May 1, 2008

Warqad Furan oo ku Socota Madaxda iyo Shacabka Somaliland

Haddaan nahay Somaliland hoygeenu waa nabada. Dadkeenuna arrintan waxay garteen 18 sano ka hor markii ay madaxbanaanidooda kula soo  noqdeen shirkii Burco. Iyagoo ka soo baxay dagaal lagu ba’ay oo lagu barubray, raggii waayeelka ahaa ee ku kulmay Burco waxay go’aansadeen in sida keliya ee ay dal ku dhisi karaan ay tahay iyaga oo is gacan qaada, is cafjiya oo illooba wixii tegay iyaga oo kaashanaya dhaqankeena iyo dhaqaalaheena. Sidaas ayeyna ku dhiseen dal noqday mid ay dalal badan oo Afrikaan ahai ay kantaan, dal ku caan baxay in uu yahay “Sirta Sida Adag Loo Ilaasho ee Afrika”.

Dadkeenu waxay bartilmaameed ka dhigteen nabad kow, nabad laba, nabad saddex. Waxay garteen in qofku calool madhnaan ku seexan karo meesha u hoyga ah, laakiin aanu hoy ka dhigan karin meel aanu nabad ku seexan karin. Waxay ahayd nabad ay dadku sameeyeen ee aanay siyaasiintu samayn. Immikana waa dadka kuwa ilaalin doona ee maaha siyaasiinta.

Bal haddaba digtoonaada,

Dadku way idin fiirsanayaan. Dulqaad bay u leeyihiin is xagxagashadiina, is qabqabsigiina, is tuurtuurkiina hoose iyo is aflagaadayntiina. Waxay ogyihiin inaad weli socod barad ku tihiin jidka dimoqraadiyada oo way idiin xadhig dheeraynayaan oo idiin oggol yihiin inaad qaladaad samayn kartaan.

Bal haddaba digtoonaada,

Waa inaydaan ku xadgudbin dulqaadka dadka. Ku dadaala in aanay jacjacoornimadiina carruurreed ka gudbin soohidinta dulqaadka. Aflagaadada ugu weyn ee qof siyaasi ahi uu dadka kula kici karaa waa isaga oo xaqira garaadkooda. Idinku is caaya haddaad rabtaan, ha isku tudhina, oo midba midka kale sharaftiisa dhulka ha soo dhigo hadday idinla noqoto, laakiin waxan idiinka digaynaa in aad dadkayaga lugta ku jiidataan oo aad dhexgelisaan ololihiina caytanka.

Bal haddaba digtoonaada,

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin: Taariikh inaad samaysay muran kama taagna. Waxaa tahay madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland ee la doorto; waxad qabatay oo aad maamushay dhawr doorasho oo nabad ku qabsoomay dimoqraadiyad lala yaabaana ka muuqatay. Waxaad muujisay xikmad aad nabad ku hoggaamisay dal sabool ah oo aan la aqoonsanayn kuna yaala mandiqad holcaysa. Marar badan nabad ayaad ka dooratay dagaal, adiga oo aad naftaadana ku waayi gaadhay. Qofna illoobi maayo sidii aad Somaliland uga badbaadisay dagaal dhici lahaa 2002 dhacdadii Las Caanood. Dadku waxay arkeen odaynimadaada markii aad duco ka dooratay dagaal.  Eraydaadii ahaa “Dagaal ducaan ka doortay” waxay ku suntan yihiin taariikhda dadkeena. Taariikhdu waxa kale oo ay xusuusan doontaa sidaad diyaarka ugu ahayd inaad banayso kursiga madaxtooyada bishii Abriil 2003 markii xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay in ay doorashada ku guulaysteen inta aan natiijadii rasmiga ahyd lagu dhawaaqin 11 May 2003. Dadkii ku dhadhawaa waxay qirayaan in lagugu gacan maroojay inaad sugto inta tirada lagu celinayo.

Mudane Madaxweyne, marka aad madaxtooyada ka tegto dadka Somaliland waxay waayo badan kuugu mahadin doonaan siyaasada dulqaadka leh iyo diblomaasiyada debacdasan ee aad arrimaha ku xalliso. Guulahaaga aan la illoobin karin waxa ka mid ah sida aad u hantiday xuduudaha Somaliland markii ugu horeysay ee aad u kasbatay kalsoonida dadka reer Sool si ay ugu soo noqdaan dalkooda hooyo. Dadka Somaliland illoobi maayaan sidaad ugu guntatay in aad aqoonsi u keento Somaliland. Waxay markhaati ka yihiin sida aad maalinba gidaar u dumisay ee aad maalin walba ugu dhididay si aad saaxiibo ugu hesho Somaliland. Dhacdooyinkaa iyo qaar kale oo badan ayaa ahaan doona qaar sumad u noqda cahdigaaga. Laakiin Mudanane Madaxweyne hawlahaa wanaagsan oo dhami waxay raaci doonaan dabaysha haddii aad marka ugu dambaysa wax walaaqdo.

Ogsoonow waxa laga yaabaa in rikoodhkaaga ay ku jiraan dhawr dhibcood oo madaw oo keliya laakiin had iyo jeer buqcada madaw ayuun baa ka soo mudh baxda go’a cad. Haddaba hadii aad rabto inaad mahadho fiican ka tagto sheekadaada u samee biyo dhig wanaagsan. Ogsoonow waxa had iyo jeer taariikhda ku hadhaa waa biyo dhigga ugu dambeeya. Ogsoonow Mudane Madaxweyne, kolba inta aad xukunka ku sii dhegto ayuun bay leekaanaysaa dhiilada dhicitaankaagu. Adigaa doorashada leh.

Bal haddaba digtoonow,

Mudane Axmad Maxamad Silaanyo: Muran kuma jiro inaad u qalanto Madaxweyne. Dadku waxay kuu yaqaanaan in aad tahay halgame fiican iyo hoggaamiye karti badan oo dimoqraadi ah. Taariikhda ayaa ka marag ah sidii aad uga dhaqaaqday hoggaaminta SNM markii ururku ugu fac weynaa. Haddaba taasi waxay ahayd mid aan badanaaba ka dhicin Afrika iyo ururada kale ee dhaqdhaqaaqa gobanimodoonka ah. In yar baa la arkay nin hoggaamiye iyo abaanduule jabhadeeda oo awoodda si dimoqraadiya isga dhiiba. Laakiin adigu waad samaysay Mudane Guddoomiye, waana arrin dhagax ku xardhan.

Dadka Somaliland waxay kale oo ay xusuustaan naf hurnimadii aad samaysay 16 May 2003 markii lagu dhawaaqay tiradii lagu celiyey ee doorashadii madaxweynaha. Doorashadaa in aad heshay iyo inaad weyday waxay ahaan doontaa mid lagu wareersanaan doono inta ay jirto taariikhda dalkeenu, laakiin waxa keliya ee sida qorraxda u widhwidhi doonaa waa sida geesinimada leh ee aad u aqbashay go’aankii gudiga doorashooyinka iyo Guurtidu ay ka gaadheen. Isaga oo go’aankaasi ahaa mid aan adiga iyo kumaankun dadka Somaliland ahi aanay ku qancin in uu xaq ahaa. Waxa caddaan ah in ay arrintani ka mid tahay arrimaha lagu garto hoggaamiyaha dhabta ah. Mar labaad ayaad tusaale fiican u dhigtay sida la rabo inuu qofka hoggaamiyaha ahi u dhaqmo. Taariikh waarta ayaad ka door biday wax ku horyaala, geesinimo ayaad ka door biday hunguri oo nabad ayaad ka door biday dagaal. Dhacdooyinkaa ayey noqon doonaan astaamaha lagu xusuusto hoggaamintaada laakiin waa haddii aad ku adkaysato sidaas ilaa gundhigga.

Mudane Guddoomiye, waxa dhici karta in aad mar labaad jawharad kale ku darto taashka ku saaran haddii aad mar labaad taariikhda isha ku hayso oo aanad kursiga uun eegin. Haddii aad sidaa yeesho Mudane Guddoomiye waxan hubaa in dadka Somaliland kuu abaal celin doonaan, abaalgudkooduna uu noqon doono mid kuu qalma; arrintaasi aniga iga qor. Laakin Mudane Guddoomiye, iska jir inaad sheegto balo aan jirin oo aad dadka uga digto yey ku soo aaddan meel aan yeyba lagu aqoon. Arrintaasi ma aha tab siyaasadeed oo wanaagsan, dhab ahaantii waa mid adiga ku dilaysa.

Maxaa yeelay markay dadku raadshaan yeyga aad sheegtay ee ay waayaan waxa laga yaabaa in arkaan in yeyga aad sheegaysayba adiga uun yahay. Waan hubaa inaanad rabin in sheekadaada geesinimo ay ku dhamaato dhiilo la mid ah dhiilooyinkii gabayaagii Ingiriis ee Shakespeare riwaayadiihiisii ku jirtay. Waxa kale oo lagaaga fadhiyaa in aad wax ka qabato hadalada gubaaga ah ee ka soo yeedhaya kalkaaliyeyaashaada. Qaarkood baa waxa la moodaa in ay weli ku jiraan dhufayskii dagaalka oo ay cay la dhacayaan cadawga ka soo horjeeda. Waa inay bartaan in hadalada gubaaga ahi ay keeni karaan in ay toosiyaan bahalka ku hoos gabanaya degnaanshaheena iyo walaalnimada dadkeena. Bahalkaas oo ah qabiil.

Bal haddaba digtoonow,

Mudane Faysal Cali Waraabe: Magac waxad ku yeelatay in aad noqotay nin oggol in uu wax ka tanaasulo. Waxan aragnay sida aad xadhiga u debciso marka kuwa kale jiidaan. Go’aankaagi geesinimada lahaa ee aad ku aqbashay natiijadii mahadhada reebtay ee doorashooyinkii madaxweynaha ee sannadkii 2003 ayuu ahaa kii keenay in la xalliyo is maandhaafkii halkaa ka dhashay. Dhab ahaantii wax dadka qaarkood u arkaan jiljilayc ku jira mawqifyadaada ayaa lagaba yaabaa inuu ku jiro xooggaaga ugu weyn. Waxad bartay dadka Somaliland in mucaaridnimada micnaheedu aanay ahayn in col lala noqdo dawlada dhisan. Waxad dadka jacaylkiisa ku kasbatay inaad qaadato go’aan dawo leh marka arrintu ay dhudhub gasho. Waxan hubaa in taarikhdu kugu xusuusan doonto inaad ahayd siyaasigii la miciinsanayey kolka meel kale oo loo lee’do la waayo. Inaad tahay ninka boqorka sameeya ee cid walba taageeradiisa u soo godlato. Anigana waxay ila tahay in qofka boqorka sameeyaa uu yahay ka furaha haysta.

Laakiin arrinta laga yaabo in ay lugta ku goysaa waa tabta aad isticmaasho ee ah inaad ku biirto kuwa xumo sheega ah ee jecel inay goor walba abuuraan bahal laga baqo. Bahalka ayaad la raashimisaa oo aad la korisaa, adiga oo isku hallaynaya inaad qoorta ka jari doonta marka ugu dambaysa inta aanu cid haleelin. Laakiin waxa haboon in aad xuxuusato maahmaada Soomaaliyeed ee tidhaahda: “Libaax nin korsaday ayuu dilaa.”  Waxa kale oo laga yaabaa in marar badan laguu sheegay inaad hadalkaaga miisaanto. Waxa laga yaabaa inaad u qaadatay xasad ay wadaan cadawgaagu laakiin run ahaantii waxad ogaataa in aanu jirin hub ka xun meel ka dhaca oo ridi kara qofka siyaasiga ah.

Bal haddaba digtoonow,

Mudane Suleymaan Maxamuud Adam iyo Golaha Guurtida: Mudane Guddoomiye, adigoo ah odayga odayaasha, masuuliyad weyn baa dhabarkaaga saaran. Haddaba iyada oo dad badani rumaysan yihiin in ay Guurtidu had iyo jeer shaabad u tahay madaxweynayaasha Somaliland soo maray, anigu ammaan waxan ahayn uma hayo odayaasha sida xikmada iyo waayeelnimadu ku jirto u xalliya amuuraha soo food saara dalka. Iyada oo duruufaha adagi ay mararka qaarkood u baahan yihiin go’aamo adag, la yaab ma aha in canaani inta badan idiinka timaado mucaaridka. Idinkoo ah umulisadii nabadda iyo degnaanshaha Somaliland waxad tihiin kaydiyeyaasha siraha ummadda, markaa sida umuliso wanaagsani samayso waxa keliya ee idinku weyni waa inaad shaqadiina qabsataan oo aad sirihiina ilaalisaan haddii adduunka oo dhani idinku qaylinayo. Waxad ku nasiib badan tihiin inaan ilaa hadda ilmo idinkaga shafeecin. Haddaba marka la eego duruufta aad ku hawl gashaan, waxa la odhan karaa hawl wanaagsan ayaad qabateen. Waxad anaga iyo dunida oo dhanba u muujiseen in xikmada hiddaha iyo dhaqanku ay aasaas u noqon karto dimoqraadiyada. 

Mudanayaal, waan la dhacay hawshiina. Laakiin mida aadka werwerka ii gelisay waxa weeyi maxaa haween looga waayey dhexdiina. Mudo intee leeg baan sugaa inta aan idiinku yeedho doono “Marwo iyo Mudanayaalba” Midda kale ee la rabo inaad xusuusataan waxa weeyi in aad ogaataan in Somaliland qaadatay nidaam dimoqraadiya oo ku salaysan axsaab tiro badan iyo baarlamaan. Markaa waxa la idiinka fadhiyaa waa in aydaan arrinta gelin ilaa dhoomaha kale oo dhani ay ka quus gaadhayaan.  Waa inaad ogaataan in hawsha umulisada waayo aragga ah loo baahdo keliya xilli go’an. Sidaa awgeed, waxa haboon inaydaan doorkiina buunbuunin ku darin.  Mar haddii ay odayaal qiima leh oo Cabdi Waraabe oo kale ahi idinku jiraan, dadku waxay idin saareen meel sare, markaa ha khasaarinina ixtiraamka iyo kalsoonida dadku idiin hayo. Da’du waxay leedahay in wax badan la idiinku dul qaato laakiin la idiinkama fadhiyo in aad dulqaadka u barataan oo aad gaadhaan xilli la idinku qoslo.

Bal haddaba digtoonaada,

Mudane Cabdiraxmaan Maxamad Cabdilaahi iyo Golaha Wakiilada: Mudane Guddoomiye, siyaasadda waxad soo gashay adigoo lagu moodo geesi faras cad ku taagan. Adiga iyo saaxiibadaa waxa la idiin arkayey kooxdii la filayey in ay Somaliland u horkici lahaayeen dawladnimo hufan iyo dimoqraadiyad run ah. Hase yeeshee kulankiinii ugu horreeyey ee dhacay 29th November 2005 wuxu ku bilaabmay gacan-ka-hadal, in ka badan laba sano iyo badh dabadeedna weli waad jaho wareersantihiin. Mudane Guddoomiye, waa nasiib darro in aad adiga iyo saaxiibadaada ku jira baarlamaanka qurba-jooga ahi aad waqti badan ku qaadataan dhoof, idinka oo macaansanaya marti gashiinta dadkeena qurajooga ah oo sharafta aad hesheen adeegsanaya ilaa kaalinta ugu dambaysa.

Golahaagu wuxu dadka u cadeeyey in aan shahaadooyin dugsiyo la qaataa marnaba u dhigmi karin waaya-aragnimada iyo xikmada aan dhaqanka u lahayn. Xubnaha Golaha Wakiiladu waxay noqdeen cillino ku hoos lumay camaaliqada Golaha Guurtida. Iyagoo in badan oo ka mid ahi Somaliland yimid iyagoo sita oliyo ka dib markii ay sanado badan ku noolaayeen wadamada Galbeedka iyaga oo aan waxba ahayn, ayey sugi kari waayeen in dalalkii ay martida ku ahaayeen ku noqdaan si ay ugu faanan saaxiibadii ay ka yimaadeen sharafta iyo darajooyinka siyaasadeed ee ay heleen. Waxa is weydiin leh in qaylada dheer ee ay ka sameeyaan golaha dhexdiisa iyo hadalada muran abuurka leh ee ay siiyaan saxaafada ay uga jeedaan dhoola tus ay ula dan leeyihiin inay arkaan dadkii ay kaga yimaadeen waddamadii ay ka soo kicitimeen.

Aniga waxay ila tahay in daacadnimada, waddaninimada iyo xilkasnimada xubnaha Golaha intooda badan ay su’aali ka taagan tahay. Dhab ahaan way jiraan rag iyo haween daacad ah oo laakiin codkooda ay qarinayaan kuwa buuqaya. Waxase mudan in la xusuusiyo xubnaha Golaha in waqtigoodii soo gaabtay oo dhawaan ay hortegi doonaan dadka. Dadkuna way ka ilbaxeen ruwaayadaynta kooxdaada iyo kaadhka qabyaaladda ee ay isticmaalayaan. Waxay ogaadeen in waxa Somaliland iibgeynayaa aanay ahayn baasaboorradiina ajnabiga ah ee ay tahay xilkasnimada, daacadnimada iyo hawsha dadka.

Bal haddaba digtoonaada,

Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka: Hawshiinu waa in aad sugtaan in doorasho xalaal ah, xor ah oo cadaalad ah ay Somaliland ka dhacdo, oo sidaas ku dadaashaan inta kartidiina ah, idinka oo raacaya awoodda uu idin siiyey xeerka doorashooyinku. Wuxu garaadku ku jiraa inaad ilaalisaan madaxbanaanidiina wax kasta oo ay idinku qaadataba. Uma joogtaan in aad dawladda amarkeeda fulisaan ama aad mucaaridka cagajuglayntiisa u beernugayshaan. Waa doqoniimo haddii aad u malaysaan in aad meesha u joogtaan danaha axsaabta lagdamaya. Markii la idin doortay ayey idinka dhammaatay u hoggaansanidii aad u hayseen axsaabtu.

Immika waxa keliya ee aad u hoggaansanaataan waa in ay noqotaa xeerka doorashooyinka iyo wixii arrin ah ee ay meel wada dhigtaan axsaabta iyo golayaasha dalku. Xisbina macruuf idinkuma laha, halkana uma joogtaan inaad xisbina macruuf u samaysaan. Idinku murashaxiinta ma doorataan, waxa keliya ee aad qabataan waa inaad doorashada maamushaan, codadka tirisaan oo aad natiijada soo saartaan. Sida siidhiwalaha Kubadda Cagta, hawshiinu waa inaad sugtaan keliya ciyaar nadiif ah oo aan madmadow ku jirin. Wax dana oo idiinku jirtaa ma jirto guusha, laakiin waxay dani idiinku jirtaa sida hawshu u dhacdo. Waa inaan si kasta oo la idiin gacan maroojo aan la idinka leexin karin sidii aad hawshiina ugu gudan lahaydeen cadaalad iyo madaxbanaani. Maamulka doorashooyinku waa sida miina baadhista, haddii aad taxadir iyo farsamo wanaag ku maamusho waxad oolin kartaa burbur, laakiin hadii uu kaa qaldamo adiga ayaa horta ku dhimanaya intaan cid kale ku guban.

Bal haddaba digtoonaada,

Dadka Somaliland: Dadkaygow, waa inaad ogaataa inaad adigu taariikhda qorto, taariikhduna ay adiga tahay. Adigaa weeyi ka xukunka ridayaa, kiiskana qaadayaa. Adigaa ayaahaaga gacanta ku haysta. Adigaa leh awoodda. Siyaasiintu waa kuwa aad dirato ee kuu shaqeeya. Haddaba adigaa leh doorashada qofka ugu fiican ee aad diranayso kuuna shaqayn kara. Arrin fudud maaha dhab ahaantii, gaar ahaan kolka aan axsaabta midna ku hor keenin istraatiijiyad ay ka muuqato waxay adiga iyo dalkaba u qaban lahaayeen. Siyaasiintu waa sida dacawada, sidaad ogtahayna dacawadu way gado badan tahay, laakiin dadkaygow waa inaad adigu noqotaa sida qarandida oo aad taqaana geda ugu weyn. Siyaasiintu waxay yaqaanaan sidii ay u sheegaan beeno badan si ay u kasbadaan kursiga, laakiin runta weyn ee aad adigu ogtahay waa in nabadda iyo degnaanshuhu ay yihiin hoygaaga, in siyaasiintu ay tegi karaan immana karaan iyaga oo aan wax saamayn ah oo badan ku yeelan nolol maalmeedkaaga, laakiin waxad ogtahay haddii ay nabaddu tagto in noloshaadu aanay marnaba sidii hore noqon doonin. Sidaa awgeed waa inaad had iyo jeer calanka nabada hor lushaa siyaasiinta. Weligaa hoggaamiye ha ka dhigan nin aan ku dhaaran mixraabka nabadda.

Dadkaygow, waxad ogtahay inaan Koofi Anaan, Koondaliisa Rays iyo madax Goboleed badbaadadaada u iman doonaa aanay jirin haddii aad nabadda iska qasto. Dhab ahaantii waxa jira cadaw faro badan oo sugaya dhicitaankaaga. Sidaa awgeed waa inaanad isku halayn in bulsha weynta adduunku kuu soo gurman doonto haddii aad ciirto. Haddii aan ciirno waxad ogaataa inaan noqon doono sheekooyinka murugada leh ee Afrika mid ka mid ah oo la inoo arki doono dhedo roob loo maleeyey. Ogsoonaada dadkaygow waa keligeen. Waa inaga iyo waxaan haysano iyo garaadkeena inaan ku xaslano nabadeena iyo degnaanshaheena oo aan ku dhisno dimoqraadiyadeena kuna habayno mustaqbalkeena.

Waa sidan sidii aan horeba ugu hawl galnay. Ma aynaan sugin go’aamo ka soo baxa Qaramada Midoobay, ma aynaan tuugin in adduunku shirar waaweyn inoo qabto, iskuma aynaan hallaynin in malaa’iigi cirka ka soo degto oo arrimaheena inoo xalliso. Guntiga ayaan dhiisha isaga dhignay si aan ammuuraheena u xallino inagoo taakulaysanayna farsamadii aan weligeenba wax ku xallin jirnay ee aan hiddaha u lahayn, odayadeena, xeerkeena dhaqanka inoo ahaa iyo Ilaaheena. Haddaba immikana sidaas oo kale ayuun baynu wax ku qabsan doonaa.

Sidaa awgeed ha rumaysanina siyaasiinta ku riyoonaya in cirka la inooga soo degi doono. Hana rumaysanina dagaal oogistooda. Ma jiro mid keliya oo u qalma in loo dhinto. Maxaa yeelay haddii dagaal qarxo, iyaga weeyi kuwa ugu horreeya ee baxsan doona. Gebigood waxay haystaan baasaboorro ajnabi; waxay ku boodi doonaan diyaaradda ugu horreysa waxaanay ku noqon doonaan miisaskii gaaladu wax ku siinaysay.  Waxay ku raaxaysan doonaan diirrimaadka xaasaskooda oo aan wax dhibi ahi soo gaadhi doonin; waxay idinkaga tegi doonaan in aad ku gubataan dabka ay shideen idinka iyo haweenkiina, carruurtiina iyo cirroolihiinaba.

Dadkaygow, waxa jira arrin kale oo loo baahan yahay in aad ogaato. Nabadu waa wax qurux badan, laakiin nabad aanay madaxbanaani ku ladhnayni waa qalfoof madhan. Nabad ma jirto meel uu yaalo addoonsi, meel ay taalo diktaatooriyadi, meel ay taallo keli tashinimo. Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inaad barataan inaydaan oggolaanin in madaxdiinu ay idin guud saarnaadaan in ka badan intaad u dulqaadan kartaan. Isbedelku waa ruuxa nolosha. Xataa geedaha ayaa caleenta daadsha xilliga dayrta si ay caleen cusub u baxshaan xilliga guga. Hoggaamiyeyaashuna sidaa kama duwana, wakhtigoodu wuu dhacaa oo way faa’iido beelaan, markaa sida keliya ee lagu sii noolaan karo ee ummadda firfircoonideeda lagu soo celin karaa waa in la bedelo. Doorashooyinku haddaba waa sida keliya ee sharciga ah ee lagu xusuusin karo hoggaamiyeyaasha cidda xukunka leh, dhalanteedba ha ahaatee. Haddaba cod bixintiinu waa sida keliya ee aad  doorkiina go’aan qaadasho ee aad xaqa u leedihiin ugu wareejisaan kartaan kuwa aad doorateen.

Sidaa awgeed barta dadkaygow in marka uu dhamaado waqtigii xilhaynta loo qoondeeyey in go’aan qaadashadu indinku soo noqoto si aad ama u jadiidisaan ama dib ugula noqotaan. Waa inaad bartaan hogaamiyeyaasha in xil kala noqoshadu ay dantooda tahay oo ay ka ilaalinayso in ay xumaan u geystaan maamuustooda iyo maamuusta kursiga ay ku fadhiyaan. Maxaa yeelay marka ay madaxdu kursiga ku raagaan faa’iidadooda ayaa naaqusta, dabadeed waxay noqdaan suyuc oo way uraan. Haddaba dadkaygow ha oggolaanina in madaxdiinu heer kastaba ha joogaane aad daawataan ilaa ay faa’iido beelayaan. Xusuusnaada markii Somalidu ku tidhi boqoradoodii kelideed taliyaha ahayd “Arraweelooy urna loo dhimay ufna lama odhan”, sidaa awgeed waa inaad barataan sida loo yidhaahdo Uf hadday aydaan rabin inaad lumisaan dareenkiina urta.

Bal haddaba digtoonaada.

Bashiir Sh. Cumar Good

Email: bsogoth@yahoo.com

Warqadani iyada oo ku qoran af ingiriisi ayey soo baxday waxaanay ku soo baxday iyada oo Af-Soomaali ah waregeyska Geeska Afrika29th Abriil 200. Waxa  tarjumay qoraaga laftiisa.

Related Entries