April 30, 2008
Faalo: Madashii Fadhiga Baarlamaanka iyo Dareennadii ku Xeernaa
Guuxii Madasha, Galbiskii Rayaale, Gulufkii Su’aalaha, Go’aankii Cirro, Gadoodkii Mucaaradka, Guushii Muxaafidka iyo Jawaabta Siilaanyo.
Hargeysa, (Maalmaha) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad dheer u jeediyay fadhi wadajir ah oo ay xarunta Golaha Guurtida isugu yimaaddeen shalay mudanayaasha labada gole Baarlamaan ee Somaliland.
Ammaanka xarunta Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada] oo ahayd mid si weyn loo adkeeyay isla markaana ay subaxnimadii horeba iska soo xaadiriyeen mudanayaasha labada Gole oo hore loogu wargeliyay fadhiga wadajirka ah ataa abbaaro 10:00 barqanimo ee shalay waxa madasha soo galay Madaxweyne Rayaale oo ku lebbisan suudh iyo tay bilicsan oo xarrago darteed hadba dhinac u dheeldheeliyaya iyadoo hareeraha ka socdaan oo ay kalsooni farxad ku gelbinayaan ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, waxaana markii Madaxweynuhu kadinka ka soo galay madashii fadhiga marqudha sacab iyo sawaxan la oogsaday mudanayaasha muxaafadka ah oo si weyn u hafiyay xildhibaanada mucaaradka wakiilada oo isu arkayay shalay qaar la cabudhiyay oo laga cudud iyo cod roonaaday.
Fadhiga wadajirka ah ee labada gole Baarlamaan ku qaabileen Md. Rayaale oo uu hagayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu horreyn hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey ku soo dhaweeyey Madaxweynaha isaga oo sheegay inay madasha fadhiyaan 109 mudane oo ka tirsab labada gole, waxaanu ku wargeliyay Mudanayaasha in ay dhagaystaan khudbad-sannadeedka Madaxweynaha, isaga oo sidoo kale xildhibaannada u sheegay inuu Madaxweynuhu codsaday in aanay wax su’aalo ah waydiin, arrintaas qaar ka mid ah xildhibaano u badan kuwa ka soo jeeda axsaabta mucaaradku ka soo horjeesteen, isla marrkaana waxoogaa buuq ahi ka dhashay, balse daqiiqado kadib waxa dib u soo laabtay xasilloonidii madasha.
Guud ahaan dareennada ku xeernaa madasha fadhigii wadajirka ahaa ee Madaxweyne Rayaale ka jeediyay khudbad-sanadeedkiisii ugu dheeraa ayaa ahaa mid laga dareemayay kacsanaan iyo jawi xamaasad iyo xaraarad kulul huwan, arrintaas oo salka ku haysay qorshe mudanayaasha mucaaradka ee aqlabiyadda Golaha wakiiladu ku doonayeen in fadhiga Madaxweynaha laga weydiiyo Su’aalo dhinacyo kala duwan taabanaya, gaar ahaana arrimaha khilaafyada siyaasadeed, dhaqaalaha dalka, miisaaniyadda qaranka iyo arrimo kale kuwaas oo 24kii saacadood ee ka horeeyay si weyn looga dareemayay xildhibaanada ka soo jeeda xisbiyada mucaaradka iyo mudanayaasha xisbul-xaakimka ee ay jaalka yihiin, iyadoo dhaqdhaqaaqyadaasi socdeen ilaa subaxnimadii hore ee shalay ka hor intaan Md. Rayaale Madasha iman.
Haseyeeshee waxa hindisihii mucaaradka sidii xoorka hoos-hoos ugu sii gudhaysay markii mudanayaasha labada Gole Baarlamaan oo tiradoodu dhamayd 110 xubnood isugu yimaadeen hoolka shirarka ee Guurtida, halkaasoo xildhibaanadii mucaaradka ee qorshaha su’aalaha watay arkeen in mudanayaasha muxaafadkku si weyn ugu tiro iyo taageeroba badan yihiin madasha, sidoo kalena waxa qorshahodii daboolka sii saaray sacabka iyo sawaxankii hoolka gariiriyay ee mudanayaasha xisbul-xaakimku ku soo dhawaynayeen Madaxweyne Rayaale iyo kooxda wasiirradiisa awooda lagu soodhaweeyay markii ay madasha fadhiga iska soo shubeen arrintaas oo xildhibaanada mucaaradka ka dhigtay mid u quus goysay qorshahoodii su’aalo weydiinta Rayaale.
Inkasta oo qaar ka mid ah mudanayaasha mucaaradka oo isku dayay inay faro fiiq-fiiq iyo hadallo ay dareenkooda ku muujinayaan ku tuurtuuraan Md. Rayaalena khudbadiisa ku gudo jiray, kuwaas oo qaarkood Madaxweynaha ay is dhaafsadeen weedho taagtaaga, haddana marnaba waxba ugama suurto galin mucaaradka tab iyo xeelad kasta oo ay ku doonayeen inay ka meel marsadaan qorshahooda, kuwaas oo mar kasta muquunin xooggan kala kulmayay xildhibaannada muxaafidiinta oo intooda badani ka tirsan yihii Golaha Guurtida.
Geesta kale, waxa wakhtigan dalka ka taagan arrimo badan oo khuseeya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, qodobadaas oo si weyn loogu dheg taagayay in Madaxweynuhu khudbaddiisa si faahfaahsan ugaga hadli doono xallintooda, maadaama uu yahay masuulka ugu sarreeya Somaliland. Haseyeeshee Md. Rayaale ayaa khudbad-sanadeedka uu jeediyay shalay oo ahayd tii ugu dheerayd ee hoggaamiye Somaliland ahi u jeediyo golayaasha Baarlamaanka oo ka koobnayd 31 bogg, aanu sidii laga filayay daaha ugaga faydin arrimaha xasaasiyadda iyo xaraaradda kulul ka oogan yihiin gaar ahaan murannada siyaasadeed, muddada qabsoomida doorashooyinka, muddo kordhintii Guurtida, xaaladda sicir-bararka, tallaabada xukuumadiisu ka qaadayso cidda le masuuliyadda falkii dhimashada, dhaawaca iyo khasaaraha keenay ee maalintii axadi ka dhacay caasimada Hargeysa inkasta o uu qodobadaas qaarkood si kooban uga soo qaatay khudbadiisa.
Si kasta ha ahaatee, dareennada kacsanaa ee ku xeernaa fadhigii wadajirka ahaa ee Madaxweyne Daahir Rayaalle Kaahin kula hadlayay xildhibaanada labaa gole ee Guurtida iyo Wakiilada, ayaa ku dhammaaday guldarro daaqadda ka saartay doonista mudanayaasha mucaaradka iyo dammaashaad farxadeed oo ay jiibta iyo jaanta isla heleen xildhibaannada muxaafidiinta oo isu dhigay inay maalin xaasaasi ah ka guulaysteen dhiggooda mucaaridiinta ee qoodha ka ah inta badan fadhiyada xukuumaddu muraadka ka yeelato ee aqalka Wakiilada, waxana fadhigaas Madaxweynaha dhinacyada ka kala fadhiyay shirgudoonka Guurtida oo lagu tiriyo muxaafadka koowaad ee xisbul-xaakimka iyo xubnaha shirgudoonka Golaha Wakiilada oo iyaguna dhammaantood ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmad Siilaanyo, ayaa shir jaraa’id oo uu xalay ku qabatay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco, waxa uu kaga aragtidiisa ku waajahan khudbad-sannadeedkii Madaxweyne Rayaale ka akhriyay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Gole Baarlamaan, "Madaxweynuhu kama garaabin dhibaatooyinka waqtigan jira iyo sida uu ugu tuntay geeddi-socodka dimuqraadiyadda, caddaaladda, arrimihii xoriyalatal-qawlka, siduu uga tallaabsaday amaanidii dadka iyo dalku u dhiibtay," ayuu yidhi Siilaanyo.
Source: Wargeyska Maalmaha







