April 21, 2008

Keenee Gardaran, oo keebaa Gar Leh….???

Waxaan salaamayaa dhamaan dadwaynaha sharafta leh ee reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu inoo hagaajiyo dalkeenii hooyo iyo dadkeeniiba. Waxa in dhawayd ka soo baxayay dalkeenii hooyo, dood ku saabsan in la dhex dhexaadinayo qaybo isku haysta dalkii, waayo hadii aanay jirin qaybo is haystaa lama yidhaahdeen waxbaa la dhex dhexaadinaya.

Waxaa jira dawladii iyo baarlamaankii la yidhi waa la soo doortay, oo ay ahayd in ay metelaan dadkii soo doortay iyo guurtidii oo ay ahayd in loo irkado markay qadhaadhaato, Sedexdaa qaybood bay ahaayeen waxaa meesha ka jira. Waxaa hadaba ku kala biiray yuug iyo yamaayuug hoosta ka jiray oo aynaan ogayn goor ay abuurmeen.

Hadaba, aan eegno bal cidii gar leh:

Hadaan ku bilaabo anigu xagayga, iyada oo ay u furantahay dadwaynaha reer Somaliland inay iga caawiyaan arinta wax ka qorideeda, si aynu dadkeena wax fiican ugu sheegno, Waxay ila tahay aniga bal aan eegno horta laanta ugu saraysa ee dalkeena oo ah dawladii, wax eeda ah ma ku leedahay qaska siyaasadeed ee ka jira dalkeenii. Jawaabtu waxay ila tahay in aanu habeen jirin ninka yidhaahda dawladu eed kuma laha, way ku leedahay oo iyadaa dalka ka masuul ah, kolayba nin masuul haduu umad ka yahay eed waayi mayo, ifka dawlad ka jirta oo aan eed lahaynina ma jirto, iyada halkaa iigu daa, eedalay ku daa.

Aan eegno bal Baarlamaanki halkuu jirto, iyo meeshay kala joogaan. Cabdiraxmaan Ciro inta badan debedaha ayuu wareegayaa,  waxaanu iskala sodaa Faisal Cali waraabe, oo sidii barigii ay xisbiga samaynayeen ay u wada socdeen ayay wali u wada socdan, mooyi malaha aduunkii doorashada soo socota hadii ay dhacdoba ay ku gali lahaayeen bay gacan maris ugu kala bixinayaan aduunayada oo wali waa u wareeg. Waxaanand moodaa in aanu xil waynba iska saarin hawshii loo egmadayba. 

Cabdicasiis, Samaale wuxuu noqday gacan yaraha KULMIYE, oo wuu ilaaway inuu u dhexeeyo dadkii reer Somaliland oo dhan,  kii soo doortay iyo kii aan soo dooranba. Waxaanu ku xigeenimadii Baarlamaanka ka door biday inuu noqdo kaaliyaha Siilaanyo, oo uu had iyo jeer daba taagan yahay, oo ku celcelinayaa wuxuu kolba siilaanyo ku hadlo. "Riyaale ha dhaco, waa danbiille, waa faqash", isma oga siilaanyo inuu dagaalkii danbe ee ka xumaa kii afwayne uu isagu abuuray, oo uu maal galiyay.  Kii sedexaad meeluu ifka ka jiro lama sheegin, sawirkiisaba ma hayno. Odayaal biiqay oo halkoodii gabay iga dheh, waayo hadaynaan ummad-yahay haysan xisbi adag oo mucaarid ah iyo Baarlamaan adag oo eegaya dadwaynuhu wuxuu doonayo, (midna ma jiro manta) markaa dee waa ina daanwayne inay dawladu marsato wax yaabo badan oo aan la filayn.

Iminka waxaa la sheegayaa in aan la soo marin Baarlamaanka heshiiska ay dawladu la gashay maraykanka ee lagu siiyay qaacidada Berbera, oo aanay Baarlamaanku waxba ka ogayn waxaa lagu soo heshiiyay, inkastoo aanu aamin sanahay dawlada oo ay dawladeenii tahay aynu soo dooranay, hadana mee Baarlamaankii inaga saxi lahaa, hadii ay wax qaldan yihiin, meel baas oo ay eedaan bay ku maqan yihiin.

Hadaba, marka aynu dhaafno xagii dawlada iyo Baarlamaankii, waxaa jirtay meel inoo dihinayd oo aynu ku eeran jiranay markay qadhaadhaato, ilaa marka aynu ka soo bilawno dagaalkii MARYA ALOOLKA iyo MALAYSIYADA, hadaba bal aan eegno waxay soo qabteen iyo siday wax u dhex dhexaadin jireen odayaasha guurtida.

Markaan eegno waxaa ugu horeeyay shaqo ay qabtaan waxay ahayd markii uu Ilaahay haw naxariistee Maxamed Ibarahim Cigaal ahaa madax waynaha ee uu dhacay dagaalkii la baxay malaysiyada iyo marya aloolka, taasoo ay dhex galeen guurtida dalku, oo ay intoodii badnayd manta joogaan. Waa tii la ogaa ee la daba marteeyay odayaashii la ga soo diray beelohoodii, ee markii laysla yimi Hargeisa la jaahwareeriyay dadkii heshiiska waday. Wax aan laysla ogolayn la malmaluuqay, ee lagu sheegay waa heshiis. Runtiina wax heshiis ah waxa jiray uun kii bariga ee labada beelood ka dhacay, laakiin wax heshiis ah Hargeisa ka dhacay ma jiro. Waa waxaa gacanta arinta ku dhigay guurtida oo ay daba socdeen ragii dagaalka xaga Hargeisa ka waday, ee si qaldan markiiba lagu sameeyay Baraalmaan ku sheegii aynu ogayn, taas oo dul qaad badan laga sameeyey, oo aynu ku siganay inuu dagaalkii mar labaad dib u bilaamo, hadana amar Ilaahay iyo dad u kacay baa inaga baajiyay.

Hadaba, hadii aynu eegno siday u xaliyeen dagaalkii, waxaa cadayd inay garab siiyeen dawladii markaa jirtay ee Ina Cigaal (ilaahay haw naxariistee). 100% waxay ku raaceen wixii ay dawladu doonasay, waxaana arintaa ka danbayay dad badan oo markaa dawlda ku jiray amba taageersanaa, sida Ahmed Siilaanyo oo ahaa wasiirkii maaliyad, amaba maal galihii dagaalkii barigaa socday. Ina Biixi oo ahaa garabyada libaaxyeeya, inkastuu bisad noqday markuu Burco tegay. Maxamed kaahin oo ku qaatay dagaalkaa GENERAAL, oo iminka loogu yeedho Janaraalle, oo markaa ahaa kuwa la qaban qaabiyay guurtidii markaa joogtay sida loo khiyaamaynayo dhinicii ka soo hor jeeday dawlada. Waana inta maanta ka qaylinaysa wax ay guurtidu gaadhay ee ah in ay mudo sanad ah u kordhiyeen dawladii manta jirtay. Bal ogaada birigaa waxay ugu talo galeen amaba ay gaadheen guurtidu intuu nool yahay Cigaal inaan la bedelin, oo ay ku raacsanaayeen kuwa manta go’ankan diidani.

Waxaan leeyahay waxaa la yidhi "booraan hadimo ha qodin ku dhici doontaana mooyee", godkii ay qodeen ayay manta ku dhaceen, kuwa diidani dee waa inay xamilaan "ninba waa mar ee muss ma kula koray" buu yidhi ninkii ninka legdaye. Waxaa ka dhigan magaca SNM ee aay raga qaar moodayaan in maanta la aasayo, saw lama oga in maalin hore iyadoo nool lagu aasay shirki Boorame markii laga soo dareeray ayaa lagu bilaabay "HADAA XAQULAAH, XAQUL DAA’IMULAAH", oo ay aaseen ragii dhidibada u ahaa oo ay ka mid yihiin kuwa manta ina tusaya inay u ooyayaan, kana qubanayso ilmada beenta ah ee u eg tii yaxaska. Yaxaaskaa isagoo ilmaynaya hadana sida aan naxariista lahayn wax u cuna.

Hadaba, hadaan ku soo noqdo keenee gardaran, iyo keebaa gar leh, waxaan leeyahay waar haday guurtidu gardaran tahay waa sidii ay horeba wax u xukumi jirtay, ee waxaa is bedelay waa ragii barigaa la socday ayaa manta ka soo hor jeeda, oo ka qaylinaya. Waxaan xusuustaa nin madax ah oo barigaa yidhaahda miyay dhici karta in laga hor yimaado guurtida, oo mantana leh waa "odayaal jaahiliin ah ee sideen ammar uga qaadanaa", markaa macnuhu waa taydii bay xukumi waayeen, ilayn waa siduu uga bartaye, "anaba mar baan dhamay qadhaadhkee idina waa inaydun dhadhamisaan markiina".

Hadii aynu waynay Baarlamankii aynu kaga nasan lahayn guurtida ee waliba inoo sharciyayn lahaa  guurtida lafteeda, dee aanu iska xamilno waxay soo gooyaan. Hadaba, waxaa gardaran ku wa maalintii horena sacabka garaacaayay ee guurtida halkaa gaadhsiiyay ee manta diidan, ee maxaa lagu dhexdhexaadin doonaa ilayn yeeli maayaan guurtidu wax kastoo la soo gooyee, oo umay baran in la hor joogsadee.

Waxaa la soo gooyo hadii ay diidaan guurtidu yaa loola tagi, ina sanwaynana dhimaye "garta ina sanwaynaa loo gaysan jiree".

Cida ay ahayd in loo la tago oo lagu celiyo arinta waa shacabka oo haday manta fikirayaan waa kuwa laysku haystee, waxaa o eg inay dantooda eegaan oo aanay eegin dan siyaasi wato, waayo waxaan dib u dhigtay qoraalkaygan waxa uu ahaa, maxaa laysku haystaa. Waxaa laysku haystaa waa dhiiga shacabka, waa inaga, nasiib daro reer Somalilandna waxay kala raacsan yihiin waa siyaasi ku sheeg, oo inta badan qabiil lagu raacsan yahay. Markaa inta aynu qabiil wax ku doonayno, kuna kala raacsanahay raga dhiigana isku haysta sidaasay dhiigeena u noogayaan. Tusaale yar hadaan idin siiyo. Marka aan qoraal ku weeraro niman siyaasiyiin ah, waxaa aad uga xumaadaa waa inta reerkooda ah, oo u qaata in hadii Siilaanyo. Maxamed Kaahin la soo qaado in reerkooda loo jeedo, hadii ina biixi la soo qaado in reerkooda loo jeedo, waxaaba inta badan dhacda in ay odayaashaydu aad uga xumaadaan oo ay igu yidhaadeen waar reer hebel ayaa ka xumaan doona ragaa aad weerertay ee maad ka jooji.

Waa nasiib daro. Hada maalin walba waxaa la weerarayaa waa Madaxwaynaha ummdda oo hadan cid reerkooda ah oo ka xumaanaysa ma jirto, amba odhanaysa anagaa nalola jeeda waxaa xumaan lagu samaynaayo Daahir Riyaale, tolow ma ka ibaxnimaa aanay kuwan barigu gaadhin. Hadii se aanu nidhaahno ragii qaybta wayn ka qaatay dagaalada dalka ka dhacay burco iyo Hargeisa, sida ina Kaahin, Ina Biixi, Siilaanyo halaga fogeeyo siyaasada oo yaanay ummad waxba u qaban laguna aaminin mansab siyaasadeed, ma ceebaa, mise waa la bukaa, ilayn dhicii kale ee malaysiyada la odhan jiraba way fogaysay kuwoodii, oo kama muuqdaan siyaasada. Waana la ogyahay hadii uu soo noqdo libaaxii gaabnaa, inaan rag manta is ruxayaa aanay dib isu ruxayne, oo aanay dib u hanjabayne.

Hadaba, hadii aan ka dhigay dhamaantood inay gardaran yihiin, yaa gar leh ??? Waxaa gar leh shacabka aan cidna raacsanayn ee daacada u ah dalkeena iyo danteena sida Xaaji Ahmed A. Jama iyo wixii ila mid ah.

Xaaji Ahmed A. Jama

Email: shabeel58@hotmail.com

Related Entries