April 30, 2008

Siilaanyo Ma Kursi Doon baa, Mise Waa Qaran Doon?

Waad salaaman tihiin sxb-da webka iyo netka gaar ahaan sxb-da safka-hore JSL. Iyadoo dhamaan dalka uu ka soo yeedhayo dhawaaq xambaarsan dhiilo abaareed iyo mid biyo la’aaneed, xaalkuna hada marayo halkii ugu khatarsanayd, ayaa waxaad moodaa in Xisbiga Kulmiye ku foogaday arimo siyaasadeed iyo weliba tab iyo xeeshii mar uun ay ku heli lahaayeen Kursiga Madaxweynenimada Dalka.

Madaxda Kulmiye kursi jacaylka iyo xukun qarqooshaka way ka siman yihiin, waxyaalaha Kulmiye dib u dhaca u keenay ee ay Doorashadii dalka kaga hadheen waxaa ugu horeeya Siilaanyo oo horumarkii Xisbigu u baahnaa ka hagraday iyo isagoo wax walba ka horeysiiya siduu kursiga u sii haysan lahaa.

Siilaanyo waxa u muuqda kursiga oo kaliya, laakiin qorshe madaxtinimo oo lagu hanan karo jagada dalka ugu saraysa kama Muuqato. Waxaan aad uga xumahay oo nasiibdaro weyn ah in Xusbigii aan islahaa waxa uu ku talaabsaday Dimuqraadiyad oo Hogaanka dalka ayuu hanan doonaa uu dib ugu noqday halkii aynu 10 sano ka gudubnay iyo in wax lagu qaybsado hab-Beeleed.

Sababta dadka badankii u jeclaayeen inay codkooda siiyaan Xisbiga Kulmiye saddex bilood ka hor waxay ahayd, waxay u arkayeen Xisbi is beddel-doon ah. Waxayse hadda yaqiinsadeen inuu yahay xisbi Nin Kaliyi Ka Taliyo.

Siilaanyo waa Hogaamiye xoog wax ku doonaya, oo halis ku ah nabadgelyada Qaranka Somaliland iyo deegaannadooda Jaarka.

Siilaanyo waxaa socota beryahan, marka la eego sida wax u dhacayaan, inuu doonayo kursi qabiil, kuna doonayo magac qabiil. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu  ku guul-darraystay hagista hoggaankii siyaasadeed ee Kulmiye, waa nasiib daro in uu maanta ku ololaynayo "tola’ayeey yaa reer Hebel ah", kana soo horjeeda in dalka lagaga ololeeyo xisbi.
 
Siilaanyo waa kursi doon, waxuuna wadankoo dhan siisanayaa kursiga. Waxaa caddaatay waxyaalihii dad badani awel horeba ogaayeen ee ay sheegi jireen (inkastoo aan la dhegeysan jirin). Siyaasadda Siilaanyo, ayaa ah mid  ku dhisan kursi doon, oo aan ahayn Qaran doon. Weligiisna kursi doon ayuu mabda’iisu ahaa.

Dawladdii Marxuun M. I. Cigaal, waxa uu ahaa mucaarid xoog badan, tageera badana waxa uu ka helay umada Somaliland. Balse 1997 waxaa loo magaacabay Wasiirka Maaliyada. Ogow markaas ayaa ugu dambays eray uu ka sheego Dawladii Igaal.

Wuxuu wanaaga Somalaliland ku jiray inaynu ka gudubno hogaan beelaysan, oo aynu dalka u raadino madaxdii xulka ahayd. Waxay markaa ahayd inay asxaabtu u soo bandhigaan ummadda murashaxiin dadka u cuntama gobolka ay doonaan ha ka yimaadeen eh. Weli se waxaynu ku jirnaa wakhti kala guur ah, oo loo baahan yahay in Somaliland ay ka wada muuqato, wadaagto talada dalka. Iyada oon markaa lo odhan karayn jagadaa iyo jagaadaa cid gaar ah ha loo daayo ayey haddana muhiim tahay in laga wada muuqdo talada dalka.

Kursi doon iyo Aargoosi waxa laga dhaxlaa waa colaad iyo Gaajo. Waxa la gudboon in cidda  Taageerta Xisbiga Kulmiye inay ka fiirsadaan dabka  ay shidayaan. Waxaan ummada Somaliland u soo jeedinayaa in ducafadaas xukun-doonka ah in la galiyo taariikhda baal madow oo aan waligood ka harin, marna aan xukun-kooda la aqbalin.

Dardaaran.

Bah-weynta reer Somaliand ayaan Been iyo wax aan jirin la idinku Beer laxawsanin..! Walaaloyaal ha ku lumina Saawa-saawaha dhacaaya hana ku milmina. Dardaaran ku jahaysan dalka Somaliland iyo dadkiisa, Walaalo-yaal dalkan aad Haysataan Busaarad, darxumo iyo maamul-xumo kasta ku qaba, waxa iska leh Umada Somaliland. waxa wanaajin kara waa idinka waxa xumayn karaan waa idinka.

Waxaan idin kula dardaarmayaa oo idiin Xasuusinayaa dalka waxa ka dhacsateen Faqash Dawlad ah oo Hubaysan. Maanta ha dhagaysanina nin Kursi doon ah oo aan ahayn Qaran Doon.

Ugu dambayntii waxaan u soo jeedinayaa aqoonyahanka Soomaaliland in arrimahaan si deggan oo xikmadi ku dheehantahay loo darso iyada oo mar walba isha lagu hayo danta guud ee muslimiinta gaar ahaan Soomaaliland. Waxaan ka digayaa in dooda iyo ra’yi is weydaarsigu noqdaan muran iyo kala fogayn. 

Allaa Mahad leh

Waayeel Aden

Bristol, Uk

Email: waayeel23@hotmail.co.uk

Related Entries