May 7, 2008

“Hawiyaha waa in aan u Xasuuqaa Sidii Hitlar uu Yahuudda u Xasuuqay” Abdillaahi Yuusuf

Sida aan wada ognahay, dunidan waxa soo maray xasuuqyo iyo dhibo badan oo laga galay ummado maanta qaar ka tirmeen dunidan, qaarna markii ay ka badbaadeen helay nolol tii hore ka sii fiican. Dibin daabyadaasi iyo nasiib darrada ku dhacday ummadahaasina waxa mar walba geysanayey xukunno macan-gag ah, oo mar walba ku fikiri jiray aar goosi iyo in ay dadka qasab ku xukumaan.

Dhacdooyinka taariikheed ee la soo marayna waxa maanta ugu dambaysa tani maanta ka jirta gobollada koonfurta Somaliya ee Col. Abdillaahi Yuusuf mar walba ku taamayo, in Hawiyaha iyo wixii la mid ahba uu u xasuuqi doono sidii uu Hitlar u xasuuqay Yahuuddii Yurub deggenayd badhtamihii qarnigii tegey.

Waxa laga soo xigtay in uu yidhi "Xabashi ayaad sheegaysaane, kuwo ka sii caqli xun oo aan waxba naga aqoon ayaan u soo diri doonnaa Hawiyaha iyo ciddii garabsiisa. Goobihii Yahuudda lagu cadaabi jiray oo kalena waan u samayn doonnaa, surka iyo xaniinyaha ayaanan iyaga oo nool ka jaraynaa, naagahoodana marka aan kufi iyo galmo kala daallo ayaan gubaynaa. Carruurtooda iyo odayadoodana waan aasaynaa. Waxanan ka faa’iidaysanayaa inta kitaabta beenta ah ay ku fooraraan, al-qaaciida iyo wax ka xunna…. waan ku sheegi doonnaa, si reer galbeedku taageero ii siiyo. Inta ay ii soo kala dhuumanayaan, ee ay bilaa talada yihiin, bilaa dammiirka yihiin, isla markaana wadaaddada fara ku tiriska ahi ay beenta u sheegayaanna waan ka faa’iidaysanayaa. Bal caqli xumadooda ma wadaaddo adduunkii horumaray laga nacay, oo aan geed ay ku gabbadaan lahayn ayey miciin moodayaan. Nasiib badnidayda fursaddani waa mid aan weligayba la sugayey, farxadna waxa ii ah in Dhuusa-marreeb oo kale lagu garaaco qumbuladaha sunta wata, Beledweyn iyo kuwo kalena waan ku taamayaa."

"Dhibaha aan wadana waxa ugu sii khatarsan tani dhaqaale, ee aan lacagtoodii iyo maal waxay lahaayeen aan faraha kaga dhigayo. Mishiinnada lacagta ee aan Boosaaso iyo Garawe dhigtay, lacagta aan ku sameeyo ayaanan ku khasbayaa in ay isticmaalaan, oo aan ugu baddalo lacagtii duugowday ee ay faraqa ku sitaan. Weligoodba ha muddaharaadeed. Ma awooddayda ayey hor joogsan karaan". Sidaa waxa odhanaya Col. Abdillaahi Yuusuf.

Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ku daray "Awooddaa aan arrimaha noocaasi ah ku suura gelinayana waa kuwo aan ka helay maskaxdayda fiican ee aan leehay. Bush iyo kuwa la midka ahna waan aqaannaa sida wax loo dhacsiiyo. Saa wax ay og yihiin ayaaba iska yar. Qabiilkaygana waxan uga digayaa in aanay la mid noqon doqon Hawiye."

Marar badan oo horena waxa uu si aan qarsoodi lahayn u sheegay, sida uu uga fariidsan yahay madaxda Amxaarada, ee uu ugu adeeganayo. Iyo waliba isaga oo sheegay in uu iyaga u taliyo oo haddii ay dhegsan waayaanna uu garanayo tabta looga guulaysto, isla markaana uu immigaba dhexdooda u kala warramo. Nasiibna waxa uu u helay in uu hanto qabiilkiisa Majeerteen oo uu ugu dheedho in ay yihiin kuwa Somali ugu fahmo badan dhinaca siyaasadda, oo nin ka weecday aanu jirin. Balse ay ka daahan tahay dakanada iyo mahadhooyinka uu uga tagey, ee aanay muddo dheer Somalidu illoobi karin.

Haddaba waa yaabe, Col. Abdillaahi Yuusuf oo ku caan baxay u dhaqan-egida Hitlar iyo weliba xubbiga amma jacaylka uu u qabo Hitlar, muxuu samayn lahaa haddii uu joogi lahaa wakhtigii Hitlar, oo uu weliba ka mid ahaan lahaa saraakiishiisa? Muxuuse ku samayn lahaa Yahuuddii deggenayd Jarmal iyo kuwii laga soo qafaali jiray Yurubta kale ee sida ba‘an loogu ciqaabi jiray goobihii cadaabta ee ku yaallay Poland iyo Jarmalka. Lama ogee haddii ay dunidu ogaan lahayd nacaybka uu u qabo Yuhuudda iyo Hawiyaha, waxa la soo taagi lahaa maxkamad caalami ah. Tusaalena waxa uu u noqon lahaa kuwa tallaabadiisa ku taageera. Dalka Somaliyana waxa loo heli lahaa xal nabadeed iyo xasillooni laga abuuro Muqdisha iyo guud ahaanba Somaliya.

Waxa kale oo la yaab leh, dunida horumartay, ee garanaysa in aanay xaq
ahayn in ummad xoog iyo xasuuq loogu taliyo, ee haddana Cabdillaahi Yuusuf oo kale ku garab taagan xasuuqa iyo dagaalka uu ka wado Somaliya. Mise waa isku dan oo colaadda Hawiye ayaa la isaga mid yahay. Hawiyese miyaanu ka korayn muqaawamo iyo siyaasad bilaa magac ah, oo aan dhaafsanayn ta uu maanta ku fashilmay ee ay weli dabada hayaan. Mise karbaash minallaahi ah ayaa ku socda, oo wax ay geysteen ayaa laga gudayaa?

Waxan ugu dambayn kula talin lahaa walaahayga reer Muqdisho in ay ka gudbaan siyaasad xumada aan meella gaadhsiinayn, ee ay ku wiiqmeen. Isla markaana ay madoobaan. Abdillaahi Yuusufna ha aamminin

Qore: Ahmed-Weli Goth

Email: shueebi@hotmail.com

Related Entries