April 25, 2008
Nin Walaalkii Doorsaday Ilaaha Darajadeen Waa..!!!
Guddoomiyihii Ururka UCID, ayaa akhaarkii wuxuu gabi dhacleeyaba shisheeye maciin moodey, oo ku baaqay in khilaafka siyaasadeed ee ka oogan wadankiisa ay wax ka tari kaaraan shisheeyaha iyo bulshooyinka caalamku. Hadalkaasina wuxuu ka soo yeedhay markuu muddo sedex bilood ah dibadaha wareegaayeyWaa guulaha uu ka soo hooyey deeq bixiyayaasha iyo dibindaabiyayaasha, ee uu UDUB iyo guurtida ugu faanayey.
Ummalayn maayo baaqiisaa in xubnaha ururkiisi ay la qabaan. Umalayn maayo cidda u heshiiska la soo galayna in uu u sheegay golaha dhexe ee ururkiisa. Maqaalkan wax badan ku sheegi maayo ee ku danbe ayaan ku faahfaahin doonaa. Maanta Faysal waxaan xusuusin lahaa sheekadii Libaaxa ee xayaawaanku ku qaybsanayeen hilbihii Tuludii ay dishoodeen.
Boqorkii xayawaanka mudane Libaax waa kii dhirbaaxay waraabaha markuu hilbihii tulada badh isaga siiyey badhkii kale xayawaankii kale oo dhan ee ishu ka soo dhacday. Dacwana waa tii hilbihii oo dhan isaga siisay ee qadisay xayawaankii kale oo dhan. Kadibna waa kii intuu goos danbeedka ka qoslay weydiiyey bal dayo halkay qaybta iyo caddaalada ku soo baratay. Dayana waa tii hawl yaraan u tidhi: “Waxaa I baray qaybinta hilbaha iyo caddaalada, isha Cali Waraabe ka laalaada, iyo dhirbaaxadii weyneyd ee aad liqsiisaey.”
Waxaan uga dan leeyahay Somaliland waxaa digniin ugu filan dhibaatada haysata kuwii hortood shisheeyaha miciin ka moodey, Waxay arkayaan Isha ka laalaada koonfurta Somaliya, Iraq iyo Afganistaan. Kooxahaasi guurti iyo odayaal kala haga midna aan lahayn, waana ta sobobta in ay fududaato in shisheeye gurigoodii iyo masaajidadoodii ku gubo.
Haddaba, tani way adag tahay mashruucan sida deeq loogu bixiyaa, waayo caddayn aad ku lifaaqdo arjigaaga ma helaysid. Waxaad u baahan tahay oo ay kugu xujaynayaan marka hore hadalkaa dhe, marka xigan waa in aad xabbad rido. Rasaasna ma ridi kartid oo beelihii waa nabad waanay kaa xoroobeen.
Waxaan kugu la talin lahaa foom kale oo ah deeqaha nabadu lagu buuxiyo ayaa yaalle, soo noqo oo kaa iska buuxso. Wuu kugu raagi mooyaane, isagana waa la helaa.Waxaan hadalka kuugu soo gabgabeenayaa murtidii Cabdillaahi Suldan Timicadda ee ahayd: “Nin walaalkii doorsaday Ilaahaa darajadeen waa.”
Waxaad walaalkaa isla garan weydaan cid kalana wax ka tarimayso.
Hamud Duale
Email: huluuq@hotmail.com







