May 7, 2008
انا للة وانا الية راجعون : Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun
Bahda Harowo.com iyo dhamaan Jaaliyada Somaliland ee ku Dhaqan Metropolitan Washington DC iyo Magaalada Baltimore (Maryland), waxay Tacsi tiraanyole u Dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Siciid Maygaag Samater oo ku geeryooday maanta Magaalada Auckland, California - USA.
Marxuum Saciid Maygaag Samatar wuxuu ahaa nin magac iyo maamuus ku leh Jaaliyadda Somaliland ee Waqooyiga Amerika, isla markaana ahaa gudoomiyihii iyo aasaasihii ururka SOPRI. Urukaas oo hormood ka ah dhaqdhaqaaqyada u ololeeya horumarka iyo ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxan Ilaahay ka baryeynaa inuu Marxuumka Janadii fardoosaad ka Waraabiyo, inagana samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin - Aamiin - Aamiin







