April 28, 2008

Is Mahadiintaa Kulmiye Iyo Guusha Labaad ee Udub!

Marka hore salaan sharaafle dhamaan akhristayaal: Sidaynu la wada socono waxa Somaliland ka so dhacay sadeex doorasho oo kala ahaa Degaanka, Madaxtooyada, iyo Baarlamaanka oo uu mid kasta ku guulaystey Xisbiga Udub. Hayse yeeshe waxa wakhtigoodii dhamaday D/hoose iyo madaxtooyada waxan lagaadhey wakhtigii hadanaa dib lo lagu tartami laha ee ay xisbiyada qarankunaa uu kala rayn lahaayeen.

Hadaba, su’aalaha shacabka reer Somaliland is waydiinayaan manta ay waxay yahiin sidan:

Xisbige ku guulaysan doona dorashooyinka degaanka? Imisa xisbi baa ku tartami doona degaanka? Sadexdee xisbi baa uu tartami doonaa madaxtooyada? Ma Kulmiye, ma Udub, ma Ucid, mise xisbiyo kalaa soo bixii doonaa sida Ururka Qaran oo kale? Xisbigee ku guulaysan doona  doorashada madaxtooyada, Kumuu noqon doona Madaxwaynaha Somaliland ee danbe?

Xisbigee aqoonsigaa Somaliland keeni doonaa, Xisbigee dadkiisa iyo Dalkiisaa daacad uu noqon doona, Xisbige Wadankaa horumar gadhsiin kara?

Udub iyo Kulmiye iyamaa guushu ku raaci doontaa doorashooyinka madaxtooyada, Udub maa gulaysan karaa mar danbe, Kulmiye maa gulaysan karaa?

Rayigayga waxan qabaa inu mar labad sii fiican xibiga Udub ugu gulaysan doono doorashooyiinka soo socdaa isago ku xididaystay kuraasta, Udub oo kaa faa’iidaysanayaa shaqsiiyaad an sharaaf ku lahayn somaliland oo  madaxka ah xisbiyada mucaaradka ah, Udub oo intu haystay wadanku dhismay oo shacab badan taageero ka helay.

Waxan qabaa inan mantaa waxa Somaliland laa yidhaahdaa aysan jirteen haduu ku gulaysan lahaa mid kamid ah xisbiyada mucaaradka ahi. Weliba waxan qabaa haday xisbiyada mucaaradku gulaysan lahayeen waxa wadankaa ka dhicii lahaa dagaal sokeeye (civil war).

Inkasto ay jiraan khaladaad badan oo xaga xoriyatul qawlka iyo ku tumashada dastuurka  ah oo ay xukumaadu samaysay hadana wadanku wuxu gaadhey horumar baaxad leh oo an inadha laga qarasan kariin sida.

Dawlada Madaxwayne Dahiir Riyaale  waxay  horumar wayn ka gadhney xuduudka oo ay sugtay, Arimaha debeda iyo aqoonis raadiska, badhitaanka macdanta, dhoofinta xoolaha nool, dhisidaa ciidaan tayo leh iyo hub, sugida nabad gelyada Qaranka, dhiiri gelinta qurbajoogta malgashiga wadanka hoyo, bilicda magaalooyinka waa wayn, dayaac tirka wadooyinka iyo garoomada, dacay tirka wershedaha, dayac tirka xarumaha dadwaynaha sida cusbitaalada, jeelaja iyo xarumaha dawlada, Ka shaqaynta nadaafada, Xaruumo caafimaad, Waxa barasho tayo leh, u gur madka dhibaatooyinka dabeeciga ah sida abaaraha, roobabka, ayaxa, iyo welaba cudurada dilaga ah and many more an halkan lagu soo kobi kariin.  

Xisbiga Udub wuxu gulaystey shirwaynahii labaad ee xisbiga Kulmiye!

Naleye Adan Yusuf - Ciro

Email: ciro_adan@hotmail.com

Related Entries