May 6, 2008
Odhaahda Akristaha: Digniin Kama Dambays Ah!!!
Waxaan in badan galaayey Webka Harowo.com (Abeeso + Siilaanyo = Amaano la’aan), waxaana aan igu cusbayn inay adeegsadaan ama ay webka laftiisuba diyaarsado qoraal wixii la doono inta lagu qoro marka danbe magacyo dad lagu qoro ay wayba jiraan dad waxan soo qora, laakiin hawl wadeenka webka ayaa heshiisi kula ah in uu soo qori doono wax alaale wixii uu soo diro xumaan iyo wixii kaleba!
Hada waxaan maamulka webkan ugu digayaa in ay ka waantoobaan waxaas ay ka qorayaan gudoomiye xusbiga qaran ee kulmiye waxaana aad ogaataan in gudoomiyaha udub waxaas aad qorteen iyo wax ka daran laga diyaarin doono, siilaanyona wuu ka taariikh xun yahay Rayyaale ee waxaanu u xishoonaynaa sidii rag u xishoon jiray, laakiin hadii aad joojin waydaan ( BOODHIDA CIYAALKA). Aniga iyo rag kale oo badani, waxaanu diyaar idiinla nahay in aanu idinla dheelo sidii aad doonaysaan in aad u dhaqantaan..
Rag aad kala door dooranaysaan ee
1- Siilaanyo
2- C/raxmaan aw cali
3- Muuse biixi
4- Dhagaweyne
5- Axmed xuseen ciise
Iyo qaar kale oo badan aad moodo qaar ka mid ahi in ay wax xun kugu sameeyeen adeer ragu waa wada kulmiye kaagamana baaahan HAAHEYDA AAD Rayaale la daba taagan tahay oo kale…!
Ugu danbeyntii waxaan si toos ah iyo si dadbanba idiinka digayaa webka iyo kuwa qoraalada noocan ah caadaystay in aanan u dul qaadan doonayn waxaas oo kale mar danbe.
Waxaana soo kala daysaan in aad tihiin web Rayaale iyo inta la kooxda ah u adeega iyo webka wadanka s/land leeyahay..
Barkhad Jaamac Cali
Washinton DC
Email: burundi1@hotmail.com








