April 30, 2008

Maxaa Keenay Dib u Dhaca Xisbiga Kulmiye Iyo Magacaabista Murashaxiintooda Tartanka Madaxtinimada?

Hargaysa, (Harowo) - Waxa maalintii shalay ka furmay Magaaladda Hargeysa fadhigii golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE kaas oo sida qofshaha lagu waday lagu soo saari lahaa isla markaana lagu kala reebi lahaa musharaxiinta Xisbiga uga qayb galay tartanka Madaxtinimadda dalka (Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ugu tartami lahaa Xisbiga) balse waxa uu shirkaasi Xidhmay mudo yar ka dib markii uu furmay.

Shirkan oo ahaa Fadhigii ugu horreeyey ee uu yeesho golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee [KULMIYE] oo ka furmay  Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa wax yar kadib furitaankiisii oo loo ballansanaa in lagu shaaciyo magacyada xubnaha uga qaybgali doona tartanka doorashada Madaxtinimada Somaliland ayaanay taasi dhicin waxana dib loo dhigay magacaabistooda muddo saddex bilood ah kadib markii uu sidaa ergooyinka golaha dhexe ee madasha ku sugnaa ka codsaday guddoomiyaha Xisbiga Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaanyo), waxana soo jeedintaas cod loo qaaday dib loogu riixay mudo 3-bilood ah ka dib.

Fadhigan oo markii ugu horaysay ku furay go’aan laga akhriyay waraaq ay labadda gole dhexe ee labada Xisbi Mucaarid wada jir iskula qaateen taas oo si wadajir ah labada xisbi mucaarad uga soo saareen khilaafka ka dhasahay muddo-kordhinta Golaha Guurtida, xaaladda doorashooyinka iyo waxa laga yeelayo marka ay dhammaato muddada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku eg 15 May 2008, taas oo loo turjuntay inay tahay sababta darted dib loogu dhigay shaacinta xubnaha xisbiga uga qaybgali doona loollanka doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee [KULMIYE], Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyey furitaankii shirka, ayaa ka warramay ujeeddada kulanka xubnaha golaha dhexe oo uu sheegay in dastuurka Xisbigu dhigayo in shirka Golaha Dhexe ee xisbigu qabsoomo bil kadib marka uu dhamaado Shirweynaha guud ee Xisbigu, sidaa darteedna hoggaanka xisbigu isagoo fulinaya qodobkaa sharciga ah uu isugu yeedhay shirkan xubnaha golaha Dhexe.

Shirka Golaha Dhexe oo ay ka qaybgaleen in ku dhow boqol xubnood, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu waxa uu ku codsaday in dib loo dhigo shaacinta magacyadda Musharaxiinta taas oo badalkeedi shirka loo akhriyay waraaq ka hadlaysa Mawqifka Labadda Xisbi Mucaarid ka taagan yihiin Muranka siyaasadeed.

Sidoo kale waxa isla markiiba lagu meel-mariyey in shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ah kii uu Xisbigu caadiyan ugu dooran lahaa labada murashax ee isu soo taagaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka si ay tartankaa uga qayb galaan waxana dib loo dhigay muddo 3 bilood ah.

Arinta go’aanadda deg dega ah ee golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE qaatay ayaa dad badani wax iska waydiiyeen sababta keentay in dib loogu dhigo mudo intaa leeg maadama oo uu Xisbiga KULMIYE yahay ka ugu ad adag mawqif ahaan mudada xilka uga hadhay Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa Md. Yaasiin, muxuu u keeni waayay inuu badka soo dhigo labada musharax ayayna dad badani is waydiiyeen hadii KULMIYE diyaar yahay?

Inkasta oo sabab dib loogu dhigay ay ku jirtay in ay ka mid yihiin codsiga uga yimi Hoggaanka sare ee xisbiga, xaaladda waqtigan dalku marayo iyo xubno door ah ka mid ah golaha dhexe oo ay u suurtogeli wayday ka qaybgalka kulankaas duruufo gaar ah awgood, isla markaana cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay hadana waxa ay keentay dareeno badan iyo su’aalo kala duwan oo layska waydiiyo arrintaas iyo sababaha dhabta ah.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com