April 30, 2008

Odhaahda Akhristaha: “Dhego laab u daloola iyo dhego laydh u daloola”

Waxaa la yidhaa “Talada adigaa ku noole iyadu kuguma noola”. Waxaa kaloo layidhi “nimaan waxa soo socda garan, waxa taagan haba weeydiin” waxaan uga danleehay, in dadka SL ay maqlaan qayladhaanta ka soo yeedhaysa dadka waxgaradka ah ee intaa inoosoo bandhigaya aaraadooda wanaagsan.

Waxaa aad ii soo jiitay oo runtiina kiciyey dareenkayga maqaalka magciisu yahay [ Xishoodku Wuxuu La Mid Yahay “Huga Ina Saaran”.] ee 29 April 30, 2008 kusoo baxay bogga mareegta Harowo.com ama (dhibyari waxaad u gujin kartaa halka si aad u daalacato) http://harowo.com/2008/04/29/xishoodku-wuxuu-la-mid-yahay-huga-ina-saaran/

Qoraagu wuxuu weeyneyso saaray guud ahaan sooyaalka SL, waxaanan filayaa in uu shaahid-cayaan u ahaa gabooda fallo faro badan oo ay geeysteen ragga maanta horboodaya siyaasada SL.

Ahmed-Wali Aden Geeljire, oo ah qoraaga maqaalkan ayaan si hufan u hoga tusaaleeyey rayadka dhibaateeysan ee SL dagaal waxa uu gallo iyo waxa uu gudo. Qooraalka, oo u qoran qaab aan ahayn sida qoraalada caadiga, oo aaan is idhi waa qaab nooc cusub ah oo wax loo werin karo, wuxu u dhigan sida la qof oo wara waanno ah iska koobinay oo labada qofba waxaa matalaya qoraaga laftarkiisa.

Haddaba, waxaan leehay dadka Somaliland-nooooooooooow wax maqla, wax akhriya oo waanaada qaata oo ka waaantooba wax halka aad maanta gaadheen si dhib yar u burburin kara waa Daagaal sokeeye’. Dhegihiina ka yeela kuwo laabta u daloola oo yaanay noqon kuwo laydha u daloola.

Waaxaa qoraaga maqaalkan uga mahdcelinayaa sida wanaagsa ee uu wax badan oo aanan war u hayn noogu iftiimiyey.

Wabilaahi towfiiq

Max’me Axmed

Ottwa, Canada

Email: mahmed631@hotmail.com