April 25, 2008

Dood ka Dhalatay Qoraalkii Ina Kaahin iyo Cirro: “Wasiir Cirro iyo Daahir Rayaale waxaan ahayn waa NNS oo denbi ah oo aan Ilaahay la hor tago ma hayo.”

Waxaan doonayaa inaan jawaab kooban siiyo dhawr nin oo jawaab ka bixiyey qoraal aan qoray oo la odhan jiray ‘ Gari alley taqaan’ ragga qaar anigay si gaar ah iila soo hadleen, qaarna mareegaha qaar bay ku qoreen qoraal jawaab ah. Hal nin mooyaane inta kale qoraalkayga wey taageertay. Ninka Khadar la yidhaa ayaa doonay inuu u qiil sameeyo raggii huriyey dagaalkii sokeeye, kuna dadaalay inuu dagaalka sokeeye ka dhigo ‘naaska walaalkay taabtay hadba waa sidaan u qaato’.

Khadarow dagaalka sokeeye isagaa ka xun dagaalka shisheeyaha, waayo ninka shisheeyaha ah cadaawad waad ka filanaysaa, wuxuu ku yeelana wax cadaw kuu geystay ayaad u aragtaa, oo aad aargoosankarto. Laakiin dagaalka sokeeyaha waxa kuu gaysanaya walaalkaa oo aanad ka filaynin inuu nafta kaa gooyo, waxa kuu gaysanaya ninkii aad halkiisa hiilka ka filaysay, waxa kuu gaysanaya nin aan ka aarsigiisu guuldarro mooyaane aanu guul kuu soo hoynaynin.

Khadarow malaha taariikhda soomalida ayaa kaa daahane, cuqdada iyo xumaanta soomaalida dhammaanteed dhex taagani waxay ka soo jeeddaa waa dagaaladii sokeeye ee xaaraama-cune iyo quufla. Ninka shisheeye dilaa la yaab ma leh, laakiin ninka walaalkii dilaa qaadasho ma leh. Halkaad qiilka uga doonayso adigaa og.
 
Qodob kale waxaan doonayaa inaan ka qanciyo nin igu yidhi "Ina Kaahin iyo kooxdiisa waad sheegtaye raggii dhinaca kale ka soo jeeday ka warran?"

Waa su’aal fiican - Saaxiib aniga iima kala sokeeyaan labada dhinac saraakiishii ka soo kala jeeday, ma doonayo inaan arko midna, inay dadka araggooda ka qariyaan baa waajib ah. Waxa se muuqata inay qaarkood xishood laaweyaal noqdeen oo weli ummada hor taagan yihiin oo doonayaan in weliba halyeyo lagu sheego, talada dalkana lagu soo sooro, miyaanay ayaandarro ahayn!

Hadda anigu ma kala jecliye adigu ha kala jeclaan. Ta kale Wasiir Cirro iyo Daahir Rayaale waxaan ahayn waa NNS oo denbi ah oo aan Ilaahay la hor tago ma hayo, laakiin Maxamed Kaahin iyo kooxdiisa dee waa kan meydkii qoyan, waatan agoontii taagan, waatan kuwey naafeeyeen jooga, mise wixii xun ba xaawaa lehe iyana Siyaad Barre ayaan ku qornaa. Waaban ku qori lahayne Malaa’iigta wax qorta ma inaka aqbalaysaa…??????

Ta kale waxaan akhristayaasha iyo ragga aan la hadlayo ee Khadar ugu horeeyo u sheegayaa inaanan anigu ka soojeedin qoladii MALEESHIYDA la odhan, balse aan ka soojeedo qolyihii MARYA-ALOOLKA la odhan jiray. Xaqiiqda marka loo wada hadlana ninkasta oo caqli leh oo ka soo jeeda Marya-aloolkii wuxuu maanta qirayaa in dagaalkii 1994 lagu qaaday qolada Maleeshiyada inuu ahaa mid aan xaq ahayn oo rag gaar ahi dano reer-nacayb ah ka lahaayeen. Hadday jirto meelo weli dagaalkaa looga haysto in somaliland laga difaacayey Garxajis, taasi beenowday ee ninkii sidaa u haystayoowba candhuuftaada dib u liq.

Ma qaalkayga waxaan ku dhaafayaa su’aal ah: horta dagaaladii sokeeyaha ee Somaliland ka dhacay ujeedada ka danbeysaa maxay ahayd? Seddexdan arrin midkee run ah:

1.  In dagaalku ahaa mid somaliland lagu curyaaminayo.

2.  In dagaalku ahaa mid Garxajis loola jeedo oo lagu la ciifinayo?

3.  In dagaalku ahaa mid cududda Habar-magaadle lagu kala qaybinayo?

Dagaal: Habar Magaadle, dagaal Garxajis, dagaal somaliland?

Cunfi iyo xumaan doon waa inaka xaaraan, laakiin dooddeenu waa inaan u helno daawo dhab ah mashaakilka dadkeenna haysta, ninkii intaa dan ka fog lahaw doodda debedda ka joog.

Cabdi Gaanbiye

Email: cabdigaanbiye@yahoo.com

Related Entries