May 6, 2008

Dublamaasiyiin Ka Socda Safaaradda Ingiriiska Ee Dalka Ethiopia Oo Socdaal Ku yimid Somaliland.

Hargeysa, (Harowo) - Dublamaasiyiin ka socota Safaaradda Dawladda Ingiriiska ee Magaaladda Adiss ababa ayaa maanta socdaal ku yimiday Magaaladda Hargeysa ee Xarunta dalka somaliland kuwaas oo wada hadal la yeelan doona Xukuumadda iyo Axsaabta dalka inta ay dalka ku sugan yihiin.

Dublamaasiyiintan oo ahaa laba xubnood oo kala ah Safiir ku xigeenka Safaaradda dalka Ingiriisku ku leeyahay Magaaladda Addis Ababa iyo Xog-hayaha labaad ee Safaaraddaasi kuwaas oo mar ay warbaahinta dawladda u warameen socdaalkooda ku tilmaamay mid la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labadda dhinac (England iyo Somaliland) iyo arimaha doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona inta sanadkan lagu jiro.

Safiir kuxigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Magaaladda Addis Ababa oo lagu magacaabo John Marshal ayaa Tvga Qaranka u sheegay in mudadda ay somaliland ku sugan yihiin kulan la yeelan doonaan Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranka kuwaas oo ay kala hadli doonaan arimaha doorashooyinka dalka ku soo foolka leh.

Safarka dublamaasiyiintan ayaa ku soo beegmay xili uu dalka ka jiro muran ka dhashay doorashooyinka taas oo keentay is maan dhaaf dhex mara Xisbiyadda iyo Xukuumadda, waxa kale oo muran ka taagan yahay mudo kordhintii golaha Guurtidu uu 1-ka sano ugu kordhiyay Xukuumadda, hadaba waxa ay dad badani is waydiinayaan waxa ay dublamaasiyiintani kala hadli doonaan dhinacyadda kala duwan ee ay la kulmayaan? Iyo sida ay suura gal u noqon karto in ay dhinac cadaadis saaraan si loo yareeyo khilaafka u dhexeeya dawladda iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah.

Dawladda Ingiriiska ayaa iyadu qayb wayn ka qaadatay doorashooyinkii dalka ka dhacay waxaanay dakhli badan ku bixisay sidii ay u hir gali lahaayeen, balse xiligan lama oga waxa ay ka yeeli doonto muranka siyaasadeed ee dalka ka jira

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com