April 29, 2008

Xishoodku Wuxuu La Mid Yahay “Huga Ina Saaran”.

Waxaan Salaamayaa Akhristayaasha Sharafta Leh, iyo Dhamaan Reer Somaliland, Meel Kastoo ay Joogaanba: Waa maahmaah "Hadaanad xishoonayn waxaad doonto samee" Markaa waxaa ka dhigan, dadka manta hanjabaada iyo qaska ka wada dalkeenii hooyo, kuwaa soo ku hanjabaya in ay wax la yaab lehi dhici doonaan marka la gaadho bisha may 15, 2008. Taa soo ay leeyihiin waxaa ku eg waqtigii la doortay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaan aad ula yaabay nin xildhibaan ah oo la yidhi waxaa la yidhaahdaa  Ina cumar xaashi, oo ka soo jeeda reer aad looga yaqaanay Hargeisa oo ku baaqay inaan cashuurta la bixin, ma waalan yahay ruuxu, mise waxbaa u dhiman. 

Muxuu ugu talo galay dalka iyo dadkii soo doortay in lagu kala wado, oo lagu maamulo, inta meel laysla gaadhayo maxay wax kukala soconayaan, ma curyaami baa ? Ayuu curyaaminayaa? Ma dadkiisii? Ma si kale oo kursiga Daahir Riyaalle lagu gaadhaan jirin tolow! 

Mida kale ma dawlad xoog ku haysata dalka ayaa joogta, miyaanay tii la soo doorta ahayn dawladu, ma wuxuu doonayaa in ay isku yaacdo, oo ay qas iyo buuq iyo jaah-wareer  yimaado, oo markaa tolow  muxuu ka helayaa isagu, ma isagaa madaxwayne noqonaya markaa ay waxaasu dhacaan , mise mid uu wataabaa ku fadhiisanaya, markaasaa cashuurtii dib loo bilaabi doonaa miyaa dee, mise marka buuq iyo kala yaac dhaco ayuu isagu iskugu yeedhaya oo hadana odhanaya soo noqda, oo hadana cashuurta bixiya, ilayn waa wax lala yaabaa sida uu ku baaqay xildhibaan ku sheeguye.

Ta kale waxaan waydiiyay xildhibaan ku sheegaa ina cumar xaashi hadii layskula yaaco isagu ma joogayaa hargeisa, mise wuxuu sitaa passport ajanabi ah oo ticket kii baa u diyaar ah, oo marka ay isku yaacdo ayuu ka fuulayaa diyaarada ugu horaysa.

Nina  ka cabi maayo ceelka hadii layskula yaaco, ee maxay doonayaan tolow  kuwaa  ayyaan darada  ku baaqayaa?

Waa hadaanad xishoonayn sidaad doontoba  yeel, oo waxaad doonto ku hadal, waxaanu maqlaynaa in la diiday wixii ay guurtidu soo gaadhay, ee ahaa in mudadii la kordhiyay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, oo ay aqbali waayeen, mucaarid ku sheega dalku, markaa waxaan ku talin lahaa hadii la diido, oo la qaadan waayo, isla markaa ay dawladu aqbasho in aan la qaadan arinta guurtida, dee waynu ka maaranay wax lagu sheegi jiray GUURTI, waa inay kala tagaan, oo nin waliba reerkoodii dib ugu noqdaa, ilayn way dhamaatay shaqadoodiiye, umana baahnine, hayska tageen, oo yay dib mushahar uga qaadan dalka, waabay kharsh bateene, hadii la tix galin waayo taa ay maanta gaadheen hayna dhaafeen, oo ha looga gudbo meel dhaanta.

Ta kale, waxaan had iyo jeer aan la warweraa, markaan arko amaba maqlo nin reer koonfureed ah oo hadal haya Somaliland, oo leh aloore baydhabaa laga xukumaa kuwa woqooyiga jooga, oo hadana aanay jirin nin iyo xisbi mucaarid ah oo ka hadlaya, bal ogaada Shacabka reer Somalilandaw wax looga meel dhigtay ma jirto, mucaaridkuna dawladiibuu eegayaa uun, oo kursigaa gaadh mooyee talo kale ma lahaa, mucaaridkeenu cadaw aan Daahir Riyaalle iyo dawladiisa ahayn ma laha, waa dhab, waana nasiib daro iyo dad xumo haysata xisbiyada mucaaridka ah, dawladiina kuwan iska ilaali mooyee talo kale ka dhimatay, bal ilaahay baan idinku dhaariyee ma maqasheen kuwa mucaaridka sheeganaya, sida Siilaanyo, Mahmaed Kaahin, Ina Biixi oo hadal haya koonfurta aan mar qudha faraha inagala bixin….la heli mayo, taladoodu waa kurisaga Daahir Riyaalle sideed ugu fadhiisataan, garnna mayaa wadadii uu u soo maray Dahir Riyaalle, marka ay ku fadhiistaana ay  dabeedna aydun kuwii ka ciil beesheene, oo aad dagaal danbe ku qaadeene,  kolkol baad odhanaysa, waar malaha waabay is ogyihiin kuwa xamar dadka ku laynaya iyo KULMIYE, ilayn waa yaabe.

Ta kale, marka la eego mala awaalka soconaya, waxaad moodaa in maalmihii Cabdilaahi Yusuf soo gabagaboobeen, oo ay soo noqdeen nimankii odhan jiray sida daadka ayaanu Hargeisa   iyo Burco iyo boorame iyo dhamaan somalilandba u galyna, dadka reer Somaliland waxaan waydiiyay tolow ma lays waydiiyay waxaa inooga meel yaala kuwaasu hadii ay ku soo noqdaan xukunka koonfur, dee waa maya laysma waydiin, sawnigan inagii isku jeedna ma aha, mucaarid ku sheego wali ma ka hadlay, Ina Riyaalle eega uun mooyee, ma lays waydiiyay waxaa laga yeelaayo, dee waa maya kurisigan baa aduunyadii inagu wareegsanayd ba lagu ilaaway, waxaana halkaa ina dhigay waa nimanka maanta isku doortay KULMIYE, waana kuwii shalay isku dilay dadka wada dhashay, ee mudada dheer u maleegaayay inuu beelaha wada taageeri jiray ururkii SNM, ee wada degan Somaliland in mar uun dagaal ka dhex dhaco, oo waliba layskugu tago beel kaliya.

Taaso dhacady 1994, oo ay ukala bixiyeen marya alool iyo malysiya, taasoo boqolaal ku kala dhinteen, kuwii baa nasiib daro, iyo xishood la’aan awgeed dadkii ay isku dileen hor jooga oo waliba u khudbadaynaya oo ku leh, idoorta aan idin xukumee, hada waa kii shalay isku madhiyay, markaasaa nasiib darada qaar badan oo wax ma garato ahi ay sacabka u tumayaan, oo iyagoo afka kala haya ay kor u eegayaaan, oo aanay eegayn kan leh idoorta wuxuu shalay gaystay, taa waxaa kadhigan , Ahmed Siilaanyo oo shalay maal galinayay dagaalka loo baxayay maraya alool iyo malaysiyo, hadana manta leh ha laydoorta, iyo kuwii shalay ku xeernaa oo maantana sidii ugu xeeran oo aan waxba iska bedelin, oo sidii u hareera taagan, waa Ina Kaahin, iyo Ina Biixi, oo sidii u durbaan tumanaya.

Bal hadaba, hadii ay ku guulaysan lahaayeen dagaalkii hore, waxaa la odhan lahaa waa geesiyo ee hala doorto, laakiin hadii ay ku jabeen oo ay ku fashilmeen kii burco, kii faqashtana aanay sharafba ku layan, oo aanay midkoodna ahayn ragii wacdarada dhigay, maxaa laga dooranayaa, miyaanay se xishoonayn may ka hor dhaqaaqaan dadka waxa soo hadhay, ha tashadeene

Markaa kuwa paarlamaan ku sheega ah ee leh waxbaa dhacaya hadii ay mudada madaxwaynuhu dhamaato, iyo kuwaa isku doortay kulmiye ee gacan ku dhiiglayaasha ah, intuba way wada socdaan, markaa waxaanu leenahay hadii aanu nahay shacabkii reer SOMALILAND, HADII AYDAAN XISHOONAYN SIDAAD DOONTAAN YEELA, waayo inta aydin joogtaan dalka kolay waa u dagaal, goor uu dhacaba. Kolay mar waa lays huran, waayo waxaan cidiba u dul qaadanayn waxaa aydin wadaan ilma hebelaw, markaa hadii aydin jeclaateen dagaal, dee ina wadiya aan  mar kale is huranee, iskeen siiya, wuxuu yidhi adeerkay Wali Liibaan, taloba khamaar dagaal baan ka aqaanaa.

Waxaa kale oo aan aad ula yaabay, hadal ka soo yeedhay Faisal Ali Waraabe, markuu lahaa aduunku ha na soo kala gaadho, oo hana dhexdhexaadiyo,,,,, hada waa kaan ciida u haystay, ee aan is lahaa markay qadhaadhaato ha loo irkado, oo kelmida udanbaysa ha yidhaahdo, waa nasiib daro labaad.

Waxaan leeyahay gudoomiye faisalaw, way kaa hoostay, ee hadaad aduun ku doonaysona ku go’ ee weel kale qaado oo aad ku dawarsato, tani kaa socon maysee,  hadii ay caqli gaabnimo kaa tahayna, kula yaabi maayoo horaad u tidhi, mar lagu waydiiyay aabahaana wuxuu joogaa salaxlay, oo ka soo dagaalamayaa, (waa dagaalkii ay wadeen Ina Cigaal, Siilaanyo, Ina Biixi, Ina Kaahin,)adiguna waxaad joogtaa Hargeisa, oo waxaad la joogtaa Ina Cigaal, markaa kiineebaa hagaagsan, waxaad ku jawaabtay gudoomiye, OO AABAHAY WUU WAALAN YAHAYE, markaa gudoomiye sidaad doontoba waad yeeshaa, ee iska yeel maanta sidaad dan moodo.

Hadaan soo gabagabeeyo qoraalkayga, hadii ay sii wadaan oo ka rumeeyaan qas wadayaashu waxa ay wadaan, waxaan u sheegayaa, horta Daahir Riyaalle waa nin reer boorame ah, cidina wax ma yeelli karto, waxaanu tegayaa boorame, oo aan cidi kaga daba tegi karayn, meesha qaska iyo waalida dagaal lala doonayaa waa Hargeisa, markaa in badan ayay hargeisi dihootee bal aan eegno, bal aan eegno waxay dhasho, iyo cidii u hadha, ee kuwada, oo ku bilaaba qaska, oo kuwa wadoow soo wada, kuwa nabada wadaw ka baxa, waa nin walba awoodiisu halkay dhigto.

Burco waxaa degen laba beelood oo heshiis wacani ka dhexeeyo, filina mayo in ciyaar ciyaar layskugu dhici doono, oo ay si dhib iskugu dhufan karaan fidma wadayaashu. Hadii kale miyaa,,,, wax la tiri yay waa wax yar, mudo sanad ah oo loo kordhiyay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, wax ina yeeli mayso, inkastoo aan markii hore ka soo hor jeeday anigu hadana waxaan siistay dalka iyo dadka oo kala qaxa, sidii dagaalkii marya aloolka, iyo malaysiyada, ee lagu ilaaway kii faqashta, waayo faqashto way joogtay markii lagu taamaayay dagaalkan danbe, waar kii faqashta ayaynu ilawnay ee kii danbena yaynaan ilaawin oo dagaal ina ilawsiiyaa yuu dhicin. Ee halaga jooga waxaa la wado, oo ha laga danbeeyo dawlada maanta joogta, si looga danbeeyo ta danbe, oo ninkii danbi ka gala ummada, haka xishoodo hadana ha la idoorto, hadii se aanay xishoonayn waxay doonaan ha yeeleen.

Ahmed-Wali Aden Geeljire

Jeddah Saudi Arabia.

Email: awajama91@yahoo.com

Related Entries