waa in shaqaalaha ka shaqeeyaa ay noqdaan shaqaale tababaran oo aqoon leh, oo yaqaana habka baarlamaanadu u shaqeeyaan, maadaama ay Somaliland intaasi oo dhami inoogu suurto geli karin inaynu ku wada barano, waxa muhiim ah in mararka qaarkood ay dibada u baxaan oo ay soo arkaan sida baaralmaanada kale ee inaga horeeyay ay u shaqeeyaan." Ayuu yidhi Dr. Axmed Xuseen Ciise.
Dr. Axmed Xuseen, oo dareen ahaan cabirayay sida uu ugu faraxsan yahay safarka ay Hay’addiisu shaqaale ka tirsan waaxda sharci dajinta ugu dirayaan aqoon korodhsiga ayaa waxa uu yidhi "Markaa runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay anaga IPRT, sharafna way noo tahay inay suurto gal noo noqoto haba yaaraato waxa aanu qabanaye inaanu hawshan ka qeyb qaadano, oo sideed qof oo shaqaalaha baarlamaanka ka mid ahi, oo qeybta hadal qoraalka ahi ay fursad u helaan oo ay aqoon korodhsi u tagaan baarlamaanada qaaradan qaarkood. Waxaanu rajaynayaa dhalinyaradan maanta baxaysa ee Addis ababa tagaysa ee aqoon korodhsiga u tagaysa baarlamaanka Itoobiya iyo ka midowga Afrika , in socdaalkoodani noqdo mid shaqadooda faa’iido badan u leh,"ayuu intaasi raaciyay." Dr. Axmed Xuseen Ciise.
Dhinaca kale Shaqaalaha Tababarkan aqoon korodhsiga ah u baxay maanta oo dareenkooda cabirayay ayaa si wayn ugu mahad naqay hay’adda IPRT ee u soo qaban qaabisay waxana mar arintaa warbaahintu wax ka waydiisay uu yidhi C/Risaaq Maxamed Ayaanle oo isagu ah ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada, "Anagoo ka kooban shaqaalaha golayaasha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] gaar ahaan hawl-wadeenada hadal qoraalka ee labada gole, waxaanu dalka Itoobiya ugu baxaynaa aqoon korodhsi ku wajahan shaqada baarlamaanka, anagoo ka soo faa’iidaysan doona Baarlamaanka dalkaasi, aqoon isweydaarsigaasi waxa noo qaban qaabiyay Haa’yada IPRT, oo uu gudoomiye u yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo aanu aad iyo aad mahad- naq ugu soo jeedinayno. Waxaanu maqnaan doonaa todoba cisho, si aanu u soo barano habka baarlamanaada caalmiga ahi ay u shaqeeyaan, anagoo rajaynayna inaanu si fiican uga soo faa’iidi doona waxbarashada aanu u baxayno,"ayuu yidhi C/Risaaq Ku Xigeenka Xoghayaha golaha wakiilada oo ka tirsanaa Shaqaalaha aqoon korodhsiga maanta ugu baxay dalka Ethiopia.
Hay’adda IPRT ee uu Gudoomiyaha ka yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise ayaa iyadu ah hay’add si wayn uga hawl gasha kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Shaqaalaha taas oo sida ay hawl wadeenaddan maanta dalka Ethiopia safarka tababarka ah ugu baxayay ay sheegeen wax badan ka qabatay dhinaca tababaradda shaqaalaha golayaasha baarlamaanka dalka.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com







