May 5, 2008

Ninka Duday, Distoorka Iyo Sharciga Diintii Ka Carrow..!!!

Golaha Guurtidu waa dadweynaha oo aan isyeelyeeleyn, oo aan balaayo sheega, kursi doonka u dhega nuglaan, barkhad sheegaha kursi ilaashanayana dhegta u raaricin.. Waa axsaabta siyaasada oo aan dantooda gaarka ah u dumineyn danta guud, oo aan  distoorka iyo sharciga dabamartayneyn. Waa saxaafada oo garaadkeedu dhaafsii sanayahay maansadii gubba oo aan kala guris qabiil, gardarrada sokeeyaha gees biiciid u lahayn.

Waa komishanka doorashooyinka qaranka oo aan kala safnayn, kala gooniyo kala gaar ahayn oo haatan noqdayba nin iyo meeshii ka dirir, xusbi iyo beel u dirir. Waa golaha wakiilada oo aan golaaftameyn, oo garanaya  wixii loo igmadey. Waa qurbajoogta oo aan laba garab ku daaq ahayn,  oo aan ahayn shinbirtii labada geed midhahooda guraneysey. Waa Golaha dawladda dhexe oo aan gacan dhaaf ku samayn maamulada dawladaha hoose. Waa culimo aan dayesneyn..!
 
Golaha guurtidu ma ah geedo sare waab, waa hayin gibil ma daadsha ah. Ruug caddaa xil gubaayo weeyaan. Waxay ka duulaan distoorka iyo qodabka sheegaya ilaahayow aqoontayada ha nagu cadaabin, erey gefana ha nagaga tegin.
 
Golaha Guurtidu mar hadday u hogaansan yihiin distoorkii loo codeeyey waa gole ammaan oo aayatiin leh. Ma ah kuwa marna shaadka qabyaalada soo xidha, marna shahaadadaha la soo baxa, marna khamiiska iyo koofiyada cad soo xidha. Diktoor beena sheegtayaal  ma ah, labada daarood tan hore daraja moodaaya ( daarta ifka iyo daarta aakhiro).

Guurtidu waa dugsi siyaasadeed oo distoorkiisu ku salyasan yahay, ma curadbaa oo xeer baa ka yaaley mise waa ugub hadda aynu xeer u samaynaa.. Taasi oo waafaqsan dimoqraadiyada reer galbeedka, Waxaa loo baahan yahay in wax laga barto dugsigan siyaasiga ah, oo dhallinyaradu ka shiidaal qaadato.
 
Wixii dawlad inna soo martay tan iyo lixdankii, distoorka waa la qori jirey mooyaane, wax ku dhaqma amma hirgeliya, lama arag lamana maqal. Xiitaa jabhadihii hubaysnaa ee Siyaad Barre ka soo horjeedey, kumay dhaqmin distoorkii ay dhigteen, markay soo galeena wax yar baa laga qaatay.. Axsaabta siyaasada  ee haatan ka jirta Somalilandna kuma dhaqanto xeer xusbiyeedka ay dhigteen, waxaa fududaatay in ay  qabyaalad ku maamulaan xisbigooda, islamatrkaana nin keliya ayay shacbiga ka iibiyaan. Dikteytar bay abuurayaan aan u hogaansaneyn sharcigii dabaali lahaa.

Waa kuwuu sheegayey Cabdillaahi Suldaan Timacadde, alla ha naxariistee, ee uu lahaa: “Nin ka duday distoorka iyo sharciga diintii ka carrow   dibaduu ka joogaa daacada Ilaah.”

Ee Xaaji Aadan Af-qalooc lahaa, Alla ha naxariistee: “Adiga oo tuur leh tooxdin iyo Qaalo tu kaleyto in aad toosisaa waa tu aan jirin eh”, waa kuwuu Maxamed Xaashi Dhamac, Gaariye, isaguna lahaa: “Waxaan la isku ogeyn ninkii hoos ka unkaa, aftidayda ma haysto, ansax ma ah wixiisu.”

Waa  qaybtii kowaad ee maqaalka.

Haamud Duale

Email: huluuq@hotmail.com

Related Entries